Global Science University - GSU

Global Science University - GSU

Share

GSU is a leading higher education institution in Somalia distinguished in high quality teaching and research.

GSU is a leading higher education institution, distinguished in high quality teaching and research, and Somalia’s top research, medical and health science university in Galkacyo Puntland, Somalia.

Photos from Global Science University - GSU's post 14/05/2026

Ardayda ta ee Sannadka 5aad ayaa galay exmination-ka maadada ka.

Ardayda waxaan u rajeynaynaa guul Insha'allaah.



Global Science University - GSU.

12/05/2026

ardayda sanadka labaad ee kulliyada Health Sciences-ka, gaar ahaan qaybaha Nursing iyo Midwifery oo samaynaya imtixaanka gacan ka qabashada (Practical examination).

Global Science University - GSU

12/05/2026

Hambalyo Maalinta caalamiga ah ee Kalkaaliyayaasha!

Waxaan hambalyo diiran u diraynaa dhammaan kalkaaliyaaasha caafimaad ee Soomaaliyeed. Waxaan idinku hambalyeynaynaa shaqada muhiim-ka ah ee aad bulshada u haysaan.



Global Science University - GSU

Photos from Global Science University - GSU's post 10/05/2026

Ardayda sanadka labaad ee kulliyada Health Sciences-ka, gaar ahaan qaybaha Nursing iyo Midwifery ayaa u fariistay imtixaanka gacan ka qabashada (Practical examination). Imtixaankaan oo u jeedadiisu tahay in lagu hubiyo korna loogu qaado xirfadda gacan ka qabasho ee aradyda.


Global Science University - GSU

Photos from Global Science University - GSU's post 08/05/2026

Ardayda kulliyadda Cafimaadka ee Jaamacadda Global Science University - GSU ayaa shalay oo tariilhdu ahayd 7dii May 2026 qabatay barnaamij caafimaad oo ah.

Barnaamijkan oo laga fuliyey qaar kamid ah kaamamka magaaladda Galkacyo, wuxuuna ku ahaa wacyi-gelin ku saabsan:
■ ka hortagga koleeraha (Cholera)
■ka hortagga duumada (Malaria)
■ ka hortagga nafaqo-darrada

Xilligan oo ah xilli roobaad ayaa inta badan waxaa dhaca xaalada caafimaad-darro sida shuban, qandho badan iyo malaariyada oo inta badan dadka soo ridata. Si looga gaashaanto arimahaas ayey ardaydu u sameeyeen barnaamijkan.



Global Science University - GSU
GSU-Students Association Network

05/05/2026

ku aadan maalinta caalamiga ah ee umulisooyinka addunka, oo ah maanta oo kale sannad walba 5 May 2026 ayaan u diraynaa dhammaan umulisooyinka adduunka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

Global Science University - GSU oo bixisa qaybta umulisinimada (Midwifery department) sannad walbana soo saarta xifadlayaal/aqoonyahano bartay umulisinimada waxaa sharaf weyn u ah in ay la wadaagto hambalyada iyo xuska dhammaan xirfadlayaasha ku shaqeeya umulisinimada.



Global Science University - GSU

Photos from Global Science University - GSU's post 03/05/2026

Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 2di May 2026, xilka la kala wareegay guddoomiyihii h**e ee ururka ardayda Jaamacadda Global Science University - GSU ee GSU-Students Association Network mudane 𝑴𝒐𝒘𝒍𝒊𝒅 𝑨𝒃𝒅𝒊𝒘𝒂𝒉𝒊𝒅 𝑴𝒐𝒉𝒂𝒎𝒆𝒅 iyo guddoomiyaha cusub mudane 𝒀𝒖𝒔𝒖𝒇 𝑨𝒃𝒅𝒊𝒓𝒂𝒉𝒎𝒂𝒏 𝑴𝒖𝒎𝒊𝒏.

Guddoomiyihii h**e waxaan uga mahadcelinaynaa shaqada wanaagsan ee uu soo qabtay intii uu xafiiska joogay, guddoomiyaha cusubna waxaan leenahay xilka aad la wareegtay Alla ha kuu fududeeyo.

.
GSU-Students Association Network
Global Science University - GSU

Photos from Global Science University - GSU's post 30/04/2026

Shalay oo ay tariikhdu ahayd 29/04/2026, waxaa tababar ku saabsan qalabka shaybaarka iyo sida uu u shaqeeyo loo qabtay qaar kamid ah ardeyda barata shaybaarka ( Department of Medical Laboratory).

Tababarka waxaa soo qabanqaabiyey kulliyada Health Sciences-ka ee Jaamacadda Global Science University - GSU waxaana bixiyey Mr. Abdifatah Kilwe oo ka mid ah barayaasha Jaamacadda.



Global Science University - GSU

Photos from Global Science University - GSU's post 28/04/2026

Waxaan booqasho ku tagnay dugsiga sare ee magaalada Galkacyo.

Waxaan ardayda fasalka 12aad ( Form four-ka) la wadaagnay talooyin ku saabsan sida ugu wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobi lahaayeen imtixaanka shahaadiga ah ee ay dhawaan ay u fariisan doonaan Insha'allah.

Waxaa uga mahad-celinaynaa maamulka dugsiga iyo ardayda sidii wanaagsanayd ee ay noo soo dhaweeyeen.

Waxaan u rajeynaynaa ardayda guul Insha'allaah.


Global Science University - GSU

Photos from Global Science University - GSU's post 25/04/2026

Kulliyada dhakhtarnimada (MBBS) ee Jaamacadda Global Science University - GSU ayaa soo qaban-qaabisay kulan ay ardaydu kusoo bandhigayeen kaysas(Case Presentation Program) la xiriir sida loo maareeyo bukaanada ay soo wajahaan xanuunada kala duwan iyo sidii go’aan looga gaari lahaa xaaladaha caafimaad-darro ee ay wajahayaan(loo daweyn lahaa).

Ardayda barnaamijkan soo bandhigtay ayaa isugu jirtay sannadaha 4aad iyo 5aad ee kulliyadda caafimaadka, waxaana su’aalo la xiriira presentation-kooda waydiiyey dhakhaatiirta/barayaasha kulliyadda qaar kamid ah.

Ujeedada barnamijkan wuxuu ahaa:

⦿Sidii kor loogu qaadi lahaa falaqaynta ardayda ee kaysaska xanuunada iyo dawyntooda.
⦿Kor-uqaadida xirfaha soo bandhigidda kaysas-ka dhabta ah iyo sharaxaadooda.

Waxaan u mahad-celinaynaa dhakhaatiirta/barayaasha jaamacadda ee qaybta weyn ka ahaa qabsoomidda barnaamij-kan qiimaha leh. Maamulka Kulliyadda iyo ardayda oo diyaar-garow fiican muujiyey ayaa sidoo kale iyagana mahadsan.




24/04/2026

Kalamadihii maamulka iyo martisharaftii kaso qayb gashay doorashada guddoomiyaha ururka araday jaamacadda GSU.


GSU-Students Association Network
Global Science University - GSU

Want your school to be the top-listed School/college?

Telephone

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:30
Tuesday 07:00 - 17:30
Wednesday 07:00 - 17:30
Thursday 07:00 - 17:30
Friday 07:00 - 17:30
Saturday 07:00 - 17:30
Sunday 07:00 - 17:30