Sacaada Schools
Wax-barashadu waa furaha aqoonta
Aqoontu waxa ay kobcisaa garaad Ardayga ,anshaxa iyo hab-dhaqannka
Aqoontu waa awood
Sacaada Schools
"Aqoon & Akhlaaq" (where quality comes from)
23/03/2026
Sacaada Schools
Soo noqosho wanaagsan
19/03/2026
Sacaada Schools
Hamballiyo hamballiyo
Dhammaan ummadda islaamka ah meel kasta oo ay daafaha dunnida ka joogan
Maamulaha guud ee dugsiyadda Sacaada oo hamballiyo halkan uga direy Dhammaan ummadda islaamka
Alle ha innaga aqbalo acmaashii wanaagsaneyd ee aynnu soo sameynay
Sheikh Yuusuf Faarax cabdi Maamulaha guud ee dugsiyadda Sacaada Schools
Oo faah-faahin ka bixinaya Axkaamta sakaatul fidriga , cida ay ku waajibtey
Iyo qaabka loo bixinayo aynnu ka wadda faaideysano si guud qof kasta oo su,aal ku saabsan sakaatul fidriga qaba ha ka faaideysto
15/03/2026
Sacaada Schools Ramadaan Mubarak
Saaka oo ay taariikhdu ahayd 15/03/20-26 subax axad ah taariikhda H. tahay 1447 /9 /26
Dugsiga waxa u soo dhammaaday imtixaankii bilaha ahaa ee sanad dugsiyeedka alle mahadi si weyn oo qiimo badan bay dedaal u muujiyeen ardayda dugsiga intii lagu guda jirey bisha barakaysan ee ramadaan
Sidoo kale dugsigu waxa uu galay fasax waxaana lagu soo noqon bacda ciid 24/3/20-26 bisha si guud waxaan ardayda ugu boorin in ay ka faaideystaan inta ka hadhay bisha barakaysan .
Sacaada Schools Muuqaal
Barnaamijka hiddaha iyo dhaqanka Ee dugsiga ka qabsoomey barxadda dugsiga
Alle acmaasha wanaagsan ha innaga aqballo
Labba fursadood oo dahabiya aynnu haysanaa
Waa ta koobbaad waa maalin jimce ah oo saacatul mustajaaba ku jirta sidoo kale soon baa innoo wehelisa aynnu ducada badino
Si guud aynnu alle weydiisano in abaarta uu innaga soo jabiyo. Ramadaan Mubarak
09/03/2026
Sacaada Schools Ramadaan Mubarak
Maalinkii saddexaad ee imtixaankii billaha ahaa oo si habsami leh u soo dhammaadey. Waxa sidoo kale qorshe weyn oo lagu soo af-jarayo
Qishka ka wadda hadlay qaybo ka mid ah barre-yaasha dugsiga Sacaada
Mig ka soo bilow, macallin Ibrahim, macallin Ismaaciil iyo macallin maxammed xiis Qorshahan oo lagu yareynayo qishka waxa uu Saaran yahay miiska wadda hadalka ee dugsiga
Sugaaay Sugaaay Sugaaay wax weyn baa soo Socdee oo dalka iyo dadkaba anfici doona Inshaa allah
08/03/2026
Sacaada Schools Ramadaan Mubarak
Imtixaankii billaha ahaa ee kalka labbaad ee dugsiga Sacaada oo bilaabmay maalintii shalay Alle kheyr iyo wanaag ha innogu dhameeyo Bishan barakeysan ee
Ramadaan khery ha ina waafajiyo
[Muuqaal ] bilowgii tartan aqooneedkii u dhexeeyey fasallada dugsiga sacaada waxa qayb weyn ka qaadatey shirkadda burco printing oo booqasho ku timi dugsiga waxaan hallkan uga mahadcellin guddomiye shirkadda burco printing sheikh ahmed oo barnaamijka innoo fudeydiyey
Dugsiga Sacaada Schools waxa uu u taagan yahay horrumarinta kobcinta akhlaaqda iyo aqoonta
04/03/2026
[Sawirro] hambaliyo iyo bogaadin ardayda fasallka todobbaad oo ku guuleystey Tartan-aqooneedkii dugsiga sacaada
Ardayda fasallka todobbaad oo ku guuleystey tartankii aqoonta ee u dhexeeyey fasallada dugsiga sacaada oo saaka innoo soo xidhmay
Maamulaha guud ee dugsiga Sacaada Schools shiikh Yuusuf Faarax oo guddoonsiiyey koobkii Aqoonta iyo abaal-marinno kale ardayda fasallka Todobbaad bogaadin iyo hamballiyo ayey mudan yihiin ardaydan oo dedaal badan Gelliyey Akhriska si guud waxaan hallkan Hamballiyo uga direynaa guud ahaan ardayda Dugsiga oo muddadii tartanku socdey dedaal iyo juhdi Badan sameeyey sidoo kale waxa qayb weyn ka Qaatey barnaamijka macallimiintii gudida ahayd oo qayb laxaad leh ku lahaa
MacallinIsmail Mohamed macallin maxamed xiis iyo macallin Abdirashiid
Muhiimmadu waxa ay ahayd kor-u-qaadida Akhriska iyo is dhexgelka ardayda sidoo kale waxa ay muraajico u hayd ardayda oo maalinta sabtida u fadhiisan doona. Imtixaankii bilaha ee kalka lababbaad ee sanad-dugsiyeedka
04/03/2026
Wargelin Muhiima.
___________________
Dhamaan Bahda Sacaada Schools Arday , Waalid iyo Macalimiin, waxa la ogeysiinaya in maalinta sabtida ah ee bishu tahay 7/3/2026 si rasmiya uu bilaabmi doono Imtixaanka Bilaha ah.
Jadwalka maadooyinkana halkan kala soco .
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Burco
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 12:00 |
| Tuesday | 07:00 - 12:00 |
| Wednesday | 19:00 - 12:00 |
| Saturday | 07:00 - 12:00 |
| Sunday | 07:00 - 12:00 |