Gar iyo gardaraba Iiraan baan la socdaa.
Yuh!!!uuda waan ka rari lahaa dhulkaas bariga dhexe oo qaaradda lamad degaanka ah ayaan geylahaan.
Maxayse kuugu taal. Hadal uun baan hayaaye.
Eng Omar Mohamoud Samatar
Waa page-ka Omar Mohamoud Samatar
fadlan like saar khayr baan kuu rajaynaya
Geela maalintii raac.
Makhribkiyo habeenkana
Aan kugu ag maalnee
Ha magaabin caanaha
Maahayska kugu yidhi
Sii mililiciisaa
Waxa kaaga magac roon
Macaluusha gaajada
Haba laga masoobeee
Adigoo markaha rida.
Ibraahin Gadhle.
16/01/2024
Koox Itoobiyaan ah oo cunaya qado hilib lo'aad Qaydhiin ah.
Cuntadan caanka ah ee Xabashida dhexdeeda waxaa lagu magacaabaa "Tere siga" Hilibka inta badan wuxuu ka yimaadaa lo'da waxaana lagu daraa isku dhafka basbaaska kulul ee budada ah ee loo yaqaan 'mitmita', suugo kulul oo la dubay oo la yiraahdo "awaze", iyo senafich (suugo khardal ah).
Aragti caan ah oo ka dambeysay Xabashida inay cunaan Hilibka aan bislayn waxay ka timid dagaalkii Xabashida iyo Adal ee 1600. Waxaa la rumeysan yahay in Itoobiyaanku ay bilaabeen inay cunaan cuntadan xilligii dagaalka, wuxuu ahaa dagaal u dhexeeya Xabashida iyo Soomaalida, waxaana la rumeysan yahay in mar kasta oo Xabashidu ay cunto cunaan, in ciidanka, cadawgu si fudud ayuu uga kaluumaystay oo u laayay iyagoo hurda, markii dambena waxay ogaadeen in kooxihii weerarka soo qaaday ay u adeegsanayeen dabkii ay ku dubteen ama karsadeen hilibka si ay u helaan.
Si ay uga fogaadaan in mar kale lagu soo weeraro, waxay doorteen inay cunaan hilibkooda iyagoo ceeriin ah intii ay duban lahaayeen ama ay dubli lahaayeen.
Taas oo markii dambe lagu daray dhaqanka Itoobiya oo laga dhigay mid caan ah oo lagu maamuusayo munaasabadda.
Qandaraas qurxin ah ayaa waxa ku tartamay saddex group oo kala ahaa
1- Jayniis
2-Yurubiyaan
3-Baakistaan.
Waxa ay ku kal qiimeeyèen
Jayniis 3milyan
Yurubiyaan 7milyan
Baakistaan 10milyan.
Faahfaahin ayaa la waydiiyey.
Jayniiskii waxay dheheen 1milyan waa rinjiga iyo 1milyan waa shaqaalaha 1milyanna waa faaiido.
Yuruboyaanki waxay dheheen 3milyan waa rinjiga 2milyanna waa shaqaalah 2labada hadhayna waa profit.
Bakistaanigii wuxuu yidhi 10ka milyan ee aan ku qandaraasay.
4milyan adiga ayaa iska leh (dawladda waa laga qaadayaa adiga hogaanka ah ayaa qaadanaya)
3milyanna anaa qaadanaya .
3da soo hadhayna janiiska ayaan u dhiibayaa si uu ugu fuliyo shaqada.
Yaad u malayn in uu Mashruucaaa ku guulaystay?
MAANSADII GOOD IYO MAS (Adan tarabi) YEELKADEED!
• Good baan nin cunay beri
• Guursaday habeenkaa
• Gabadhii arooskii
• Gogoshii ku keliyee
• Geeri lama filaanaa
• Guryihii ku timiyoo
• Gacalkiina subaxii
• Raadkiisii buu guray.
