๐.๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐๐๐ก๐ข ๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ค๐๐๐ข๐ซ ๐๐ฅ๐ข
mideenta bulshada soomaaliyeed iyo garaad dhiska bulshada si loo daadajiyo resourses ka maqan ee deegaan iyo bulsho .
29/07/2026
Hadafka iyo hayaanka han ee aynu ku soo jirnay aniga iyo sxbadey musharixiinta ila ah kuna saabsanaa rabitaanka bulshada waxaan si sharaf iyo meeqaam leh uga codsaneenaa bulshada galmudug qaasatan bulshada reer dhuusamareeb oo aan musharrax u ahay inay noo codeeyaan oo ay codkooda noogala qeyb qataan si aan u gaarno horumar iyo wadajir waara ramaas anoo ka ah musharax halka balan qaad ee ugu weyn waa matalaadda codkka shacabka hiil iyo garrab istaagba .
Waxaan ku dadaaleenaa hufnaanta bulshada ,isku xirnaan ka kajawaabista caqabadaha soo wajaha bulshada xiliyada adag , isla xisaabtan bulsho mid amni ,iyo mid maamulba ,
Waxaan dhammaanteen ku wada guuleesan karnaa anagoo wada jir usoo wada baxna oo aad noogu codeesaan xisbiga ramaas iyo maroodiga,48 .
30 bisha oo maalinta bari ah .
Oo macalimiintiina ,dhakhaatiirtiina ,iyo aqoonyahanadiina ku taageera codkiina Saad ugu aaminteen ugana kalsoonaateen ubadkiina inay waxbaraan iyo daryeelka iyo dadaalka caafimaad ee a idinka rabtaagnaayeen aad hiil unoqotan oo kalsoonidiina kusoo saartaan bari macalimiin tiinna iyo dhaqaatiirtiinna wax tarka leh .
29/07/2026
Waxaan qeyb ka ahaa ololaha soo xiritaanka xisbiga Ramaas ee magaalada Dhuusamareeb oo aan si firfircoon oo mug iyo miisaan leh uga codsannay inay noo codeeyaan ka ramaas ahaan .
Waxaa olole balaaran oo wacyigelin iyo isdhexgal ah kasameenan degmada mareergur iyo degmada gadoon oo ah bulsho wada jecel nabadda .
24/07/2026
Dhammaan reer Galmudug siiba reer dhuusamareeb waxaad si gooban uheesataa wacyigelinta oo gooban 30 jully ayaana inoo balana iyo adinkuu ramaas codkiinna iigu hiiliyo .
.
. .
Waxa aan ka shaqeeneenaa hadaf bulsho oo ladhiso ee k**a shaqeeneeno arimo qaasa ramaas rajada bulshada inuu yahay shaki kuma jirto oo bahdii waxbarashada iyo dhakhaatiirtii lagu kalsoonaa baa hormuudka hayo
Ramaas rug barwaaqo .
24/07/2026
๐ฆ Ololaha Wacyigelinta Doorashada ๐ฆ
Waxaan sharaf weyn u arkayaa inaan qayb ka noqdo ololaha wacyigelinta ee ay musharixiinta iyo masuuliyiinta Urur Siyaasadeedka Ramaas
ka wadeen xaafadaha magaalada Dhuusamareeb.
Ololahan wuxuu diiradda saaray wacyigelinta bulshada, iyadoo lagu boorrinayo inay ka faa'iideystaan codkooda marka la gaaro maalinta doorashada, ayna doortaan Ramaas ama xisbi kasta oo ay aaminsan yihiin inuu si dhab ah u dabooli karo baahiyahooda, una horseedi karo horumar, adeeg bulsho iyo isla xisaabtan.
Codkaagu waa awooddaada. Ka qayb qaado doorashada, dooro hoggaan aad ku kalsoon tahay.
.
24/07/2026
ุจูุณูู
ู ุงูููู ุงูุฑููุญูู
ูฐูู ุงูุฑููุญููู
ู
Magaceyga oo ah eng Abdulaahi serious /designer waxaan halkaan ka cadeenaa horayna ucadeeyay inaan ahay musharax utaagan kursiga golaha deegaanka dhuusamareeb waxaan kusoo jiray ka shaqeenta ururada bulshada ee volunteers ee dal iyo dibad iyo arimaha waxbarashada waxaan inbadan kashaqeenayey hay'adda wacyigelinta Udub arwanes iyo Ururka Midowga Ardayda Jaamacaddaha Soomaaliyeed-MAJSOM oon hogaaminayey anigoo diiradda saaray kor uqaadista wacyiga bulshada ee nabadda ,horumarka iyo kalsooni dhiska mustaqbaleesan kuna dhisan amaano bulsho iyo isku tiirsanaan bulsho .
Walina kasii shaqeyn doonno hadaan guuleesto iyo hadii aan guuleesan .
Anigoo ka duulaya mas'uuliyadda ururada bulshada kuwooda volunteers bulshada iyo horumarka Galmudug , waxaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, si xushmad iyo kalgacal leh uga codsanayaa inay codkooda ku taageeraan Ururka Siyaasadda ramaas oo aan ka sharraxanahay si aan ugu sii dhiiranaado wax uqabashada danyarta oo hormuud. u yahay xisbigu sida magaca ku aragtaan si loo helo jiil kusoo baxa dowladnimo hagaagsan , astaantiisuna tahay
Maroodiga
, lambarkiisuna yahay 48.
