13/05/2026
Ardayda Dugsiga Hoose /Dhexe Ee Xaafada Badey Ee Degmada Eyl ayaa Ufariistay Imtixaanka Ugu Dambeeya Ee Sanad Dugsiyeedka 2025/2026
Aqoon La aan Waa Iftiin La aan
13/05/2026
Ardayda Dugsiga Hoose /Dhexe Ee Xaafada Badey Ee Degmada Eyl ayaa Ufariistay Imtixaanka Ugu Dambeeya Ee Sanad Dugsiyeedka 2025/2026
Hadal Jeedinta Gudoomiyaha Ardayda dugsiga badey
Muxiyadiin Abdiqadir oo kamid ah ardayda ka qalin jabinaysa dugsiga ayaa khudbad carabiya ka jeediyay Xafladda qalin jabinta.
Filsan iyo Hillal oo kamid ah Ardayda Dugsiga ayaa nashiido uga qayb qaatay Xafladda Qalin jabinta Ardayda fasalka 8aad ee dugsiga badey
Hadal jeedinta Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe Ee Badey Oo Dardaaran Ujeediyay Ardayda Ka Qalin Jabinaysa dugsiga hoose ee badey Dufcadiisi 44aad.
07/05/2026
Waxaa si heer sare ah noogu qabsomay xafladda qalinjabinta ardayda Fasalka 8-aad ee Dugsiga Hoose Dhexe Badey, dufcaddii 44-aad Ee Degmada Eyl
Xafladdan oo ahayd mid si qurux badan loo agaasimay ayaa waxaa nagalaso qayb galay maamulka iskuulka, macallimiin, masuuliyiin ka tirsan degmada, waalidiin, marti sharaf iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Masuuliyiintii iyo marti sharaftii goobta ka hadlay ayaa hambalyo iyo dhiirrigelin u diray ardayda qalinjabisay, iyagoo ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay waxbarashada ku jireen. Sidoo kale waxay bogaadiyeen doorka ay maamulka iyo macallimiintu ku leeyihiin horumarinta waxbarashada iyo tarbiyadda ardayda.
Maamulka Dugsiga Hoose Dhexe Badey ayaa dhankooda uga mahadceliyay dhammaan marti sharaftii kasoo qayb gashay munaasabadda, iyagoo sheegay in sanad walba ay ka go’an tahay tayeynta waxbarashada iyo dhiirrigelinta ardayda.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Eyl oo munaasabadda ka hadlay ayaa ardayda kula dardaarmay inay sii laba jibbaaraan waxbarashadooda, islamarkaana ay noqdaan jiil wax ku biiriya horumarka bulshada iyo dalka.
Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi farxad leh iyo sawirro xusuus reeb ah oo ay wada qaateen ardayda qalinjabisay, macallimiinta iyo marti sharafta kasoo qayb gashay.
Dhirtu waa qayb kamida nolasha
Waxbarashadu waa lafdhabarka nolasha
Dugsiga Hoose Dhexe Ee Badey
08/03/2026
Hambalyo iyo bogaadin
Dugsiga H/Dhexe ee Badey waxaa maalintii labaad si habsami leh uga socda imtixaan bileedka 2aad ee Dugsiga.
Aniga oo ku hadalka afka maamulka iyo macalimiinta waxaa Hambalyo iyo duco u dirayaa dhammaan ardayda imtixaanka u fariisatay in alle u fududeeyo sidoo kale Waxaan u rajaynaynaa natiijoyin quruxbadan oo farxad galiyah cid allaale cidii gacan ka gaysatay dhisidda mustaqbalka ubadka soo koraya oo ay ugu mudan yihiin WW&TS , MAAMULKA IYO WAALIDIINTA oo dowr weyn ka qayb qaatay dib uhabaynta dugsiga.
Allah mahadleh