Malkariyey Primary school

Malkariyey Primary school

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Malkariyey Primary school, Elementary School, Buulo Xaawiyow.

Photos from Malkariyey Primary school's post 21/11/2025

Xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed

21-ka November ayaa loo asteeyay Maalinta Macalinka Soomaaliyeed tan iyo 1974-tii
aa maalin lagu maamuuso dadaalka iyo shaqada adag ee macallimiinta Soomaaliyeed ay u hayaan barbaarinta jiilka mustaqbalka, xilli ay soo mareen duruufo adag oo uu dalku burbursanaa Dugsiga Hoose Dhexe ee Malkariyey Primary school Wuxuu Ugu Hambalyeenayaa Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo Ku Beegan Maanta oo Kale

➖️ Minan Jano Allow Sii
➖️ Miro Jano Allow Sii
➖️ Macallinkeena Allow Kaal
➖️ Macallinkiisa Allow Kaal

Mahadsanid Macallin

22/10/2025

DAAWO: Halkan oo ah qabuuraha malkariyey aas qaran Loogu sameeyay Alle ha u naxariisto Gudoomiye kuxigeenkii Labaad ee Deeganka Malkariyey AUN Hasan Abdi Ali oo Malin ka hor Ku geeriyoday magalada Hawasa ee Dalka itoobiya iyadoona Aas Qaran loogu sameeye halkan wuxuu ahaa nin wayn oo dalkaan iyo dadkaan deegankuba u soo shaqeeyey oo Alle iyo umad yaqaan ah.

Waxana aaska kaso qaybgalay Bulshada qaybaheda Kala duwan Sida maamulka dugsiyada Dagmada culumaudin ardayda dugsiyda Dagmada waxgaradka Deeganka iyo Marti Sharaf Kala duwan iyagoona dhamantood u rajeeyay in hoygiisa aakhiro kayeelo hoyga janatul fardowsa

Wariye Ali Yare

30/09/2025

Waxaa Mudan oo aan ka hadal laheyn in Macalinka uu hayo Shaqo Adag oo wanaagsan Wuxuu soo saaraa Labeenta bulshada ayadoo qeybo badan ay kala leeyihiin dhanka shaqada laakiin Waxaa la isku raacsan yahay in Macalinka uu Hormuud u yahay Mustaqbalka Dal dhan waayo Bulsho aan laheyn Tacliin waa adag tahay in ay la jaanqaadaan Dalalka kale waxaana Arintaas lafdhabar u ah Macalin Hadaba Waxaa fiican in loo muujiyo ixtiraam, jaceyl macalinimo Markaad qiimeyso macalinka waxku bara iyo macalinkii waxkusoobaray waxaad noqoneysaa Miraha wanaagsan ee la beeray weyna kaa Muuqaneysaa Aqoonta.Sharaf ayay i tahy in aan ahy in kabdn 20sno Bare dhanka ah Macalin saxafadeed. Ustaad Ali Mohamed Diiriye Sharaf iyo karama ayan kulennahy ustaad

30/08/2025

Hooyo waxbaratay carurteedana ku barbarisay

Alle ha xafido mama luul

05/06/2025

Final Exam Day Students Malkariyey Primary school 2024-2025

04/06/2025

Ardayda Dugsiga hoose dhexe Ee Malkariyey Primary school waxaa manta si Nabadgelyo ah ugu soo idlaaday Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8aad ee 2024 2025

Photos from Malkariyey Primary school's post 04/06/2025

Congratulations Once again

Alxamdulillaah, maanta si qurux badan oo nabad ah ayaa inoogu dhammaaday 𝐢𝐦𝐭𝐢𝐱𝐚𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 Goboledka 𝐉𝐮𝐛𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝.

Dhamaan ardayda waxaan u rajaynayaa guul, baraare, iyo mustaqbal ifaya insha’Allaah.
Kaalmaha h**e allaha idinka dhigo, guusha ha idinla jirto dhammaantiin.

