ILEYS Alumni Association

ILEYS Alumni Association

Share

Page-kan waxaa ku midoobay Ardaydii ka qalin-jebisay ILEYS Secondary School of Commercial and Scienc

21/09/2022

Subax wanaagsan

15/01/2022

Qaar kamida ardaydii horay uga qalin jabisay ILEYS Secondary School ee ku midoobay bahda ILEYS Alumni Association ayaa ka qalin jabiyay Jaamacadda Horn Of Africa University Adado Campus

Hambalyo dhammaantiin.

Maamulka iyo macallimiinta ILEYS Secondary School waxay farxadda la qeybsanayaan dhammaan ardayda Jaamacadda Horn Of Africa University Adado Campus gaar ahaan qalin-jebiyayaasha kala ah:
Abdirahman Moalim Mohamed Koronto Diiwaan Macalin Abdullahi Sheikh Gele Cabdi Farax Shiikhey Sh Axmed Xasan Axmed Shire Ummo Bint Abdul Istarliin Hassan Farah iyo

ILEYS Alumni Association

26/08/2021

Xafladda Qalin-jebinta Dufcada 8-aad ee Dugsiga Sare ee ILEYS Secondary School



ILEYS Alumni Association

23/04/2021

MAALINTA BUUGAAGGA ADDUUNKA

Maalinta Buugga Adduunka, oo sidoo kale loo yaqaan Maalinta Buugga iyo Xuquuqda Qoraalka, ama Maalinta Caalamiga ah ee Buugga, waa munaasabad sannadle ah oo ay soo qabanqaabiso Hay'adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO si kor loogu qaado akhriska, daabacaadda, iyo xuquuqda daabacaadda.

Maalintii ugu horreysay ee la xusay munaasabadda Buugga Adduunka waxaa loo dabaaldegay 23-kii Abriil ee 1995-kii, welina waa la wadaa oo waxay kamid noqotay munaasabadaha Caalamiga ah ee ka diiwaan gashan United Nations -ka.





ILEYS Alumni Association

Photos from ILEYS Alumni Association's post 16/02/2021

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

Bahda waxbarashada ee ILEYS Secondary School & ILEYS Alumni Association waxay hambalyo udirayaan Dhammaan ardayda dhammeysatay waxbarashada heerka 1-aad ee SIMAD UNIVERSITY & faraceeda Adado Learning Center, SIMAD University gaar ahaan ardaydii h**e ee ka qalin jabisay Dugsiga sare ee ganacsiga iyo Sayniska ee Ileys.

1. Nasteha Kafi Adam
2. Shariif Ahmed Hussein
3. Abdullahi Ibrahim Isak
4. Abdullahi Moallim Hassan
5. Liban Ahmed Abdi
6. Ali Ahmed Abdulle


Photos from ILEYS Alumni Association's post 10/01/2021

Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda ILEYS Secondary School waxay hambalyo u dirayaan Ardayda difaacatay Buugga Theses -ha ee Jaamacadda Horn Of Africa University Adado Campus

Si gaara waxaan ugu hambalyeeneynaa iyo dadaalkii dheeraa ee ay usoo galeen in ay gaaraan maanta oo kale.

ILEYS Alumni Association


ILEYS Secondary School

Photos from ILEYS Alumni Association's post 03/09/2020

Bahda ILEYS Alumni Association waxay marka h**e Hambalyo leeyihiin dufcadii 7-aad ee ka Qalin-jebisa Dugsiga sare ee Ganacsiga & Sayniska Ileys (Ileys Secondary School of commercial and science).

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacday Diiriye Halls and Cafetaria ee magaalada cadaado, xafladdaasi waxaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiinta degmada, maamulka Schoolka, odayaasha dhaqanka, waalidiin, arday iyo marti sharaf kale.

Waxaana goobtaasi lagu guddoonsiiyay shahaadada dugsiga sare dufcadii 7-aad ee ka Qalin-jebisa dugsiga sare ee Ileys.



Photos from ILEYS Alumni Association's post 14/02/2020

Midowga Ardayda ka Qalinjabisay Schoolka ILEYS ee Degmada Cadaado ayaa Doorasho Xalay dhacday ku doortay Gudoomiye iyo Ku-xigeen.

Doorashadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayaa ahayd mid lagu dooranayay Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ee Midowga Ardayda ka Qalin jabisay Schoolka ILEYS.

Gudoomiyaha waxaa u sharaxnaa
1. Farxaann Cali Xasan
2. Cabdirisaq Macallin Axmed

Gudoomiye ku xigeenka waxaa u taagna
1. Nuur Maxamed Cabdulle iyo
2. Ayaan Cali Cabdullaahi

Xilka Gudoomiyaha waxaa ku guuleystay
Farxaan Cali Xasan
Halka Gudoomiye ku xigeenka ay ku guulaysatay Ayaan Cali Cabdullaahi

Guddigan ayaa la sameeyay xilli dhaw, waana kii ugu horreeyay ee nuuciisa ah ee laga sameeyo magaalada Cadaado iskuulada ku yaal, waxaana la rajeynayaa in ay unoqoto Madal ay ku mideysan yihiin Qalin-jebiya yaasha Iskuulka Ileys.



Want your school to be the top-listed School/college in Cadaado?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Cadaado