28/07/2026
Mudane waalid ka faaidayso, fursadda uu bixinayo schoolka star ee ah 100 arday ee ugu horreeya in ay helayaan dress schoolku bixinayo.
Waa bogga rasmiga ah ee dugsiga hoose dhexe ee Star
28/07/2026
Mudane waalid ka faaidayso, fursadda uu bixinayo schoolka star ee ah 100 arday ee ugu horreeya in ay helayaan dress schoolku bixinayo.
27/07/2026
Mudane waalid fadlan horugaadh goobaha isdiiwaan-gelintu ka socoto ee dugsiga Star.
19/07/2026
Admission is open.
Waxa la ogaysiinayaa dhammaan dad-waynaha ku dhaqan magaalada burco, in uu inoo furmay diiwaan-gelintii ardayda cusub ee sannad dugsiyeedka 2026-2027.
Waalidka sharafta badan waxa aanu ka codsanaynaa in ay keenaan ubadkooda dugsiga Star oo ay kuugu diyaar yihiin
✔️Macalimiin aqoon buuxda u leh waxa ay dhigayaan.
✔️Deegaan ku haboon waxbarashada.
✔️Arday leh aqoon iyo akhlaaq wanaagsan.
Mudane waalid ka fikir mustaqbalka Barri oo ubadkaaga gee goob ka haboon waxbarashadiisa.
Kala xidhiidh lanbarrada dugsiga
Tell: 4351794
Som: 65-4351794
30/06/2026
STAR SCHOOLS
Alle mahadii waxa maanta noo soo gabagaboobay imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka 8aad .
Dhammaan ardayda dugsiga Star iyo guud ahaan ardayda Imtixaankii dawlada u fadhiistey alle natiijo fiican ha ka siiyo Aamiin.
24/06/2026
Ogaysiis ogaysiis
Waxa la ogaysiinayaa dhammaan ardayda class eight ee u fadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ah in ay berri isugu yimaadaan schoolka si ay uqaataan Role-numberka ay ku galayaan imtixaanka.
17/05/2026
Sawirro 2
Happy independence day 💚🤍♥️
17/05/2026
Sawirro1/1
Waxa saaka barxada dugsiga ka qabsoontay xaflada debaal degga maalinta qaranimada somaliland ee 18th May, taas oo ay ardayda, macalimiinta iyo maamulka dugsigu si wayn ugu muujiyeen qarannimada somaliland.
Happy independence day.💚🤍❤️
01/05/2026
Fasax qaran.
28/04/2026
7A winners
27/04/2026
Waxa maalinta berri ah si guud inooso gabagaboobi doona tartankii ka socday dugsiga, tartankaas oo ahaa mid aqoomeed una dhaxeeyay classes dugsiga, waxa h**e inoogu soo dhamaaday tartankii dugsiga hoose oo uu qaaday class 1A. Kuna guulaystay koobkii dugsiga hoose. Sidoo kale waxa berri final isugu soo hadhay labadan class ee class 7A iyo class 7B, ka ay guushu raacdo ayaana koobka qaadi doona.
Allah mahadleh.