Doorashada Galmudug waa fursad lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, laguna dooranayo hoggaan gole yaal deegaan ,mid walkiil iyo mid mw weyne ku shaqeeya hufnaan, isla xisaabtan, iyo u adeegidda bulshada. Musharraxnimadeeda waxay ka dhigan tahay ballanqaad lagu hoggaaminayo shacabka iyadoo mudnaanta la siinayo nabadda, horumarka adeegyada bulshada, shaqo-abuurka dhalinyarada, tayeynta waxbarashada, ilaalinta deegaanka, iyo kobcinta amniga. hiilka danyarta&dadka qaba baahiya gaarka oo isugu jiro dad ku dulman nidaamka dowladnimo iyo dad xukmi rabi ay uwaayeen xubnahoodii muhiimka ahaa.
Waxaan idinka codsanayaa in maalinta Khamiista, oo ku beegan 30-ka Luulyo, aad codkiinna ku garab istaagtaan Ururka Siyaasadda Ramaas (Maroodiga) โ Astaanta 48.
Ballanqaadkeenna waa: Waxqabad rumooba, rajo guulaysata.
Mahadsanidiin.
.
03/06/2026
BAYAAN KU SAABSAN SOO DHAWEYNTII SHIRKA BEESHA CEYR
---------------------------------------------
Waxaan si weyn u soo dhaweynaynaa shirkii ay yeesheen waxgaradka, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo haweenka Beesha Ceyr, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, amniga iyo wadajirka bulshada.
Shirkan waxaa lagu muujiyey in amniga magaalada uu yahay masuuliyad wadajir ah oo saaran dhammaan qaybaha bulshada, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in si mideysan looga wada shaqeeyo ilaalinta xasilloonida, nabadda iyo horumarka deegaanka.
Waxaan mar kale ku celcelinaynaa in nabaddu tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar waara, isla markaana ay waajib tahay in la taageero dadaal kasta oo lagu xoojinayo wada noolaanshaha iyo is-aaminaadda bulshada.
Sidoo kale, waxaan adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay wadajirku, waxaana ku baaqaynaa in dhammaan bulshada, maamulka, culimada, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyaradu ay si guud uga wada shaqeeyaan arrimaha amniga, horumarka iyo danaha guud ee bulshada.
Dowladnimo jaceelka. Bulshada kuma darsan karaan b**b iyo fidno dhaafsiisan wadajirka bulshada dhuusamareeb iyo guud ahaan galmudug.
โNabaddu waa saldhigga horumarka, wadajirkiinuna waa awoodda bulshada.โ
Wabilaahi Towfiiq
27/10/2025
Caqabadaha NGOES ee deegaanada ama colaada .
1:mashaariic hal deegaan lasiiyo ayaa sababeysa in reer guuraa tuulooyin kale ka yimid una aroora daaqsin
deegaan kale hadana caqabadi kadhalatay project gii lafuliyay sida inay isku dagaalaan ama is weedaarsadaan hadallo keenayo kicin tuulo .
2:saameen siyaasadeed oo wajihi karto sida in kursi ama xubin markaa laqeybsanayo ka dhalata saameen siyaasadeed sida abaabul bulsho degaan ayadoo loo hadal qurxinayo.
3:Saameen Dumar sida inay kadhalato inan iyo inanan masaafeestay ama inan inan la dhuuntay taasi oo ayada qeyb ka noqota kicin bulsho abaabulan waana musiibada ugu daran waxay mararka qaar aadaa in haweeen ama caruur aanu waxba ku lug laheen la dhibaateeyo ayadoo lagula kaco xad gudub yo ka dhan ah caruurta iyo haweenka .
4:xakameen la'aan jirta .
Sida in beelahu abaabulanyihiin hubeesan yihiin awooda doolad goboleedyada oo aanu wali tegin meeshii ugu habooneed balse waxaa jiro arimo muhiima oo ka qeyb qaata ka hortagka qabiilada
Sida in laga soo saaro shuruuc xeer soomaali ,in lagu qalabeeyo aqoon iyo cilmi,in sare loogu qaado tababarro lagu xoojinayo fahamka bulshada ree r guuraaga. Sidoo kale in
5:waqyiga bulshada oo liita iyo dhageysiga bulshada hubeesan oo hooseesa sida madalo ,doodo,iyo wacyi gelin oon loo qaban dhalinta hubeesan .
Gunaanadka faaladeeda waxaan ku soo goobaa in loo istaago xalalka iyo dhibaatooyinka jira waxaynu rabnaa in dhab dhalinyarada loogu wajaho oo dooladda iyo ururada mideeyaan yoolalka lagu gaarayo bulsho wada jirta .
Dhalinyarada waa in la isu keeno markii dhexdooda khilaaf ka dhaco oon loo marin nabadoon iyo waxyaabo kaloo dhaawacaya qimiyamka iyo wadajirka dhalinyarada .
Fg:faaladaani cidna laguma durayo dadna laguma eedeenayo arimaha dhaca sida ay udhacaan iyo sida aynu uxallin karno ayaanu tilmaamay .
Dhammaad .
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Dhuusamarreeb
252