18/06/2022
Habsiismadu waa dareen
Aaney kumannaan dabuub
Macnihiisa dabooli karin!
Waxay door wacan u tahay
Qalbiga qalbi kale la d**o
Dacalka inta isku qabtaan
Darandoorriyaan garaac
Haddana isku sii durkaan!
21/11/2021
Hambalyo maalinta macallinka Soomaaliyeed.
25/07/2020
Waxaan arkayaa
Adduun aaya leh!
22/07/2020
Ma jirto sabab qasbaysa in magaca magaalada la beddelo xilligaan iyo xilli ka dambeeya intaba, waayo? Wax cillad ah oo looga cararaahi ma jirto.
Dadka qaar ee qaba aragtida ah in magaca magaalada la beddelo waxay hilmaansan yihiin in degmo degmooyinka Soomaaliya ka mid ah magaceedu yahay ISKUSHUBAN!
Taasi waa aragtidaydee ku biiri aragtidaada!
12/07/2020
"Weji kasta oo faraxsan, waxaa ka dambeeya kumannaan qiso oo xanuunno ah." ~ ❌🧠
Qofba qofka uu ka farxad badan yahay, waa uu ka badan yahay xanuunnada uu qariyey. Taasi waa dulqaadka lays dheer yahay iyo rajo ku noolannimada!
~ Axmednur Xooteeye
11/07/2020
Aabbe Cabdirixmaan SHiikh Maxamuud oo 80 jir ah waxa uu ka mid yahay ardayda itixaanka fasalka 8aad u fadhiistay sanadkaan ee dowlad goboleedka Galmudug. Waxa uu itixaanka ku gelaayaa xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo.
DHabtii, waa tusaale wax loo dhigaa aysan jirin. Waa tusaale ku dayasho iyo dhiirrigelin mudan.
Si gaar ah, laba goor ayuu tusaale ay ku daydaan u yahay reer Mudug(Galgaduud iyo Mudug) oo lugu sheego adadayg siyaado ah.
~ Axmednur Xooteeye
09/07/2020
Asc Soomaaliweyn🇸🇴.
Soomaalideennii h**e waxay oran jireen:
Allow afar arrimood reerka ka ilaali oo ha soo gelin, haddaad soo gelisana afar qofood oo gaar ah ha geline dadka kale geli;
1) Allow talo xumo haddaad reerka gelinayso, aabbaha reerka ha gelin,
2) Allow tuugannimo haddaad reerka gelinayso, hooyada reerka ha gelin,
3) Allow doqonnimo haddaad reerka gelinayso, curadka reerka ha gelin,
4) Allow foolxumo haddaad reerka gelisidna, gabadha reerka ha gelin.
La wadaag asxaabtaada ~ Share
✍️ Axmednur Xooteeye