Dugsiga hoose dhexe ee shabeele

Dugsiga hoose dhexe ee shabeele

Share

Shabele Primary School is a center of academic excellence in Galkacyo.Fostering quality education, discipline, leadership and environmental responsibility.

28/05/2026

Xaflada Fasalka 8aad.
Duco iyo Dalxiis.

Photos from Dugsiga hoose dhexe ee shabeele's post 24/05/2026

Xafladda fasalka 8aad.

Sawiro: Qeybta 2aad.

Photos from Dugsiga hoose dhexe ee shabeele's post 22/05/2026

Khamiis: 21/05/2026

Waxaa si heer sare ah noogu qabsoontay xafladdii qalin beddelashada Fasalka 8aad ee Shabele Primary School. Xafladda oo ahayd mid si wanaagsan loo agaasimay ayaa ka dhacday Beerta Dalxiiska ee Bilan.
Maamulka iyo macallimiinta iskuulku waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda Fasalka 8aad ee sanadkan soo dhammaystay waxbarashadooda heerka dugsiga hoose/dhexe.
Waxaa la idinka rajaynayaa mustaqbal ifaya iyo guulo waxbarasho oo waaweyn.
Ugu dambayn waxaan Alle idiinkiiga baryeeynaa in uu idiin fududeeyo imtixaanka idiinkana dhigo kuwo ku guulaysta natiijooyin wanaagsan.

Hambalyo.

Sawiro: Qeybta 1aad.

Photos from Dugsiga hoose dhexe ee shabeele's post 07/05/2026

Environment and wildlife club.

Learning becomes more meaningful when learners are exposed to real-life experiences beyond the classroom walls. As the academic year gradually comes to an end, the Environment and Wildlife Club undertook an educational and leisure tour to Bilan Farm. The trip was organized by the school administration to enhance learners’ knowledge of environmental conservation and sustainable agriculture.
The team led by the Headteacher, the Club Patron and the student leadership gained valuable practical exposure and firsthand learning experiences aimed at nurturing responsible and environmentally conscious learners.
We sincerely appreciate the warm reception and hospitality accorded to us by the management and staff of Bilan Farm for making the visit both educational and memorable.
At Shabeele Primary School, we believe that today’s learners are tomorrow’s custodians of the environment and we remain committed to empowering them through practical learning, exposure and innovation.

04/05/2026

WARGELIN

UJEEDO: FASAX

Waxaa la ogeysiinayaa Waalidiinta, Ardayda iyo dhamaan hawl wadeenada Iskoolka Inuu maantaa Fasax yahay iskoolka kadib geeridii kutimid Arday kamid ah, Ardayda Iskoolka.
Waxaan ku boorinayaa bahda shabeele inay ka qeyb galaan aaska.

Mahadsanidiin

04/05/2026

Maamulka, macalimiinta iyo Ardayda Dugsiga hoose dhexe ee shabeele waxay tacsi tiiraanyo xambaarsan uga tacsiyeynayaan Yacqub Salah Cali oo xalay ku geeriyooday magaalada Galkacyo oo kamid ahaa Ardayda Fasaka 7aad, oo xalay tiisi noqotay.
Waxaan Allaah uga baryeynaa inuu naxariistiisa Janno siiyo, waxaan sidoo kale waalidka, qaraabada, macalimiinta, ardayda iyo dhamaan Familka u rajaynaynaa samir iyo iimaan.

03/05/2026

Jadwalka Imtixaanka Finalka 2025-2026

22/04/2026

Debate Competition

Motion: Mathematics should be made compulsory for all students in the national examination.

Fatuma Issa delivered an outstanding performance confidently arguing in support of the motion. Her presentation reflected not only strong debate skills but also a clear understanding of the current educational priorities set by the Ministry of Education in Puntland State.

At our institution we are committed to aligning debate motions with real world issues ensuring students engage with topics that shape their academic and professional future.
Well done Fatuma Issa for representing excellence, confidence and critical thinking.

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland

06/04/2026

TACSI
إنا لله وإنا إليه راجعون

Dhamaan Maamulka, Mucalimiinta iyo Ardayda iskoolka shabele waxaay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan intii uu ka baxay Cabdikani Cali oo kamid ahaa waalidiinta Iskolka, ilaahay qabriga ha u nuuriyo Jannadiisa fardawsana haku casuumo Qoyskii iyo qaraabadiina Sabir iyo iimaan saadiq ah haka siiyo Aamiin Aamiin

03/03/2026

Tuesday: 03/03/2026

Maanta Iskoolka waxaa soo booqday Dr Adan Mohamed Cigal, Wakiilka Guddiga Abaaraha kadib codsi uu iskoolku u gudbiyay.

Ardayda Iskoolka iyaga oo kaashanaya Waalidiinta, Maamulka iyo Macalimiinta ayaa sameeyay gurmad bani’aadannimo oo ay ku taageerayaan walaalahooda ay Abaartu saameysay iyaga oo ku tabarucay intii ay awoodeen.
(0.2ga bareegeeyga biyaha walaalkeey)

Guddiga Ardayda oo ay wehliyaan Maamulka Iskoolka ayaa deeqdii la ururiyay si rasmi ah ugu wareejiyay Dr Adan si loo gaarsiiyo daadka looga talagalay.

Maamulka Dugsiga hoose dhexe ee shabeele Wuxuu si gaar ah hambalyo iyo mahadnaq ugu dirayaa.
■Ardayda Iskuulka oo muujiyay damqasho, isku-duubni iyo dareen walaaltinimo.
■Waalidiinta iyo Macalimiinta oo garab istaag buuxa umuujiyay ardayda.

Tani waa tusaale muujinaya doorka waxbarashadu ku leedahay barashada naxariista, wadajirka iyo masuuliyada bulsho.

MAHADSANIDIIN

Want your school to be the top-listed School/college?

Telephone

Website