• Isagoon god wali helin
• Meeshuna gawaan tahay
• Aan geed la cuskadaa jirin
• Buu gadaal jaleecada
• Arkay guuto raacda ah
• Guul-darayste meeluu
• Ku gabado ma haystee
• Gocashuu miciinsaday
• Inyar goortii loo jiray
• Ayuu goodkii nin u yimi
• Guuleed la odhan jiray
• Oo iska gooni socoto ah
• Wuxuu yidhi gantaalaa
• La ila gaadayaayoo
• Gurmad baa igu soo dhow
• Gudmaa la isataa badan
• In la I gowracaabaa
• Talo lagu gudoonsaday
• Go’I waa imagan gali
• Haddii aad nin goba tahay
• Garanmaayo buu yidhi
• Jilbiskaa galaasha leh
• Iyo gooh dhegeystaha
• Sidaan good ku aamino
• Goormay dad iyo bahal
• Gacan-saarka yeesheen
• Colaad sii gun dheeroo
• Guuna baa dhex taalaye
• Bini aadami goormay
• Gacal noqdeen abeesada
• Imikana waar goodoo
• Aan kuu gabagebeeyee
• Inaan goob xun lagu dhigin
• Ha I gunaanad seejine
• Ana galabta ha I dilin
• Wuxuu yidhi in gawsaha
• Waabayda gaaxsaday
• Miciyuhu ku gaadhaan
• Haka yaabin guuleed
• Mana ihi gabraartaha
• Gunta habar-dugaagee
• Xor gurguurtaan ahay
• Guuleed ismuu odhan
• Goodkuna naftaaduu
• Inuu gooyo jecelyahay
• Guuxana wuxuu ku sii yidhi
• Allahayoow guracanaa
• Isu soo galkeenani
• Wuxuu yidhi bal goodoow
• Hadaan kuu gargaar falo
• Goormaad iga hadhaysaa
• Wuxuu yidhi gooshaa dhow
• Kula gaadhi maayee
• Guutadaa ii daba mari
• Waayahaye guudoow
• Ma guntigaan ku geliyaa
• Mise garanka hoosiyo
• Gaadada dhexdoodaa
• Anaa garanayuu yidhi
• Igu qari go’aagoo
• Luquntaada sida geed
• Anaa is giringirshee keen
• Kuma diidin guuleed
• Geb ku soo dheh buu yidhi
• Goodkii ninkii qari
• Gaadihiina daba mari
• Guutadii ka nabad gali
• Markuu geeyey meel aan
• Weerar lagala gaadhayn
• Ee uu gadiidkii
• Sidey maalin galinkeed
• Goodoow soo deg buu yidhi
• Waayahaye guuleed
• Allahayoow gobsenidee
• Waligaa nag goolmoon
• Kumaad dhaafin gaajo’e
• Gartay deeqsi baad tahay
• Goobaha dagaalkana
• Nin ku geesiyaad tahay
• Goortay u daran tahay
• Nin la magan galaa tahay
• Garaad beelo daaje’a
• Guun aqoon leh baad tahay
• Geestii la eegaba
• Garbo la dugsadaad tahay
• Hadaan gabadh ku siin laa
• Isma geyo dad iyo hee
• Bahal hoose guuleed
• Ido gorad madoow iyo
• Geestayda xoolaha
• Weligay ma dhaqan geel
• Xagayaga gamaankiyo
• Geenyo lagama qoofalo
• Gebigeed wax lacagana
• Ma hayaan guryahaygu
• Mar hadaanan garanayn
• Guushii baladhnayd
• Waxaan kaga abaal gudo
• Anay ila gudboon tahay
• Sidaan adiga kuu galo
• Waayahaye guudoow
• Goor-danbaynu joognaa
• Gabood daydayuu yidhi
• Wuxuu yidhi nin godob qaba
• Geyigaba dhamaantii
• Laga goobayaan ahay
• Waxse galabta sheeko leh
• Nacasnimada guuleed
• Gadhku kaaga soo baxay
• Guuleed markaasuu
• Ka dareemay goodkii
• Inaan laga geyoonayn
• Wuxuu yidhi mar goodoow
