03/06/2026
๐๐ช๐จ๐จ๐ง ๐ข๐ฌ ๐ฐ๐๐ฒ๐๐๐๐ซ๐ฌ๐ข ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก.
Jaamacadda Bariga Afrika ee Buuhoodle ayaa soo qabanqaabisay kulan aqoon is weydaarsi cilmiyeed ah oo lagu qaadaa dhigayey mawduuc ku saabsan macaamalaadka maaliyadeed ee casriga ah iyo axkaamtooda shareecada gaar ahaanna Muraabaxada iyo Tawaruqa, iyadoo la adeegsanayo Halbeegyada Hayโada Maaliyadda Islaamiga ah ee (AAOIFI).
Waxaa soo jeediyey mawduuca Ustaad Cabdisamad Cabdullaahi Cabdi oo ah Sheikh Cilmiga Fiqhiga Macaamalaadka takhasus ku leh Kuna shaqeeya maaliyada Islaamiga ah mudo badan.
02/06/2026
๐๐ช๐จ๐จ๐ง ๐ข๐ฌ ๐ฐ๐๐ฒ๐๐๐๐ซ๐ฌ๐ข ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก.
Jaamacadda Bariga Afrika ee Buuhoodle waxay qabanaysaa aqoon is weydaarsi cilmiyeed oo lagu baranayo macaamalaadka maaliyadeed ee casriga ah iyo axkaamtooda shareecada, iyadoo la adeegsanayo Halbeegyada Hayโada Maaliyadda Islaamiga ah ee (AAOIFI).
โช๏ธWaxaa soo jeedinaya: Ustaad Cabdisamad Cabdullaahi Cabdi
โช๏ธCaawa oo Arbaca ah, Salaadda Maqrib kadib
โช๏ธGoobtu waa: Hoolka Jaamacadda
๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐๐๐ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง-๐ข๐ฌ-๐ฐ๐๐ฒ๐๐๐๐ซ๐ฌ๐ข๐ ๐๐ง:
1. Faham qoto dheer oo ku saabsan macaamalaadka maaliyadeed ee ku cusub dunida maanta.
2. Barashada halbeegyada Shareecada ee hay'adda AAOIFI oo si weyn looga aqoonsan yahay dunida Islaamka.
3. Kala saarista macaamalaadka bannaan iyo kuwa mamnuuca ah iyadoo lagu salaynayo Shareecada Islaamka.
4. Tusaalayaal dhab ah oo laga soo qaatay bangiyada iyo hayโadaha maaliyadeed ee maanta jira
5. Kor u qaadista awoodda goโaan qaadashada maaliyadeed ee waafaqsan Shareecada.
โช๏ธโช๏ธโช๏ธโช๏ธโช๏ธโช๏ธโช๏ธโช๏ธโช๏ธโช๏ธโช๏ธโช๏ธโช๏ธ
26/05/2026
East Africa University Buhodle
Tar:26.05.2026
Qayb ka mid ah bareyaasha Jaamacadda ayaa barnaamij wacyi gelin ah la wadaagey ardayda machadka Alfurqaan gaar ahaan ardayda ka qalin bedelanaysa machadka, kaas oo diiradda saarayey mawduucyo isugu jirey kor u qaadka Hanka sare ee ardayda, joogtaynta waxbarashada iyo tacliinta heerka Jaamaceedeed iyo dawrkay ku leedahay dhismaha cilmi iyo fikir ee ardayda.
Barnaamijka oo looga gol lahaa hammi gelinta ardayda iyo waxbarashada sii wadaan ayaa si fiican uga qabsoomay machadka Alfurqaan.
24/05/2026
East Africa University Buhodle
Madasha Doorashada guddoonka ururka ardayda Jaamacadda, Sawirada qaybta labaad.
24/05/2026
East Africa University Buhodle
Madasha Doorashada guddoonka ururka ardayda Jaamacadda, Sawirada qaybta koowaad.
24/05/2026
Maamulka iyo bahda Jaamacaddu waxa ay hambalyada la wadaagayaan, Gudoomiyaha Cusub ee Ardayda Jaamacadda Mudane Maxamed Cabdiwali Jaamac iyo Xubnaha xisbigiisa ka tartameyey oo ay ardaydu habeenkii xalay ku doorteen Cod aqlabiyad leh.
Gudoomiyaha iyo xubanaha kale waxa aanu u rajaynaynaa in ay u hogaamiyaan ardayda si hawlkarnimo, dadaal iyo wax qabad leh.
Allaa mahad leh.
21/05/2026
Ardayda Kuliyadda BBA ee semester-ka 8aad ayaa internship iyo booqasho aqooneed ku tagey Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Togdheer ee Waqooyi Bari.
Ardayda waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Isuduwaha Wasaaradda, Xisaabiyaha, Madaxa Cashuuraha Bariga, iyo hawlwadeeno kale. Waxay ardayda uga warbixiyeen shaqooyinka Wasaaradda, nidaamka maamulka maaliyadda, iyo muhiimadda cashuuraha.
Sidoo kale, ardaydu waxay halkaas ka heleen aqoon, khibrad, iyo faham dhab ah oo isku xiraya theory-ga iyo practical-ka shaqada.
Dean-ka Kuliyadda iyo maamulka Jaamacadda Bariga Afrika waxay mar walba u heelan yihiin horumarinta aqoonta iyo xirfadaha ardayda si ay ugu diyaar garoobaan mustaqbalkooda shaqo.