Education activist Kornaylka

Education activist  Kornaylka

Share

Education

24/02/2024

Macallin Nawaal waa macallimiinta dhifka ah ee haybadii macallimino ku jirto, ee leh shaqsiyad bare iyo barbaarin oo mugweyn Eebbe ha u barakeeyo sida ay ubadka ugu hagar baxday.

Send a message to learn more

09/02/2024

Pilot jeex iyo Dalmar yare
Jaantay isla heleen
❤️‍🔥❤️‍🔥❤️‍🔥❤️‍🔥

24/01/2024

Puntland❤️

17/03/2023
Photos from Education activist  Kornaylka's post 09/12/2021

Ubixii dalka❤❤❤

24/04/2020

Rajada iyo hurgumada uu leeyahay qoraaga iyo buugga Soomaaliyeed?

Salaan qiimo badan ayaan hawadda u soo marinayaa qalinleyda iyo bulshada akhriska jecel.

Markaad keligaa tahay maskaxdaada waxaa ku furmaya isla hadal, waa wax ku xan-xantaynaya oo ku xiriirsan dhudka dareenkaaga, adigoon hadlin, lagaa hadlin ayey maankaaga gubayaan, jawaabta isla hadalkaagii ka soo baxday ayaa noqonaysa, in waxaad iskula hadashay yihiin wax ay tahay inaad dadka la wadaagto. Ka soco, waxaad aragtay dhacdo, ciddii samaysay iyo kuwii lagu sameeyey dareenkoodii iyo wixii ka dhashay ayaa maankaaga ka oogay su’aalo iyo jawaabo, qaarkood xal ayaad u heshaa, kuwana waxay kugu furan amuuro isku raran, waxay kula xulaan tog leh gebiyo dhagaxaan waaweyn oo soo dhici rabaa ka soo fooraraan, kuwaasoo markaad aragto layaab kugu ridaya, halka gebiyadaas hoostooda ay yihiin godad bahalo galeen ah oo kugu abuuraya cabsi iyo maxaa kaaga soo bixi kara, markase aad salka hoose ee togga fiiriso, waxaa jiifa biyo, shinbiro kala caynad ahi marna cabbayaan, markalena ku qabowsanayaan, kadibna gilgilanayaan oo baalashooda midabada leh biyaha ka tuuryeynayaan, aragtidaasina waa mid ku gelinaysa yididiilo iyo farxad.
Dareenada noocaas ahi waa halkay ka unkamaan curinta iyo in su’aalihii faraha badnaa ee ka dhex oogmay maankaaga aad u bedeshay wax la taaban karo oo ah (BUUG) oo ah kan maanta wehelka inoo ah, iyadoo aan ognahay in dhammaanteen aafada xanuunka Covid-19 ee dunida dhan asiibay, qofkastana gurigiisa laba diblaha ugu xiray, buugu inoo noqday wehel iyo madadaalo.

Waxaad akhrinaysaa ee qorani waa dareen dhab ah iyo arrin uu bulshada usoo gudbiyey qoruhu, wuxuu turjumay wixii maankiisa ka oogmay, waxayna noqotay mid qofkii kale ee akhristaha ahaa wax ka bedeley noloshiisa, ka dhex abuura qalbigiisa dood iyo inuu go’aamo qaato. Haddaba maxaa duruuf haysta qoraaraga iyo buugga Soomaaliyeed.

