الدورة الصيفية عيل أفوين Dowrada Xagaaga Ceel Afweyn

  • Home
  • Somalia
  • Hargeisa
  • الدورة الصيفية عيل أفوين Dowrada Xagaaga Ceel Afweyn

الدورة الصيفية عيل أفوين  Dowrada Xagaaga Ceel Afweyn Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from الدورة الصيفية عيل أفوين Dowrada Xagaaga Ceel Afweyn, Education, Hargeisa.

Boggan waa madasha rasmiga ah ee Dowrada Xagaaga Ceel Afweyn, waxaana lagu baahiyaa jadwalka duruusta, wararka, tartamada, iyo dhammaan hawlaha la xiriira dowrada.

24/07/2026

Khudbadda Maanta | 6 Qodob oo Kamida Calaamadaha Aakhiru-Samaanka | Sh. Dr. Maxamed Sh. Cabdikariim Xasan

23/07/2026

; Ahmiyadda dhalinyarnimada iyo qaabka ay u isticmaali lahaayeen baraha bulshada.

DrMuxamad Ismaaciil Xaaji Cali

one

02/07/2026

Dawraddii Xagaaga ee 5aad oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Xidhay Masjidka Sunnah Ceelafwayn

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gebagebeeyey Dawraddii Xagaaga ee 5aad ee lagu qabtay Masjidka Sunnah Ee ceelafwayn, ka...
02/07/2026

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gebagebeeyey Dawraddii Xagaaga ee 5aad ee lagu qabtay Masjidka Sunnah Ee ceelafwayn, kadib muddo ay ardaydu ka faa'iidaysanayeen waxbarasho, tarbiyad iyo kobcinta aqoonta diinta Islaamka.

Dawraddan oo bilaabantay 20/06/2026 kuna beegnayd 05/01/1448 Hijri, ayaa si guul leh ku soo dhammaatay maanta oo ay taariikhdu tahay 02/07/2026, kuna beegan 17/01/1448 Hijri.

Intii ay socotay dawraddu, ardaydu waxay ka faa'iidaysteen duruus kala duwan oo isugu jiray Tafsiir, Xadiis, Caqiido, Fiqhi iyo Siiro, waxaana barbar socday tartamo, abaalmarino, qaybinta kutubta iyo muxaadarooyin cilmiyeed.

Sidoo kale, dawraddu waxay martigelisay barnaamijyo muhiim ah oo bulshada waxtar u leh, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

🔹 Tababarka Macallimiinta Degmada, oo diiradda lagu saaray horumarinta xirfadaha waxbaridda iyo tarbiyadda.

🔹 Kulanka Dumarka ee Dhisidda Qoyska iyo Barbaarinta Ubadka, oo lagaga hadlay doorka hooyada ee dhismaha qoyska iyo tarbiyadda jiilka soo koraya.

🔹 Kulanka Culimada iyo Laamaha Dowladda ee Degmada, oo lagaga wada hadlay iskaashiga bulshada, anshaxa shaqada, hoggaaminta iyo adeegga bulshada.

Waxaan u mahadcelinaynaa culimadii, macallimiintii, waalidiintii, masuuliyiintii iyo dhammaan cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta iyo guusha Dawraddii Xagaaga ee 5aad.

Waxaan Alle SWT ka baryaynaa inuu ka dhigo aqoontii la bartay mid anfaca, kana yeelo ka qaybgalayaasha kuwo diintooda, dalkooda iyo bulshadooda anfaca.

Dawrad guul ku soo idlaatay, aqoonteeduna sii waaraysa Insha Allah.

Waxaa maanta si guul leh u qabsoomay kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo lagu falanqeeyey mawduucyo muhiim u ah horumarka bul...
01/07/2026

Waxaa maanta si guul leh u qabsoomay kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo lagu falanqeeyey mawduucyo muhiim u ah horumarka bulshada, anshaxa shaqada iyo kobcinta hoggaaminta.

🔹 Mawduuca guud:
Alle Ka Cabsigu waa Ra’samaalka Muslinka
(تقوى الله رأسُ مالِ المسلم)
Waxaa soo jeediyey:

🔹 Tababar 1aad:
Anshaxa Shaqada iyo Hab-dhaqanka Shaqaalaha
(Professional Ethics in Public Service)
Waxaa soo bandhigay: . Cali

🔹 Tababar 2aad:
Horumarinta Hoggaaminta
(Leadership Development)
Waxaa soo jeediyey:

Kulankan waxaa ka qayb galay masuuliyiin iyo madax kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Maayirka degmada, Maayir Ku-xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, maamulayaasha waaxyaha iyo wasaaradaha degmada, saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay'adaha dowladda.

Kulanku wuxuu ahaa mid lagu xoojinayey qiimaha cabsida Alle, anshaxa shaqada, wada-shaqaynta iyo horumarinta hoggaaminta wanaagsan si loo dardargeliyo adeegyada bulshada.







الدورة الصيفية عيل أفوين Dowrada Xagaaga Ceel Afweyn

30/06/2026
29/06/2026

Degdeg: dawrada xagaaga oo qabanaysa 2 Tababar oo muhim ah
@ #

📚 Laba Kitaab oo Caqiido ah oo ka Bilaabanaya Masaajidka JaamacaWaxa Dawradda Xagaaga ay ku faraxsan tahay inay bulshada...
27/06/2026

📚 Laba Kitaab oo Caqiido ah oo ka Bilaabanaya Masaajidka Jaamaca

Waxa Dawradda Xagaaga ay ku faraxsan tahay inay bulshada ugu bishaarayso in uu Sheekh Maxamed Iimaan Maxamed ka bilaabi doono Masaajidka Jaamaca laba kitaab oo muhiim ah oo ka tirsan kutubta Caqiidada:

📖 ( )
📖

Labadan kitaab ee qiimaha badan waxaa qoray:
رحمه الله

Berri oo Axad ah


الدال على الخير كفاعله

26/06/2026

suuradda al kawthar

● Maxadiryooyin sadex ah maanta.● masjid jamica : sh SH Madar Jaamac ● masjid sunne : sh. Abdirahman Mohamed Saleh  ● ma...
24/06/2026

● Maxadiryooyin sadex ah maanta.
● masjid jamica : sh SH Madar Jaamac
● masjid sunne : sh. Abdirahman Mohamed Saleh
● masjid naasir : Ahmet Zalafi
● 11:45 am.



Address

Hargeisa

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when الدورة الصيفية عيل أفوين Dowrada Xagaaga Ceel Afweyn posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category