31/07/2026
HAMBALYO KOWDA AGOOSTO
Waxaan hambalyada iyo farxadda xuska 1-da August, oo ku beegan maalinta aas-aaska Puntland, la qaybsanaynaa dhammaan shacabka Puntland meel kasta oo ay dunida ka joogaan.
Munaasabaddan qiimaha badan waxaan Alle uga baryaynaa inuu u naxariisto dhammaan halyeeyadii iyo dadkii nafahooda u huray dhismaha Puntland. Inta noolna waxaan Eebbe uga rajaynaynaa caafimaad, cimri dheer iyo kheyr badan.
Waxaan shacabka Puntland kula dardaarmaynaa inay ilaashadaan midnimadooda, amnigooda iyo wadajirkooda.
Kulmiye International School Galkaio