07/05/2025
Machadka Masaf oo ka Qaybgalay Kulanka u Diyaargarowga Shirweynaha UNFSS+4
Nairobi, 07, May 2025: Machadka Masaf ee Daraasaadka Istiraatiijiga ah waxa uu ka qaybgalay kulan-goboleed muhiim ah oo lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi, Kenya. Kulankan ayaa ahaa gogol-xaar loogusii diyaar garoobayo shirweynaha UNFSS+4 oo ay si wadajir ah ay u martigelin doonaan waddamada Ethiopia iyo Italy 27–29-ka bisha July ee sanadkan 2025.
Mudane Maxamuud Yuusuf Axmed oo ka tirsan Xafiiska Xiriirka Dibadda, ayaa kulanka ku metelayay Machadka Masaf. Kulanka oo soconayay intii u dhaxaysay 5–7-da May 2025, ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista nidaamyada cuntada ee qaaradda Afrika, caqabadaha hortaagan, iyo fursadaha ay leedahay Afrika si ay u gaarto isku filnaansho dhanka cunnada ah.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay wufuud kala duwan oo ka kala socday dalalka Afrika iyo Hay’adaha Caalamiga ah, kuwaas oo isdhaafsaday aragtiyo, waayo-aragnimo, iyo talooyin wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo nidaamka cuntada ee Afrika.
Machadka Masaf wuxuu sii wadi doonaa ka qaybqaadashada arrimaha istiraatiijiga ah ee heer gobol iyo kuwa heer caalami, isaga oo u heellan mar walba arrimaha kaga aaddan sida cilmi-baarista, falanqaynta, iyo samaynta siyaasadaha horumarineed.
=Dhammaad=