Maanta waa 23 Abriil, waa maalinta caalamiga ah ee buugga iyo xuquuqda qoraalka (copy right). Qoraaga Soomaaliyeed wuxuu wehel u noqday nabad la’aan iyo barakac joogto ah, waxaa u dheer dhaqaalo xumo iyo garab la’aan yaraysay fursadihii ku caawinayey inuu maaxiyo maankiisa, iyadoo ay karaar dhaafeen sheekooyinka dhaxal reebka noqon kara ee wadanka gees ka gees ka dhacaya maalin kasta ee u baahan in la qoro, haddii saas lagu dhaafana ah dhaxal lumay.
Duruufaha badan ee jiraa ma joojin in wax la qoro, waxaa soo baxa buugaag, iyadoo qoraaga ay haysta culaysyo jihooyin kala duwan uga imanaya, sida: faafinta, iibgeynta iyo darajaduu istaahilo buuggu qiimayn lagu sameeyo, waa qayb ka mid ah dhibaatada ragaadka ku ah dadaalka, wakhtiga, maskaxda iyo dhaqaalaha qoraaga kaga baxay curinta, ururinta iyo soo saarista buugga.

Bulshada ku xeeran qoraaga Soomaaliyeed ayaa iyana ah, kuwo marna aan dhiiri gelinayn. Xilliyadii dagaaladda sokeeye oognaayeen qalinley badan ayaa xogo iyo warbixinno tobanaan sano ay ururinayeen si sahal ah uga lumay, kana qaaday niyad jab, ku keenay inaysan qalin iyo warqad danbe is saarin, xaalka hadda jiraana weli qalinka wuxuu ka dhigay mid indho godan oo dhafoorka qofka qalinka haysta aad ka akhrisan karayso dhibaatada uu la tacalayo ee uu u tol iyo taag la yahay.

Marka la eego sheekooyinka jira, duruufaha nololeed, is bedbedalada tirada badan ee sida degdegga u dhacaya, waxay kaa dhigaysaa waayo arag , waxayna dhiiri geliyeen inta jecel qalinka oo har iyo habeen duruuf kastoo ay ku jiraan aan ka caajisin dhigaalka, iyadoo marka buugga soo baxo ay weli haysato caqabad ka duwan tii h**e.

Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ka mid ah qalinleyda Sooomaaliyeed oon waydiiyey caqabada haysta qoraaga Soomaaliyeed, wuxuu ii sheegay; in Soomaalida aysan weli fahmin muhiimadda buuggu u leeyahay iyo wuxuu xambaarsan yahay, iyadoo hawsha soo saarista buuga ay dusha ka fuusho qoraaga, ayna tahay mid uusan qaadi karin oo jilbaha u dhigtay qalinka, aysanna horay u jirin shirkado iyagu daabaca, iibna geeya buugaagta.

“Dhinaca buugaagta soo baxaysana waxaa haysta dhibaato, in badan oo ka mid ahi ma lahan ujeedo loo qorayo, markaad akhridana ma jirto fariin uu xambaarsan yahay oo buuggu gudbinayo” ayuu yiri Idajaa.

Waxaase rajo geliyey Buugta Soomaaliyeed aasaaskii naadiga qalinleyda SPEN oo bartamihii 1990madkii la aasasay xilli aysan jirin cid is waydiisa xaalkay ku suganaayeen qalinleydii faraha badnayd ee ku kala habqamay dacaladda dunida, wuxuu naadigaasi fure u noqday in kacaan cusub oogmo, waxaa bilowda carwooyin lagu soo bandhigo buugaag, naadiyo wax akhris iyo maktabado iskaa wax u qabso uga hirgalay wadanka, talaabooyinkaani waxay keeneen dhiig joojin, waxay kor u qaadeen tirada buugta soo baxaysa iyo dadka danaynaya akhriska, waana talaabooyin la mahadiyey, inkastoo aysan dabooli karin baahida balaaran ee kala duwan ee haysata buugga iyo qoraaga Soomaaliyeed.

Tusaale carwo buugeedka Muqdisho (MIBF) oo shantii sano ee la soo dhaafay la qabtay waxaa lagu iibsaday buug aduun gaaraya $80,000, waxaanad uga qiyaas qaadan karaysaa siday carwo buugeedku muhiim ugu noqdeen wakhtigaan qalinleyda Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo rajo weyn keenay, shirkado ganacsi oo hadda u darban inay qaataan doorka daabacaadda iyo suuq geynta buugaagta, waxaana ka mid ah shirkadda Hill Press oo xarun daabacad ku leh magaalada Qaahira, halka ay xafiisyo ku leedahay magaalooyin Soomaaliya ku yaal.

