Alpha school bulaburte

Alpha school bulaburte

Share

Alpha is one of leading Technology and science. if you want to become a computer technition learn at Alpha.

Photos from Alpha school bulaburte's post 18/06/2026

Hambalyo guud ahaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta soo gabagabeeyay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe, kaas oo si rasmi ah u billowday Isniintii 15/06/2026 kuna dhammaaday maanta oo Khamiis ah 18/06/2026.

Imtixaankani waa marxalad muhiim ah oo lagu soo gunaanadayo waxbarashada dugsiga dhexe, loogana gudbayo heerka dugsiga sare. Waa tallaabo muujinaysa dadaalka, adkaysiga iyo himilada ardayda ee ku aaddan mustaqbal wanaagsan.

Waxaan hambalyo gaar ah u diraynaa ardayda Iskuulka Alpha ee degmada Buulo Burte, kuwaas oo si hufan oo dadaal leh uga qayb qaatay imtixaanka. Waxaan idiin rajaynaynaa guul, natiijooyin wanaagsan iyo in aad noqotaan jiil aqoon, anshax iyo karti ku hoggaamiya dalkooda iyo dadkooda.

Alle ha idiin sahlo natiijooyin wanaagsan, hana idiin barakeeyo cilmigiinna iyo mustaqbalkiinna.

Hambalyo dhammaan ardayda Soomaaliyeed. πŸŽ“πŸ“šπŸŒΉ

Photos from Alpha school bulaburte's post 10/06/2026

DHAMMAADKA IMTIXAANKA DHAMMAADKA SANADKA πŸ“š
Maamulka iyo macallimiinta Alpha Primary School waxay ku faraxsan yihiin in ay ku wargeliyaan waalidiinta, ardayda, iyo dhammaan bulshada la socota dugsiga in uu si guul leh u soo dhammaaday Imtixaankii Dhammaadka Sanadka (Final Exam) oo bilaabmay 6-da Juun 2026 kuna soo gabagaboobay 10-ka Juun 2026.
Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ardayda dadaalka iyo anshaxa wanaagsan ee ay muujiyeen muddadii imtixaanku socday. Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa waalidiinta iyo macallimiinta taageerada iyo garab istaagga ay siiyeen ardayda.
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda natiijooyin wanaagsan iyo mustaqbal ifaya.
"Guushu waxay ku timaaddaa dadaal, dulqaad iyo aqoon."
Mahadsanidiin.
Maamulka Alpha Primary School πŸŽ“πŸ«
Contact: 615073741

04/06/2026

Jadwalka imtixaanka iskuulka hoose\dhexe ee alpha primary school .

Photos from Alpha school bulaburte's post 23/05/2026

Waxaa si heer sare ah oo habsami leh u qabsoomay tababarkii β€œHow to Prepare Examination” ee loo qabanayey ardayda galeysa imtixaanka dowliga ah ee National Examination, gaar ahaan ardayda fasalada Form Four ee dugsiga sare iyo fasalada 8-aad ee dugsiga hoose dhexe.

Tababarkan ayaa ka qabsoomay xarunta dhexe ee Alpha Primary School, waxaana ardayda lagu siiyey hagitaan muhiim ah oo ku saabsan diyaarinta imtixaanka, qorsheynta waqtiga, habka wax akhriska saxda ah, iyo sidii ay u gaari lahaayeen natiijooyin wanaagsan.

Sidoo kale ardayda waxaa lagula dardaarmay inay ka fogaadaan waxyaabaha keena walwalka iyo mashquulka, islamarkaana si wanaagsan ugu diyaar garoobaan imtixaanka. Waxaa lagu booriyey inay casharradooda si joogto ah u akhriyaan, Alle talo saartaan, waalidkood u baari noqdaan, deriska iyo asxaabtana karaameeyaan, kuna dhaqmaan anshax iyo ixtiraam wanaagsan.

