Dayaxa Primary and intermediate school

Dayaxa Primary and intermediate school

Share

What we learn becomes a part of who we are.

24/09/2025

Maamulka iyo barayaasha dugsigu wax ay halkan uga hambaliyaynayaan, Macallin Updirahman Jaamac Cali oo ka qallin jebinaya jaamacada Gollis. Macallin, Allah hakugu anfaco cilmiga aad baratay.

21/08/2025

Dugsigu waxa uu farac labaad oo dugsiga hoose ah kaaga furay, qaybta sare ee dugsiga sare.

Photos from Dayaxa Primary and intermediate school's post 19/08/2025

10-kaalmood ee ugu sarreeya Gobolka 5 arday ayuu dugsigu ku yeeshay halka dugsigu uu kaalinta 3aad ka galay 10-ka dugsi dhexe ee ugu sarreeya Gobolka Sanaag.

17/08/2025

Maashallaah.

17/08/2025

HAMBALYO & BOGAADIN

Maamulka iyo macallimiinta Dugsiga H/Dhexe ee Dayaxa, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ardayda natiijooyinka sare ka keenay imtixaanka shahaadiga ah, kuwaas oo muujiyay dadaal, karti iyo hufnaan waxbarasho. Sidoo kale, waxaannu bogaadin gaar ah u diraynaa waalidiinta doorka weyn ka qaatay guusha ardayda.

17/08/2025

Natiijooyinka dugsiga 600 ayay ka wada sarreeyaan. Maashallaah.

28/07/2025

Dib u furitaanka dugsigu wax uu ku beegan yahay maalinta sabtida 02/08/2025.

Photos from Dayaxa Primary and intermediate school's post 24/06/2025

Salaasa, 24. 06. 2025

Ubaxii aan jeclaynow asalaama calaykum.

Maanta waa maalin ka duwan maalmaha kale. Waa maalin xusuus mudan oo idiin furaysa albaab cusub. Waa maalin aad soo afmeerteen waxbarashadii dugsiga dhexe. Waa maalintii idiinku danbaysay ee idinka oo isku dhan aad hal fasal oo keliya wada fadhiisataan. Maanta waxa idiin baaqi ahaan doona xasuusaha aad la soo qaadateen, saaxiibbadiin aad isku iskuulka ahaydeen iyo macallimiintiinnii dugsiga. Xasuuso markii dugsiga lagu keenay, waxa aad ahayd arday yar oo yaaban oo cabsi ka muuqato oo aan garanayn, akhris iyo qoraal midna. Allah uga mahadceliya wax kasta kadibna, waalidka iyo macallimiintiina. Intaa kadib, waxa aan idiin dardaarayaa in aannay idin saamayn dhaqanada aan wanaagsanayn ee aad kala kulmi doontaan, kuwo badan oo magaca arday/ardayad dugsi sare aad ka sinnaan doontaan laakiin, dhaqan ahaan aad idiinka duwanaan doona. Wax badan oo la yaabteenna waad aragteen intii imtixaanku socday yay idin saamayn. Ugu danbayn, baraha bulshada noqda kuwo ka adeegsada dhanka toggan si aad wax badan u faa'iidaan. Ha noqonina kuwo dhanka taban u adeegsada si aydaan u noqon duul anbaday. Waannu idin jecel nahay'e guulaysta idamka Allah.

Photos from Dayaxa Primary and intermediate school's post 26/05/2025

Ugu danbayn, koobkii kubadda cagta ee u dhaxeeyey fasallada dhexe ee dugsiga Dayaxa waa uu dhammaaday guushuna wax ay raacday fasalka 8aad.

Photos from Dayaxa Primary and intermediate school's post 22/05/2025

Extra curriculum:

Koobka kubadda cagta ee dugsiga Dayaxa.

"Jidh firfircoon, maskax feejigan, kalsooni nafeed, dulqaad iyo ixtiraam ayaa laga faa'iidaa ciyaarta kubadda cagta".

11/05/2025

Bare Xuseen Macallin Cabdiraxmaan, waa ruug cadaa door weyn ku leh barbaarinta iyo koboca maskaxeed ee ardayda dugsiga. Barakow ustaad.

Want your school to be the top-listed School/college in Erigavo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Galbeedka Masaajidka Sunna
Erigavo