Hiil Press oo la aasaasay bishii Juun 2018, waxay u daabaceen qoraayaal kala duwan cadad buugaag ah oo dhan 150, siduu ii sheegay Cabdifataax Daahir Cilmi oo ah madaxa suq geynta iyo xiriirka ee Hiil Press.
Cabdifataax oo ka hadlaya waxa ku dhaliyey hawshaan wuxuu yiri “Waxaan aragnay culayska haysta qoraaga, markuu fikir iyo qoraal soo gudbiyo, wuxuu ka wel welayaa, xaggee ka heli kartaa madbacad tayo leh, yaa kaa cawin kara, hadday tahay naqshadaynta, qarashka iyo qurxinta, si akhristaha u helo wax tayo leh, waxaan qabanay hawl culays ka kor qaaday qoraaga, waaxana ujeedka yahay inaan ka qayb qaadanno kobcinta aqoonta”.

Daabicidda ka sokow, Hiil Press aayaa qalinleyda ka caawisa farsamada naqshaydanta, tifaqyo-tirka iyo sar goynta, waana hawl weyn , waxayna soo dhiraandhiriyeen ragaad ku taagnaa in buug tayo leh soo baxo, waxay beer qaboojis u noqtay qaybo ka mid ah hurgumooyinka haystay qoraaga, baahiduse waa badan tahay.

Waxay kale oo Hill Press bilaabeen hawl ay buugaagta luqadaha kale ku qoran ugu bedelayaan Afsoomaali, si aqoonta qalinleyda aan Soomaalida ahayn u gaarto bulshada Soomaaliyeed, tanoo ah talaabo kale oo muhiim u ah kobcinta akhriska.

Dhaliilaha kale waa in aysan eedda ka marnayn qalinleydu, buugaagta soo baxda ayaa lagu dhaliilaa inaysan wanaajin xogta xogta iyo xuquuqda qoraalka, iyadoo ay jirto qalinley badan oo wax qortay haddana xogtay qorayaan aysan sheegin halka ay salka ku hayso iyo tix gelin la’aan ka jirta xuquuqda qoraalka ama tixraaca, taasoo ah dhibaato ku wareegsan waxa la qorayo iyo hubantidooda.

Maxamed Beddel waa macalin wax ka dhiga jaamacadda Beder iyo Kuliyadda Tababarka Macallimiinta ee Hargeysa, wuxuuna ka mid yahay guddigii diyaariyey manhajka waxbarashada Somaliland sanadkii 2016, waxaan wax ka waydiyey sababaha buugta qalinleyda Soomaaliyeed soo saaran looga mid dhigi waayey manaahijta waxbarashada si ardaydu u akhristaan.

“Laba arrimood ayaa isugu darsan tay, tan h**e masuuliyiinta maamulka haysaa kuma baraarugsana muhiimadda ay u leedahay tacliinta buugaagta qalinleyda soo saaran, tan kale waa qalinleyda laf ahaantooda oo aan soo saarin bugaag aan la jaan-qaadayn fahamka ardayga, buugaagtana inta badan waxay u qoraan dad waaweyn inay akhristaan” ayuu yiri Maxamed Bedel.

Gunaanad: Talooyinka aan qabo si buugga Soomaaliyeed u noqdo mid guulaysta waa: in dugsiyada, daladaha iyo wasaaradaha waxbarashadu ay siiyaan fursado ay ku qiimeeyaan dhigaalka sanadkasta soo baxa, kadibna ay u qoondeeyaan in ardaydu soo akhrido tiro ka mid ah buugaagta cusub ee soo baxda sanadkaas kuwa u cuntama in ay wax ku kordhin karaan garaadka aqooneed ee ardayga, siiba kuwa ka hadlaya, wadaniyadda, barashada dhaqanka iyo deegaanka, una kala qaybiyaan fasalada hoose/dhexe iyo sare, laguna soo daro qaybo ka mid ah imtixaanaadka sanadlaha. Arrintaasi waxay muhiimad ballaaran uleedahay bulshada, waxay kobcinaysaa hal abuurka, waxayna faa’iido weyn oo horumarin u tahay qoraaga iyo faafinta buugaagta Soomaaliyeed.