• Gondaa kaalay hoosoo
• Garbahayga soo dhaaf
• Guuleed warlaawoow
• Gaagaabso buu yidhi
• Good cuna ku maranoo
• God dhul waayey baan ahay
• Guudkayga k**a d**o
• Ha gilgilanin buu yidhi
• Gacmaa laabo buu yidhi
• Go’a ha huwanin buu yidhi
• Markaan gano jidhkaagee
• Dhiigaaga gorarsado
• Guulyahay dheh buu yidhi
• Garaac sacabka buu yidhi
• Goortay u daran tahay
• Gaadh iga qabuu yidhi
• Inaan gamo ha moodine
• Waan kuu il-galaclayn
• Waana kuu gol leeyahay
• Guuleed naftiisuu
• Goor-baas canaantoo
• Gebi igu dun buu yidhi
• Gabal baasna ha I dhaco
• Dhib wixii I gaadhaba
• Anigaa isu geystoo
• Goblan bahasha hoosaay
• Ilayn good abaal maleh
• Genayoow bal labadaa
• Sidee baad u kale guri
• Gaariye maskii iyo
• Kala saar bal guuleed
• Good iyo hadraawoow
• Ugar-qaad ninkii sidey.
*DUCIo AABBE*
Allah naxariistii janno haka waraabiyeee,
Caawa oo kale 22-08-2012. Waafaqsan hijriya ( 05/10/1433).
Habeen ay khamiisi soo gelayso, ayuu Aabbahay Maxamuud Samatar Xijaabatay.
Waxa ka soo wareegtay 11sano oo miilaadi ah.
Waxan Asxaabta iyo ehelkaba ka codsanayaa in aad iigula ducaysaan.
Allahoyow waxaan kaa baryaaa in aad u dambi dhaafto.
Allah naxariista badanow aabbahay u naxariisto.
Allah dambiyada dhaafoow aabbahay u dambi dhaaf.
Allah wax kasta karoow naxariistaada balaadhan awgeed u jannee.
Aamiin Aamiin Aamiin
17/07/2023
Midbaan ii muuqan ee miyey ilaaweeen.
In dhamaan uraradii yaryaraa ee is diiwaan geliyey, yagana ay ka dhacdau warqaddii 6da bilood ahayd oo dib loo furay diiwaan gelintii.
Xiligii dugsiga hoose waxaan inta badan waydiin jiray ,macalin kayga englishta suaalo.
Waxan xasuustaa maalin aan waydiiyey sababta xarfaha englishka qaar la isaga dhaafo marka lagu dhawaaqay sida H..... Hour. honour. IWM.?......
Waxa uu ii sheegay in aan la dhaafin lkn ay yihiin kuwo aamusan (silent).
Waan ku sii wareeray.
Maalin dambe ayuu cunto ii dhiibay waxaanu igu yidhi "heat this foor in the Cafateria" cuntada ii soo diiri oo luuqaddaas ah.
Anna waan qaaday cuntadii waan cunay oo laastay weelkii oo madhan ayaan soo celiyey.
Macalinkii waa yaabay!!! wuxuu igu yidhi "Cuntadii meeday? !!! ( What happened ? I told you to go and Heat may food, you are returned me an empty container!!!!"
Waxan idhi, " alla macalin waxan mooday in H-tu ay aamusantahay (silent ) calaashaan EAT.
(Sorry, I thought "H" was silent.!!!.
Xigasho qolo Sawaaxili ah.
04/07/2023
Lasawiran.
Mayor Cabdirisaaq Hero.
📷 Jamaal Siciid Libaax
19/06/2023
Hambalyo Hambalyo Hambalyo.
Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Cabdinuur Axmed Duraan iyo marwadiisa Farduus Siciid Caydiid, oo maanta meherkoodu ka dhacay magaalada Burco.
Waxaan ugu ducaynayaa ducadii rasuulka.
