03/03/2024
“Waxaan aaminsananahay in aynu leennahay saxiib-nafeedyo dhawr ah; tayada saaxiibka kugu soo hagaagana waxaa jaangooya shaqada gudeed ee aad qabatay inta ay leegtahay. Heer walba oo aynu taagannahayna, waxaynu had iyo goor helnaa saaxiib-nafeed u dhigma. Mar walba oo aad korniin sammaysidna, waxaa wacnaada tayada dadka aad la rafiiqaysid ama saaxiibka kugu soo hagaaga.”
Intan yari waa xaqiiqo nololeed oo dhammaystiran.
Nuxurkeeduna waxa weeye: dadka aad nolosha kala rafiiqadaa waxa ay mar walba muraayad u yihiin oo looga qiyaas qaadan karaa tayadaada qofnimo iyo xadka ay gaadhsiisantahay.
Haddii aad tahay qof sidayda oo kale korniin nafeed oo badan sameeyay, dareemayana in aanuu ahayn qofkii uu dhawr sanno ka hor uu ahaa, oo qiyamkiisa, akhlaaqdiisa, dadnimadiisa, garaadkiisa, aqoontiisa, iwm. ahba isbeddel ku sameeyay, waxa aan hubaa in kolka aad dib u milicsattid dad marxaladahaa h**e kula sugnaa, markaad korniinka samaysayna aad kala weecateen/kala hadheen, aad ka garaabi doontid in cidda aad ahayd kolkaasi ay isu cuntamayeen dadkaas, immikood korniin samaysayna, dad cusub oo kula garaad ah aad nolosha ku soo jiidatay, lana rafiiqday.
FG. Bulshadeenna in badan oo ka mid ahi, maadaama oo inta aan korniinka samaynin ay ka badantahay inta korniinka samaysa, had iyo goor way caqabadeeyaan qofka la yimaadda isbeddel nafeed iyo korniin muuqda kolka uu ku qasbanaado in uu ka fogaado cidda ay is wadan kari waayaan ee caqabadda ku noqonaysa, sidaasi darteed, waxaa xasuusin iga ah in marxalad walba oo cusub oo aad gaadhid, ay diyaar kuugu yihiin dad kuu cuntamaya oo aad is wadan kartaan. Korniinkuna kolal badan kalinimo ayuu wattaa, laakiin kaliya waa inta aad dadkaasi iska helaysaan.
Haddii tayada asxaabtaadu liidatana, qiimee tayada qofnimadaada; waa tayada garaadkaaga, qiyamkaaga, xuduudahaaga, akhlaaqdaada, dadnimadaada, aqoontaada, diinta, iwm. ah ee.