Waxaan u mahadcelineynaa maamulka, macallimiinta, iyo dhammaan ardaydii ka qeyb qaadatay tababarkan qiimaha badan.
Waxaan ardayda u rajeyneynaa guul iyo natiijooyin wanaagsan .

Photos from Alpha school bulaburte's post 22/05/2026

πŸ† Gunaanadka Tartanka Iskuulkaalpha πŸ†
Alxamdulillaah,
Arbaco taariikh 20-may 2026
waxaa si rasmi ah inoogu soo dhammaaday tartankii xiisaha iyo wadajirka lahaa ee mudada noo socday. Tartankaasi wuxuu dhex marayay ardayda fasallada kala ah fasalka 5aad A iyo 5 aad B
Hambalyo ayaan u diraynaa dhammaan ardayda 5aad B guusha ay gaareen, sidoo kale waxaan bogaadinaynaa 5aad A oo muujiyay dadaal iyo tartan sharaf leh.
Waxaan u mahadcelineynaa maamulkaduwan ee iskuilka, waxaana kulankii k**a dambaysta ahaa iskaga hor yimid fasallada 5aad A iyo 5aad B.
Kadib dadaal, tartan adag iyo bandhig aqooneed wanaagsan, waxaa, macallimiinta, guddiga qabanqaabada iyo dhammaan ardaydii ka qeyb qaadatay tartanka sidii uu ugu dhacay jawi qurux badan, edeb iyo isxushmad leh.
πŸ“š Tartanku ma ahan oo keliya guul iyo guuldarro, balse waa dhiirrigelin, aqoon kororsi iyo mideyn ardayeed.
Mar kale hambalyo fasalka 5aad B πŸ₯‡βœ¨
Guul iyo horumar ayaan idiin rajeyneynaa dhammaantiin.

Photos from Alpha school bulaburte's post 16/05/2026

πŸŽ“ ALPHA SCHOOl
πŸ“˜ Tababarka β€œSida Loogu Diyaargaroobo Imtixaanka”
wuxuu ardayda ka caawin doonaa:
βœ… Habka ugu wanaagsan ee imtixaanka loogu diyaar garoobo
βœ… Kor u qaadista kalsoonida ardayga
βœ… Yareynta cabsida imtixaanka
Waxaan cudur daar ka bixinaynaa hakadkii ku yimid waqtigii h**e ee la qorsheeyay tababarka,
waxaana idin ogeysiinaynaa in uu inoo qabsoomi doono maalmaha khamiista iyo jimcaha soo socda, I.a
πŸ”Ή Ardayda Dugsiga Sare
πŸ—“οΈ Khamiis 21 May 2026
⏰ 03:45 Bacdal Casir
πŸ”Ή Ardayda Dugsiga dhexe (Fasalka 8aad)
πŸ—“οΈ Jimco 22 May 2026
⏰ 03:45 Bacdal Casir

πŸ“ Isdiiwaangelintu way socotaa
πŸ“² WhatsApp: 616205422
πŸ“ž Wicitaan: 0610205422
⚠️ Diiwaan gelintu waxa ay ku egtahay maalinta arbacada ah taariikhdu tahay 21 may
✨ β€œGuushu waxay ka bilaabataa diyaar garow wanaagsan.”

