14/12/2025
Ujeeddo: shaacin fasax
Sida Wasaaradda Waxbarashadu shaacisay munaasabadda roobdoonta awgeed, berri oo ku beegan 15/12/2025 maalin Isniin ah waa fasax dugsigu.
Waa dugsi ardayga laga haqabtiro baahida uu u qabo culuumta Diiniga iyo Maadigaba.
14/12/2025
Ujeeddo: shaacin fasax
Sida Wasaaradda Waxbarashadu shaacisay munaasabadda roobdoonta awgeed, berri oo ku beegan 15/12/2025 maalin Isniin ah waa fasax dugsigu.
14/12/2025
Maamulka, macalimiinta iyo gudida Ardayda Dugsigan Tahiroğlu ayaa u qabtay xaflad maamus ah ardayda fasalka 4aad ee Dugsiga Sare oo ku guulaystay Tartanka kubada cagta.
03/12/2025
Maamulka iyo macalimiinta Dugsiga Tahiroğlu Buhodle wuxuu u hambalyeeynayaa ardayda fasalka 4aad ee Dugsiga Sare oo ku guulaystay Tartanka kubada cagta oo ay ku tartameen fasalada Dugsiga Sare
22/11/2025
Gudida ardayda Dugsiga Tahiroğlu ayaa soo qabanqaabiyay Tartan Kubada cagta ah oo ka bilaabmaya Garoonka Xabado Stadium
03/11/2025
Waxaa sabtidii oo ku beegnayd 1/11/25 soo gaba gaboobay Tartan aqooneedkii loo qabtay Ardayda Dugsiga dhexe iyo Sare ee Tahiroğlu Buhodle Primary & Secondary School iyada oo finalkii ay isugu yimaadeen fasalada 6aad iyo 8aad fasalka Tartankan ku guulaystayna uu yahay fasalka 8aad.
Waxay maamulka iyo macalimiinta Dugsigani u hambalyeeynayaa fasalka 8aad ee guulaystay waxay kaloo u mahadcelinayaan Gudiga ardayda schoolkan oo u u horeeyo gud: Cabdisamed Caaqil oo qaban qaabada tartankan lahaa qayb wayna ka qaatay qabsoomidiisu.
28/10/2025
Waxaa wali si habsami ah u socda Tartan aqooneedkii loo qabtay ardayda Dugsigan iyada oo uu marayo wareega 4 dhamaadka. fasalada 8aad iyo form 3 ayaa natiijo barbardhac ah ku dhameeystay tartan 2aad na loo qabanayaa si ka badiya final ugu baxo halka 6aadku uu ka gulaystay 7aad uuna final joogo
20/10/2025
Maamulka, macalimiinta iyo Gudida ardayda Dugsiga Tahiroğlu Buhodle ayaa soo qaban qaabiyay Tartan aqooneed u dhexeeya fasalada Dugsiga Sare iyo Dhexe iyada oo lagu bilaabay fasalada F2 iyo F 7aad.
19/10/2025
Waxaa shalay oo sabti ah kuna beegan 18-10-2025 soo booqday schoolka TAHIROĞLU Ustaad, Caaqil Cabdiraxmaan Mürsal X. Cumar oo dalka masar safar waxbarasho ugu maqnaa isaga oo ardayda daabuurka uga jeeday kalmad dhiiri gelin ah.
14/09/2025
Wafdi ka socda wasaarada waxbarashada maamulka Waqooyi Bari oo ay Hogaaminayso Agaasimaha Guud ee Wasaarada Marwo Farduus İbrahim Cali ayaa soo boqday Dugsiga Tahiroğlu Buhodle Primary & Secondary School
30/08/2025
Dhammaan bahweynta iskuulka arday iyo waalid ba waxa aanu ogeysiinaynnaa in iskuulku furanyahay laga bilaabo maalinta isniinta ah bishuna ay tahay 01-September-2025 waxbarashaduna ay bilaabmayso.
27/08/2025
Maammulka, macallimiinta iyo bahweynta iskuulku waxa ay hambalyo u dirayaan Nimco Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ahayd ardaydii iskuulka ka baxday oo ka qalinjebisay heerkii kowaad ee waxbarashada jaamacadda Alpha ee Boorame. Waxa aan Alle uga baryaynnaa Nimco in uu mustaqbalkeeda hagaajiyo kana dhigo mid anfacda nafteeda, qoyskeeda, dalkeeda iyo diinteedaba.