Mohamed Hassan Irro
Ka tirsan bahda qalinleyda.

03/03/2020

Waxaan bogaadinayaa Ururka Green Hope Movement. Oo dhirey ka wada dugsiyada Hoose/dhexe ee Cabdi ladiif Bilaal Qardho.

26/01/2020

"Waan ka xunahay hadalka kaa soo yeeray wasiir.""

Mudane wasiir dhinacyo badan wax ka eeg mustaqbalka waxbarasho ee ilmaha soomaaliyeed maaha banooni haddaba dhinac loo tuuro.

Hadalka kaa soo yeeray waxa uu niyad jab ku yahay kumanaan arday soomaaliyeed ah. Iska daa' kumanaane, hal ardayna ma kaa mudna inaad niyad jabisid adiga oo ah wasiirkii waxbarashada dalkan.

Ka fikir saamaynta ka dhalan karta ereyada aad ku nuux-nuuxsanaysid adiga oo ku diganaya ardayda Puntland wax ka barata.
Imtixaanka puntland waxa uu mudan yahay in looga daydo qaabka hufnaanta leh ee loo qaado.

Imtixaanka Puntland waxa la qaadaayey muddo dheer heer ka sareeyo oo soomaaliya imtixaan loo qaadana ma jiro, waa haddii aan indhaha la iska tuureyn.

Waxaan wada ogsoonahay wasaaradda waxbarashada ee federalka in wasaaradda waxbarashada puntland ay tabaro u qabatay wax badana ay ka saxday ayna khabiiro puntland ka socday ay kala shaqeeysay xagga imtixaanka iyo manhajka.

Maanta marka in aad taas ankirtan oo ku tilmaantaan waxbarashada puntland mid aan cadaalad ahayn waa arrin la yaan leh.

Si kastaba ha ahaatee waxaa mudan in la kala roonaado xaqiiqadana loo gudbo lagana kaaftoomo hadalka xurgufta leh ee idaacadaha la isku marinaayo. Mustaqbalka ubaxa soomaaliyeedna aan mugdi iyo booraan lagu rido loo qodin.

Mudane wasiir: waxaad tahay masuulkii ugu sareeyey waxbarashada dalkeenna ,waxaad tahay aqoon yahan looga fadhiyey in uu maanta xaalada adag ee dalku ku jiro ka samata bixiyo.

Taasina ma aysan dhicin waxaad sii huruneysaa xaalad qalafsan iyo nacayb bulshada reer puntland ay u qaadeyso dhanka dowlada dhexe.

tabashooyinkii h**e waxay ahaayeen kuwo shacabka reer puntland ka uga tanaasuli karaan dowlada dhexe laakiin tan waxbarashadu marna ma aha mid laga tanaasuli karo.

Qore: Bare Maxamuud Axmed Aw Ismaaciil.

17/10/2019

Haddii aad wax ka aragtid aragada isha oo kaliya waxaan kuu sheegi karaa inaad han yar tahay.

13/10/2019

Barkhad Axmed Aw Ismaaciil
iyo C.wali C.rixmaan Aw Cali.

At Al-Azharu Shariif Qardho.

Photos from Education activist  Kornaylka's post 12/10/2019

Waxay u dabaal-degayaan maalinta Calankooda. Dhallaan faraxsan.

09/10/2019

Miisaanka ereyga "Cilmi " waxa uu iiga culus yahay malaayiin erey.

Want your school to be the top-listed School/college in Gardo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Kaabo Street 0250
Gardo