W/Q Wariye Ali Yare

📷 Said Yare

31/05/2025

Berri oo Axad ah kuna beegantahay 1-da Juun 2025, waxaa si rasmi ah u bilaabanaya Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2024–2025 ee Dowladda Jubaland.
Waxana dhamaan urajaynayaa ardayda somaliyeed gaar ahaan ardayda Dagmada baladxawo gaar ahaan ardayda Dugsiga hoose dhexe ee Malkariyey Primary school

Waxaan u rajeynaynaa dhammaan ardayda reer Jubaland guul iyo nasiib wanaagsan. ha iloobina dadaal, niyad wanaag, iyo kalsoonida Alle waa furaha guusha.

Guul iyo horumar ayaan idiin rajeynaynaa!
-------

27/05/2025

Maamulka Dugsiga Hoose dhexe Ee Malkariyey Primary school ayaa u sameeyay xaflad sagootin ah fasalka 8aad ee sanad dugsiyeeydka 2024-2025

22/05/2025

Xaflad si heer sare leh loo soo agaasimay ayna soo qaban qaabiyeen Mamulka Dugsiga Malkariyey Primary school ayaa ka qabsoontay Hoolka Dugsiga xaflada ayana ahayd Sagootin & Kulan Duco oo iskugu jiro oo ay qabasaden Ardayda Fasalka 8aad 2024 2025 Ee Malkariyey Primary school

21/05/2025

Macalimad waa macalimad dhigta Dugsiga Hoose dhexe Ee Malkariyey Primary school Baladxawo Gedosomalia ardayda schoolka ayaa maamuus u sameeyay.

Photos from Malkariyey Primary school's post 21/05/2025

Sawiro:Qeybta 1aad📸

𝙓𝘼𝙁𝙇𝘼𝘿 -𝙎𝙃𝘼𝙍𝘼𝙁𝙀𝙀𝘿 𝙇𝘼𝙂𝙐 𝙎𝘼𝙂𝙊𝙊𝙏𝙄𝙔𝘼𝙔 𝙁𝘼𝙎𝘼𝙇𝙆𝘼 8AAD 𝙀𝙀 𝘿𝙐𝙂𝙄𝙎𝙂𝘼 DHEXE EE 𝙎𝘼𝙉𝘼𝘿-𝘿𝙐𝙂𝙎𝙄𝙔𝙀𝙀𝘿𝙆𝘼 2024- 2025🌺🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉 Isniin: 21 MAY 2025,

Xaflad isugu jirtay duco iyo sagootin oo ay soo qaban qaabiyeen ardada fasalka 8aad ee dugsiga Hoose dhexee dugsiga dhexe ayaa ka qabsoontay saaxadda dugsiga malkariyey Primary School
Iyadoona ay kasoo Qayb galeen Mamulka Dugsiga Macalimin waalidiin iyo marti sharaf kale duwan.

Ardayda fasalka 8aad Malkariyey Primary school macllimiinta, iyo maamulka dugsiga marti sharaf kale cazuumaad sagootin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay.

Dhamaan ardayda fasalka 8aad waxaa ay maclimiintiina, maamulka iyo waliba marti sharafta ka soo qeyb gashay casuumaadda ka codsadeen in ay u duceeyaan si ay Guul uga gaaraan imtixaanka iyo waliba mustaqbalka.

Dhanka kale Dhamaan macaliminta Dugsiga ardayda Iyo waalidintii kasoo qaybgashay ayaa Tacsi udiray Geeridii dhawaan ku timid Madam laila Farah iyagoona u rajeeyay In hoygeeda ka yeelo janatul fardowsa Mamulka iyo macalimiinta ayaa sido kale Cafimad taam u rajeeyay Macalin siyaad oo dhawaan xaalad caafimad loogu qaaday magalada mogadishu

📸Wariye Cali Tarabi

Want your school to be the top-listed School/college in Buulo Xaawiyow?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Culinary Team

Attire

Telephone

Website

Address

Buulo Xaawiyow