Photos from Alpha school bulaburte's post 09/05/2026

ALPHA SCHOOL
πŸŽ“ TABABAR KU SAABSAN SIDEE LOOGU DIYAARGAROOBAA IMTIXAANKA?
Alpha School waxa uu qabanayaa tababar muhiim ah oo loogu talagalay ardayda isku diyaarinaysa imtixaannada sanadkan. Tababarkaan wuxuu ardayda ka caawin doonaa:
βœ… Sida loo qorsheeyo waxbarashada
βœ… Habka ugu wanaagsan ee imtixaanka loogu diyaar garoobo
βœ… Xakameynta cabsida imtixaanka
βœ… Kordhinta kalsoonida iyo guusha ardayga
πŸ“… Jadwalka Tababarka:
πŸ”Ή Ardayda Dugsiga Sare
πŸ—“οΈ Khamiis 14 May 2026
πŸ”Ή Ardayda Fasalka 8aad
πŸ—“οΈ Jimco 15 May 2026
⏰ Waqtiga: 03:45 Bacdal Casir
πŸ“ Goobta: Alpha School
πŸ“ Diiwaangelintu way socotaa!
πŸ“Œ Isdiiwaangelintu waxay ku egtahay maalinta Arbacada 13 May 2026.
⚠️ Tirada ardayda la qaadanayo waa xaddidan tahay, yaan lagaa buuxin ee si dhaqso leh isku diiwaangeli.
πŸ“ž Kala xiriir:
πŸ“± 618030383
πŸ“± 610205422
✨ β€œGuushu waxay ka bilaabataa diyaar garow wanaagsan.”

21/04/2026
17/04/2026

Buraanbur
waa nooc ka mid ah suugaanta Soomaaliyeed oo ay badanaa tiriyaan haweenka. Waa gabayo leh laxan iyo miisaan, waxaana lagu cabbiraa dareen, farxad, murugo, ama dhacdooyin bulshada la xiriira.

Waxaa lagu qaadaa hees ama laxan
Waxaa badanaa laga sameeyaa munaasabadaha sida aroosyada, ciidaha, iyo kulamada bulshada
Waxaa ku jira fariimo wacyigelin, amaan, ama dhaliil .
Tani waa ardayad sacdiyo Abdi Axmed Cali
Oo kamid ah ardayda iskuulka alpha class 8 ee degmada buuloburte

Photos from Alpha school bulaburte's post 21/11/2025

Aniga oo ah Maamulaha Schoolka Alpha, waxaan maanta u dirayaa mahadcelin iyo qadarin gaar ah:

1️⃣ Macallimiinta Soomaaliyeed oo dhan
Kuwaas oo door muuqda ku leh dhismaha aqoonta, anshaxa iyo mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed. Maalin walbanq u taagan iftiin iyo hagid dhab ah.

2️⃣ Macallimiinta Gobolka Hiiraan
Waxaan uga mahadcelinayaa dadaalkooda joogtada ah iyo sida ay u hormariyaan waxbarashada gobolka, iyaga oo mar walba u taagan waxbaris tayo leh.

3️⃣ Macallimiinta Degmada Buloburte
Waxaan u mahadcelinayaa macallimiinta degmada oo door muhiim ah ku leh kobcinta aqoonta iyo horumarinta ardayda degmada.

4️⃣ Macallimiinta Schoolka Alpha
Macallimiinteena qiimaha badan, waxaad tihiin tiirka dugsiga. Dadaalkiinna joogtada ah iyo kartida aad ku bartaan ardayda ayaa sabab u ah horumarka Schoolka Alpha.

5️⃣ Ardayda soo qaban-qaabisay xafladdan quruxda badan.
Hambalyo ardaydeena hal-abuurka leh! Waxa aad muujiseen xidhiidh, karti, iyo iskuduubni ku dayasho mudan. Xafladdan qiimaha leh waa miraha dadaalkiinna.

6️⃣ Waalidiinta & Bulshada qaybaheeda kala duwan
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa waalidiinta, maamulka degmada, culimada, nabadoonada, ganacsatada iyo dhammaan bulshada ka soo qeyb gashay xafladda. Ka qaybgalkiinu waa dhiirigelin iyo sharaf weyn oo noo horseedeysa inaan sii xoojino waxbarashada iyo wadajirka bulshada.

Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, waxaan leenahay: Macallimiinow, ardayow, waalidiinow & bulshooy β€” dhammaantiin waad mahadsan tihiin!

Maamulka Schoolka Alpha:Eng Ifiye

Want your school to be the top-listed School/college in Buulobarde?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Buulobarde