بارك الله لك وباك عليك وجمع بينكما في الخير.
Axmed Gacayte Yuusuf , inuu ahaa Fanaan iyo Mulaxan aad loo yaqaanay ka sakow , wuxuu ahaa nin geesi ah oo aan wadnihiisu galowda aqoonin .
Waaggii ay is hayeen Dawladdii Kacaankii Maxamed Siyaad iyo shacbigu , wuxuu ka mid ahaa dadkii sidda tooska ah uga soo horjeestay dawladaas . kasoo horjeesigaasna muu qarsan jirin hasa yeeshee isagoo Hargaya jooga ayuu cadaysan jirey .
Dhacdooyinka Axmed Gacayte laggu xasuusan doono ee mucjisadda ahna waxaa ka mid ahaa :-
Sanaddii 1984 waxaa dhacay dilkii Maxamed Mooge Liibaan , sidoo kale , waxaa isna la dilay Maxamed Xaashi Lixle , muddo yar ka dibna snm waxay soo gashay buuraha golis , ka dibna Bandoo ayaa laggu soo rogay magaalooyinka waawayn.
Iyadoo xaalku meel xun marayo , Ciidamadii snm si adag uga dagaalamayaan buuraha sheekh ,ayaa maalin maalmaha ka midda Axmed gacayte laggu soo dhaweeyey Mikirifoonka Tiyaatarka Hargaysa , oo barnaamijkii Kedis loogu soo xidhay ardaydii dugsiyadda .
Amintu waa barqo , goobta waxaa ku sugan , Taliyihii Qaybta 26 aad , Gen Gaani , ku xigeenkiisii Cismaan Fitiig , Booliskii,Nabadsugid ,Badhasaabkii iyo madaxdii oo dhan .
Axmed Gacayte isagoo sidii laggu yaqaanay Bakoorad raas-bi raasa iyo macawis ayuu mikirifoonka halabsaday , waxaanu qaaday dadka qalbiyadooda ruxday , madaxdii goobta fadhidayna ka nixisay , heestaasi waa tee ?
Waxay dani keentay iyo ,
Kalgacal baa ila durkoo ,
Dad iyo duunyaba ka go’ay,
waxbaa deris ila noqdee .
Dugaagaan weheshadaa ,
Dulmeerayaa kaymahoo ,
halkaad iga daydaydiyo ,
halkaan degey kala durkee .
Ilaah baa deeq baxshee ,
dulmiga caashaqa ka daa
Doorashada caashaqa ka daa .
Intaasi markay afkiisa kasoo baxday , ee la wada yaabay , dhagaha oo dhamina xagiisa usoo jeesteen , ayuu hadana ku xigsiiyey .
Danayste anoon ahayn ,
ma daalaan abid ahaa ,
dalkiisa u heelanoo ,
xishood laggu dayriyee .
bal sheeg danbigaa wax qaba ,
dib u raac sheekada dadkoo ,
halkaad iga daydaydiyo ,
halkaan degey kala durkee .
Ilaah baa deeq baxsehe ,
dulmiga caashaqa ka daa ,
doorashada caashaqa ka daa .
Intaasna markuu yidhi , ujeedadiina la wada fahmay , ee ninkii calool jiliicsanaa dubaaxiyey , ninkii calool adkaana dibinta qaniinay ayuu ujeedadii heesta sidan usoo af-meeray .
Anoon dooda iyo deeq ,
Dagaal la iga badinahayn ,
dareenkaygaad ogtoo ,
jacayl baan la doodayaa .
Janooy halis daaqayoo ,
Dabkaana adaa shidaye ,
halkaad iga daydaydiyo ,
halkaan tagay kala durkee .
ilaah baa deeq baxshee ,
dulmiga caashaqa ka daa .
doorashada caashaqa ka daa .
Ugu danbayn , Axmed gacayte heestan ayuu sababsaday ,naftiisana ku waayay .
W.Q.R Axmed Nuur Guruuje.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
BURAO