Abwaan ismaaciil tayo

Abwaan ismaaciil tayo

Share

Ma caydheeyo garashada
gobanimo ma cidhib tiro
magac waa cudoonyee
ma ciseeyo qolo qolo
reer hebela ma cuskado murtimaal

10/02/2025

Dayax nuurka jiitiyo
Xidigtii dagaare
Darjada wanaagiyo
Huwanayd dadnimadaay

Qalbi kuu Dardhanayo
Duni kaa jeclaadaa
Dhaktarkii daweeyiyo
Dabiibkiisi noqotoo

Ku doortay doortoo
Naftu doonistaadii
Ku daashay daashe
Hoo dareenka quluubto
Kalgacaylka daryeel

Ismaaciil tayo

08/12/2024

Xili aad jirabantahay
Taladuna jiq kugu too
Wakhti kaa janjeedhsaday
Intuu jeebo kugu xidhay
Liinta jeelka kuu milay
Nacab jecel lurkaagiyo
Doqon jaanis kaa helay
Ileen kuuma jiidh naxo

Ismaaciil tayo

03/10/2022

Mucaarad yaaf yaaf qabiyo
Muxaafad yurtaa hayaa
Yoolkaygii habaabiyoo
Rajadii yeel igaga xidhay

Siyaasiyo yay, ahoo
Damiir yax yaxaa ku jirin
Ayaa yalamsadoo liq,liqa
Yoomkiyo hantidaan lahaa

Tayo

09/06/2022

Ilwaad samidiyo abuurta qurxoon
Anshaxa wacane asluubta watiyo
Muuqiyo aragaa indhaha jiitoo
Qalbigu Amar,li. Ajiib dookhoo

Kashiyo uurkaa ku aaminayoo
Adeecay wadnaa. Xiisaha ololoo
Abuuran jacayl. Eegmadu dhalisoo
Awgaa dumarkii ka Aamusayeee

Arwaaxda naftaad udgoon utahoo
Jacayl ulkamaad ilays u shidoo
Qalbigu ogolaa halkaad amartee

Jacaylka ajiib rajadu ha iftee

04/06/2022

Nuxuuskiyo dira,diri
Naafaynta jacaylka Iyo
Nitaaqada uun jeclaa
Isheeg noloshaydiyeey
Inaan niyadiyo kashiyo
Nabdiga ka midaysanahay
Tayo

Photos from Abwaan ismaaciil tayo's post 07/05/2022

Kulan awliyaad

24/02/2022

Xidigyahay bidhaantaada
Bilicdiyo xaragadaada
Xaqiiqdii markaan eegay
La xarbiyay dareen baahay
Adigaa xiskiyo maanka
Xaruuntii qalbiga yeeshay
Idilkood xubnaha jiidhka
Adigaa ku xayn,daaban

Naftan aawadaa xiiqsan
Kuu xayiran dartaa qoolan
U xawilan jacaylkaaga
Xanaanaynta faraxeeda
Kuu xilsaaray nolosheeda

Tayo

Want your school to be the top-listed School/college in Burco?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Dahabshiil Bank
Burco