22/08/2026
XAFLADDA BUUG-DIFAACASHADA ARDAYDA JAAMACADDA SOMAVILLE.
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Somaville, Xarunta Guriceel, Mudane Ahmed Hussein Abdi iyo Guddoomiye Ku-xigeenka,Drs. Sacdiya, ayaa ka qeyb galay xafladda buug-difaacashada ardayda Jaamacadda Somaville, Xarunta Guriceel.
Munaasabadda ayaa ahayd mid ay ardaydu kusoo bandhigeen cilmi-baaristii iyo aqoontii ay soo sameeyeen, iyagoo soo bandhigay natiijooyinka iyo talooyinka ka soo baxay daraasadaha ay ku sameeyeen mowduucyo kala duwan.
Midowga Ardayda Jaamacadda Somaville xarunta Guriceel wuxuu mar kale hambalyo u dirayaa dhammaan ardayda buug-difaacashada soo gabagabeysay.
Ugu danbeyn, Midowga Ardayda Jaamacadda Somaville ee Galmudug.Wuxuu u taagan yahay matalaadda, mideynta, daryeelka iyo horumarinta danaha ardayda iyo in uu garab istaago dadaallada waxbarasho iyo horumarineed ee ardayda.
Hambalyo dhammaan ardayda.
Guushu waa billawga mas’uuliyad cusub.
20/08/2026
KHAMIIS, 20/8/2026:
Somaville University Galmudug Campuses Xarunta Guriceel, ayaa qabatay tababar muhiim ah oo loogu talagalay ardayda dhawaan dhammaysatay dugsiga sare.
Tababarka ayaa ku saabsanaa:
1️⃣ Hannaanka Habboon ee Xulashada Kulliyadaha
2️⃣ Saamaynta Aqoontu ku Leedahay. Shakhsiyadda Aadanaha.
Tababarkan wuxuu ardayda siinayaa fursad ay ku helaan aqoon, wacyigelin iyo hagitaan ka caawinaya inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan marxaladda waxbarasho ee xigta.
Midowga Ardayda Jaamacadda Somaville ee Galmudug.
20/08/2026
*DHIR BEERIS*
Gudoonka Naadiga Ardayda Jaamacada *SOMAVILLE UNIVERSITY -CAABUD-WAAQ-* GALMUDUG-SOOMALIA oo uu horkacaayo gudoomiyaha Naadiga ardayda *SHARMAAKE CADAAWE* ayaa *dhir beeris* ku sameeyay jamacada xarunteeda CAABUD-WAAQ isaga oo kaashanaya naadiga ardayda
Wabilaahi tawfiiq
19/08/2026
ASC ARDAYDA F4-KA EE DEGMADA GURICEEL.
Waxaa berri, oo maalin Khamiis ah Taariikhduna tahay 20 August 2026, Jaamacadda Somaville Xarunteeda Guriceel ay qabanaysaa seminar muhiim ah oo ku saabsan ciwaannada poster-ka ka muuqdo qofkaste oo idinka mida haka faa'iidaysto fursaddaan.
Goobta: Beder 2
Wakhtiga 8:00am
Taariikhda berri: 20 August 2026
Waxaa siminaarkaan qaba doona
Ustaad Ciise Xaashi Xayle iyo
Ustaad Dhiblawe
15/08/2026
Hambalyo dhammaan Ardayda ku guuleysatay imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga sare.
Waxaad si guul leh usoo dhammaysateen dugsiga sare, waxaana idiin bilaabanaya marxalad cusub oo muhiim u ah mustaqbalkiinna.
Si aad u sii waddaan safarkiinna waxbarasho, Jaamacadda Somaville waxay soo dhoweynaysaa ardayda cusub ee doonaysa inay u gudubto waxbarashada jaamacadeed.
📚 Diiwaangelintu way socotaa!
Ku soo biir Somaville University oo ka dhis mustaqbalkaaga aqoon, xirfad iyo fursado cusub.
15/08/2026
HAMBALYO ARDAYDA F4.
