Suudal-diid

Suudal-diid

Share

Academic team

Dhaq dhaqaaqa arimaha bulsho gaar ahaan doorka waxbarasho ee dalka

09/04/2024

كل عام وأنتم بالف خير و عافية.

04/04/2024

Mid ka mid ah kulamadii tar tanka bisha barakysan ee ramadaan Iyo qaabka uu noogu qabsoomay.

Photos from Suudal-diid's post 31/03/2024

Final.

Shalay oo ahayd maalin sabti ah bishuna ku beegantahay 30/mar/2024 waxa inoosoo gaba gaboobay tartan aqooneedkii bisha barakaysan ee ramadaan kaaso u dhexeeyay qaar ka mid ah dugsiyada gobolka togdheer

Waxa shalay ku kulmay madasha tartanka labadii dugsi ee isugu soo baxay finalka kuwaas oo kala ah:

Horn of Africa school iyo Tabantaabo school
Dadaal dheer ka dib waxa ay guushu raacday sidaasna ku noqday guulaystaha tartan aqooneedka dugsiyada gobolka togdheer ee sannadkan 2024 dugsiga : Horn of Africa school.

Ramadaan mubaarak.
Suudal-diid Academic team.

27/03/2024

Waxa mahad iska leh Alle (SW) oo noo suurta galiyay in aan soo gaadhno finalkii tartan aqooneedka qaar ka mid ah dugsiyada gobolka togdheer bishan barakaysan ee ramadaan.
Waxa gaba gabadii isku soo hadhay labada dugsi ee kala ah:

Horn of Africa school iyo Tabantaabo school
Waxa ay tartami doonaan labada dugsi
Maalinka Sabtida 30/mar/2024
Waqtigu marka uu yahay: 10:00AM
Goobtuna waa Togdheer University

Dhammaantiin guulbaan idiin rajaynaynaa hadaanu nahay team suudal-diid

Ramadaan mubaarak.

Photos from Suudal-diid's post 26/03/2024

Semi-final

Shaly oo ku beegnayd maalin isniin ah taariikhduna tahay 25/mar/2024
Waxa ku kulmay (semi-final) goobta tar tanka labada dugsi ee kala ah:

Geeska Africa iyo Al-Misbaax
Tar tan adag ka dib waxa u gudbay final guushuna ay halkaa ku raacday dugsiga Geeska Africa

(Waxa aanu uga mahad celinaynaa dugsiyadaas sida sharafta iyo anshaxa leh ee ay u tar tameen)

Dhammaan guul ayaan idiin rajaynaynaa
Ramadaan mubaarak.

Photos from Suudal-diid's post 24/03/2024

Waxa mahad iska leh Alle (SW) oo noogu soo dhammeeyay wareegii 2aad si qurux badan.
Waxa tar tanka gabagabadiisii iskugu soo hadhay 3 dugsi oo kala ah:

Dugsiga Geeska Africa
Dugsiga Al-Misbaax
Dugsiga Taban-taabo

Kadib markii loo qori tuuray saddexdaas dugsi waxa isku dhacay
Geeska Africa iyo Al-Misbaax (25/mar/2024)
Halka dugsiga Taban-taabo uu u gudbay final

Photos from Suudal-diid's post 24/03/2024

Wareegii 2aad (kulankii 2aad)

Maanta oo ay bishu ku beegnayd 24/mar/2023
Waxa uu tar tan xiiso badan dhex maray labada dugsi ee kala ah:

Al-Misbaax school VS East Africa school
Loolan fara badan ka dib waxa ay guushi raacday una wareegay semi-final dugsiga Al-Misbaax.
Waxan leenahay dhammaantiin waad dadaashen
Guul mar walba iyo meel walba

Ramadaan mubaarik

23/03/2024

Tar tamayaasha beri

Al-Misbaax School VS East Africa school
Waqtiga: 09:30 AM
Goobta: Togdheer University
Taariikhda: 24/mar/2024

Guul dhammaantiin

Ramadaan mubarak.

Photos from Suudal-diid's post 23/03/2024

Wareega 2aad (kulankii 1aad)

Maanta oo uu inoo bilaabmay wareegii 2aad ee tartan aqooneedki bisha ramadaan waxa ku kulmay goobta tartanka labada dugsi ee kala ah:

Horn of Africa VS AL-Rayaan school
Waxaana tar tan adag ka dib guushu ay sidaa ku raacday una wareegay semi-final dugsiga
Horn of Africa.
Waxan leenahay dhammaantiin hambalyo.

Ramadaan mubaarak

23/03/2024

Tar tamayaasha maanta

Al-Rayaan Schools VS Horn of Africa
Waqtiga: 09:30 AM
Goobta: Togdheer University
Taariikhda: 23/mar/2024

Guul dhammaantiin

Ramadaan mubarak.

22/03/2024

Asc dhammaan bulshada ku dhaqan gobolka Togdheer, waxa mahad iska leh ALLE (SW) oo si qurux badan noogu suurta galiyay in uu u dhaco wareegii koobaad ee tar tan aqooneedka qaar ka mid ah dugsiyada gobolku, insha allah waxa isla sabtidan oo ku beegan 23/mar/2024 inoo sii socon doona tar tankeeni wareegiisa labaad oo ay isugu soo baxeen 5 dugsi kuwaaso isugu beegmaya sidan:

SABTI 23/MAR/2024 Geeska Africa VS Rayaan school
Axad 24/mar/2024 Misbaax school VS Bariga Africa
Iyo dugsiga Taban Taabo oo u gudbay semi final

Guul dhammaantiin.
Ramadaan mubaarak

Photos from Suudal-diid's post 20/03/2024

Kulankii 5aad

Maanta oo ay inoogu beegnayd kulankii 5aad ahna kulankii ugu danbeeyay wareega koowaad waxa u tartanku ka dhexeeyay labada dugsi ee kala ah:

Candle-light schools VS Taban taabo school

Halkaasna waxa ugu gudbay wareega labaad dugsiga Taban Taabo
Guul dhamaantiin
Ramadaan mubaarak

Want your school to be the top-listed School/college in Burco?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Burco