10/12/2025
Pleased to have conducted Day 1 of our Women in STEM Leadership Training organized by GEES today. We explored leadership identity, confidence building, problem-solving, and navigating gender dynamics. An inspiring start with powerful women ready to step into their leadership journey. ✨
On to Day 2!
20/10/2024
Ciddii u baahan inay diyaariyaan imtixaanka IELTS-ka ah fursaddan ha ka faa'idaystaan in shaa Allah.
Halkan ayaad iska diiwaan-gelin kartaan: https://forms.gle/RZeCmUX2mFEwY7C77
20/03/2024
📌 Saaka, 8:30 subaxnimo iyo xaruunta Burao Youth Centre yaan laga maqnaan.
Tababarku waa barnaammij tabbarruc ah!
Fadlan yaanay ku seegin fursaddani!
Halkan iska diiwaan-geli: https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSfU24KwWDZ4lZm7pGLxLTceykaNWBpcnnaGK9LfN3dkSz33cw/viewform?usp=pp_url
La wadaag ehelkaaga iyo asxaabtaadaba!
03/03/2024
“Waxaan aaminsananahay in aynu leennahay saxiib-nafeedyo dhawr ah; tayada saaxiibka kugu soo hagaagana waxaa jaangooya shaqada gudeed ee aad qabatay inta ay leegtahay. Heer walba oo aynu taagannahayna, waxaynu had iyo goor helnaa saaxiib-nafeed u dhigma. Mar walba oo aad korniin sammaysidna, waxaa wacnaada tayada dadka aad la rafiiqaysid ama saaxiibka kugu soo hagaaga.”
Intan yari waa xaqiiqo nololeed oo dhammaystiran.
Nuxurkeeduna waxa weeye: dadka aad nolosha kala rafiiqadaa waxa ay mar walba muraayad u yihiin oo looga qiyaas qaadan karaa tayadaada qofnimo iyo xadka ay gaadhsiisantahay.
Haddii aad tahay qof sidayda oo kale korniin nafeed oo badan sameeyay, dareemayana in aanuu ahayn qofkii uu dhawr sanno ka hor uu ahaa, oo qiyamkiisa, akhlaaqdiisa, dadnimadiisa, garaadkiisa, aqoontiisa, iwm. ahba isbeddel ku sameeyay, waxa aan hubaa in kolka aad dib u milicsattid dad marxaladahaa h**e kula sugnaa, markaad korniinka samaysayna aad kala weecateen/kala hadheen, aad ka garaabi doontid in cidda aad ahayd kolkaasi ay isu cuntamayeen dadkaas, immikood korniin samaysayna, dad cusub oo kula garaad ah aad nolosha ku soo jiidatay, lana rafiiqday.
FG. Bulshadeenna in badan oo ka mid ahi, maadaama oo inta aan korniinka samaynin ay ka badantahay inta korniinka samaysa, had iyo goor way caqabadeeyaan qofka la yimaadda isbeddel nafeed iyo korniin muuqda kolka uu ku qasbanaado in uu ka fogaado cidda ay is wadan kari waayaan ee caqabadda ku noqonaysa, sidaasi darteed, waxaa xasuusin iga ah in marxalad walba oo cusub oo aad gaadhid, ay diyaar kuugu yihiin dad kuu cuntamaya oo aad is wadan kartaan. Korniinkuna kolal badan kalinimo ayuu wattaa, laakiin kaliya waa inta aad dadkaasi iska helaysaan.
Haddii tayada asxaabtaadu liidatana, qiimee tayada qofnimadaada; waa tayada garaadkaaga, qiyamkaaga, xuduudahaaga, akhlaaqdaada, dadnimadaada, aqoontaada, diinta, iwm. ah ee.
02/03/2024
Waxyaabaha cajiibka ah ee aadkana iiga yaabiya waxaa ka mid ah siyaabaha kala duwan ee ay noloshu u tijaabiso in duruuso qaar barashadoodu muhiim inoo yihiin, aynu barannay iyo in kale.
Tusaale: waxa aad arki dad marxalado h**e oo noloshaada ka mid ah aad kala hadheen ama is wadan kari waydeen oo noloshaada ku soo laabnaya iyaga oo qolofkii aad ku taqaannay maahee, mid kale uun watta.
Aan bal halkaas idiin yara furfuro:
Waxa aad had iyo goor la kulmi, dad cusub oo laakiin watta dabeecado iyo sifooyin aad h**e uga soo waantawday in aad ka ag dhawaatid, aqbashid ama aad la rafiiqdid dadka sifooyinkaasi oo kale ku sifaysan. Laakiin maadaama oo ay dad kugu cusub yihiin, imtixaanku waxa uu noqonayaa:
1. In bal wax kaleba ha joogaan ee, horta aad aqoonsan kartid sifooyinkan qofka ku sugani, ay kuwii yihiin, oo aanay kuu dhuumanin.
2. In aanad sugin inta ay wax ka qalloocanayaan ee casharkii mar labaad kugu soo noqon lahaa oo lagaa helo awood aad kagaba hor-tagi kartid dhibaatadii ka dhalan lahayd la rafiiqa qofkaasi ama dadkaasi.
Si guud, qof iska furfuran oo iska bashaashad ah ayaan ahay, hase ahaato ee, waxaa jira dadyawga qaar aan haddii labada dhegoodba la igaga eedaamayo la igu karin in aan aqbalo, la rafiiqo ama aan ka ag-dhawaado, oo aan intaas beddelkeeda geed dheer iyo mid gaabanba u fuula sidii aan uga dheeraan lahaa. Wax kalena ma aha ee, waa in aan bartay in marar fara badan noloshu dadyawga qaar wajiyadii aynu ku naqaannay mooyee qaar kale watta ay noloshu inala kulmiso.
26/02/2024
Is beddelku aad ayuu xanuun badanyahay, laakiin k**a xanuun badna ku sugnaanshiyaha xaalado aad ogsoontahay in aanay ka dhab sheegaynin cidda aad tahay.
23/02/2024
Habeenka Hal-abuurka iyo Hibooyinka Hablaha Togdheer.
22/02/2024
“Geesinimadu waa in adigoo og in arrin uu ku xanuunjin doono, haddana aad ku dhiirratid.
Nacasnimaduna waa la mid. - Waana sababta ay noloshu u adagtahay.”
20/02/2024
Rabbi ha u naxariiisto walaalkeen Abdinasir Muse Dahable. Walaashey Suad Ahmed iyo dhammaan qoyskii, asxaabtii iyo qaranka uu ka baxayna samir iyo iimaan ha Ilaahay ha inaga wada siiyo dhammaanteen.
Maamulka iyo hoggaan xumadana Rabbi ha inaga samato-baxsho!
Maxay qaar badan oo adduunka korkiisa si wayn ugu takri falay aakhiro xisaabo kaga sii horraysaa!!