Midowga Ardayda Jaamacadda Somaville ee Galmudug (SGSU) wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda F4 ee maanta loo shaaciyay natiijada imtixaanka qaranka.
Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa ardaydii ree Galmudug, halkaas kasii wada dadaalka wax barashada.
Guusha aad maanta gaarteen waa tallaabo muhiim ah oo idiin furaysa fursado cusub oo dhinaca waxbarashada iyo mustaqbalkiinaba ah.
Hambalyo dhammaan ardayda F4 ee Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.
Midowga Ardayda Jaamacadda Somaville ee Galmudug. (SGSU)
24/07/2026
Taariikh: Jimco, 24/07/2026.
Waxaa maanta qabsoomay kulan ay isugu yimaadeen hoggaanka Midowga Ardayda Jaamacadda Somaville ee Galmudug., Faraca Guriceel. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Midowga Ardayda, Mudane Ahmed Hussein Abdi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray:
■Is-weydaarsiga xogaha iyo warbixinnada la xiriira hawlaha Midowga Ardayda.
■Dardargelinta iyo horumarinta arrimaha ardayda.
■Qorsheynta iyo isku-dubaridka howlaha mudnaanta leh ee la qorsheynayo in la hirgeliyo maalmaha soo socda, si kor loogu qaado adeegyada iyo danaha ardayda.
Intii uu kulanku socday, xubnaha hoggaanku waxay si qoto dheer uga doodeen qodobadii ajandaha, iyagoo isla qaatay talooyin iyo go'aanno muhiim u ah horumarinta Midowga Ardayda iyo xoojinta wada-shaqeynta.
Ugu dambeyn; kulanka wuxuu ku soo dhammaaday jawi guul leh, iyadoo xubnaha hoggaanku ay kala qaateen waajibaadkii lagu fulin lahaa qorshayaasha la dejiyay. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in kulammada noocan oo kale ah ay si joogto ah u sii socon doonaan, si loo xoojiyo wada-tashiga, isla xisaabtanka iyo horumarinta adeegyada loo hayo ardayda.
&
Midowga Ardayda Jaamacadda Somaville - SUSU
Somaville University Galmudug Campuses
23/07/2026
Ref: SOMA/STD/2026
Date: Khamiis 23 July 2026
Ku: Dhammaan Ardayda Jaamacadda Somaville-Guriceel.
Ku: Xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin.
Og: Guddoomiyaha guud ee jaamacadda Somaville ee Galmudug.
Og: Maamulka Jaamacadda Somaville- Guriceel.
Og: Xafiiska Arrimaha Ardayda Jaamacadda Somaville-- Guriceel.
Ujeeddo: Magacaabis: xubnaha cusub ee ka mid noqonaya guddiga ardayda Jaamacadda Somaville-guriceel.
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Somaville ee Galmudug.Mudane Ahmed Hussein Abdi, wuxuu magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya hoggaanka ardayda jaamacdda somaville isagoo tixgeliyay arrimahaan soo socda:
Markuu arkay: baahida loo qabo dar-dar gelinta howlaha shaqo ee Ardayda Jaamacadda Somaville.
Markuu la tashaday: guddoomiye ku-xegeenka Ardayda Jaamacadda Somaville.
Markuu ku qancay: aqoonta, waayo aragnimada iyo xirfadda ay u leeyihiin mudanayaasha hoos ku xusan,wuxuu magacaabay guddoomiyuhu xubnahaan hoos ku xusan.
1. Omar Mohamed Axmed ( faaruuq) --la taliye sare ee arrimaha ardayda.
2. Dr. Niciiimo calas cismaan-- Agaasime ku- xigeenka Caafimaadka ardayda
3. Abdirahman Abdulkadir Yusuf-- agaasime ku- xigeenka sports-ka.
4. Abdalla Abdi Mohamed-- Madaxa warbaahinta ardayda.
Waxaa la idinka rajeynaa in aad xilka u guda doontaan si daacad ah iyo si danaha Ardayda Jaamacadda Somaville ay ku jirto
Mhdsnidiin.