Alif, Akaadimiyada Barbaarinta Caruurta.

Alif, Akaadimiyada Barbaarinta Caruurta.

Share

Alif waa akaadimiyad u taagan dhisida tarbiyadda iyo tacliinta da'yarta.

waxana ay u aas-aasan tahay inay soo saarto jiil ka duwan jiilashii hore ee bulshada, mana aha xarun faa'iido doon ah oo gaar loo leeyahay.

Photos from Alif, Akaadimiyada Barbaarinta Caruurta.'s post 02/04/2020

Magazineka CARUURTEENA oo ka soo baxa wadanka Sweden, ayaa lagu soo daabacay shaqooyinka iyo hawlaha aannu qabano. Si gaar ah kulamadii labadii bilood ee ugu danbeeyay aannu qabanay akaadimiyad ahaan.

Mudnaan iyo mahadnaqba waxa naga mudan Musa M. Isse oo ah aasaasaha Magazineka, kana shaqeeya arrimaha barbaarinta caruurta, iyo sidoo kale qoraa Sayid Axmd M oo u ololeeya wax-akhriska iyo barbaarinta caruurta.

Waxa iyagana aannu u mahadnaqaynaa, cid walba oo wax ku darsatay akaadimiyadda muddadii ay jirtay.

Photos from Alif, Akaadimiyada Barbaarinta Caruurta.'s post 08/03/2020

Akaadimiyaddu waxa ay xil-weyn iska saaraysaa sidii ay u korin lahayd, una kobcin lahayd xirfadaha carruurteena. Farshaxanka ayaa ka mid ah xirfadaha ay akaadimiyaddu tix-gelinta weyn siiso, maadaama farshaxanku carruurta ka caawin karo dhinaca koboca, dhismaha iyo korinta xirfadaha fikirka, fahamka, garashada , furfurista masalooyinka iyo awooda male-awaalka.

Photos from Alif, Akaadimiyada Barbaarinta Caruurta.'s post 22/02/2020

Maadaama wax-akhrisku yahay hanaanka loo maro ilbaxnimada, horumarka iyo saqaafada, iyo hababka billi-aadamku ku dhaxlo xikmada, waayo-aragnimada iyo taariikhda. Waxa akaadimiyadda ka go'an inay ubadka ku barbaariso caadada wax-akhriska, jeclaysiisona caruurta buuggaagta iyo goobaha wax-akhriska.

Photos from Alif, Akaadimiyada Barbaarinta Caruurta.'s post 05/01/2020

Caado-dhaqmeedka soomalida, hiddaha iyo sooyaalkeedu waa mid facba fac ama jiilba jiil iska dhaxlaysey. Soomalidu waxa ay lahayd hab nololeed dhammaystiran, iyo macaamil nololeed oo 100% wanaagsanaa. Haddii aynaan u gudbin caruurteena jiritaankooda, taariikhdooda iyo ummadnimadooda waxa lumaya sooyaalkeena, caqiidadeena iyo ilbaxnimadeena. Waxyaabo badan oo dhaqankeena ka mid ah ayaannu caruurta u sheegnay, waxa ugu muhiimsanaa in umad kastaaba dhaqan u gooniya ay leedahay, soomaliduna leedahay dhaqan fac weyn oo qarniyo badan soo taxnaa. Waxa ugu weyn ee dhaqanka soomalida laf-dhabarka u ahaana waxa ahaa dhaqaaleheeda. Dhaqaalaha ugu weyn ee soomalidu lahayd waxa uu ahaa xoolaha nool, dhaqankeeduna waxa uu ka soo jeedaa isha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen ; oo ahayd xoolaha nool iyo wanaajintooda, oodidooda, raacidooda, waraabintooda, soofintooda, aroorintooda, dhicintooda iyo dhiqidooda. Waxyaabaha kale ee aannu ay akaadimiyaddu ubadka barto dhaqan ahaan waxa ugu h**eeya, hab-nololeedkii ay u noolaayeen dadkii reer-guuraga ahaa. Mar walba waxa aannu diyaar u nahay inaanu ubadka barro baadi-soocdooda iyo hiddohooda IA.

Photos from Alif, Akaadimiyada Barbaarinta Caruurta.'s post 04/01/2020

KULANKII TODOBAAD, FAGAARE-KA-HADALKA

Baadhitaan laga sameeyay waxa ugu badan ee dadku ay ka baqaan, ayaa lagu ogaaday: Kaalinta koowaad ee waxa ay dadka adduunku ka baqaan in ay ku jirto GEERIDU, kaalinta labaadna MASASKA, halka kaalinta saddexaadna, la ogaaday waxa ugu badan ee dadku ka baqaan uu yahay FAGAARE KA HADALKA.

Caruurta inta badan waxa gole-ka-hadalka ay muhiim tahay in la baro inta ay yaryar yihiin; ee ay dugsiyada dhiganayaan. Ka bulsho ahaan innagu uma naqaano gole-ka-hadalka wax ardaydeenu u baahan yihiin in aynu ka dhisno; xirfad ahaan.

AHMIYADDA FAGAARE-KA-HADALKU UU U LEEYAHAY CARUURTA.

Fagaare-ka-hadalka nidaamsan ee sida xirfadaysan loo diyaariyaa, waxa uu leeyahay ahmiyad wayn. Waxa lagu gudbiyaa farriin, wax ayaa lagaga dhaadhiciyaa dad, arrin ayaa lagu qanciyaa ama wax ay aamminsanaayeen ayaa lagaga shubaa.

Photos from Alif, Akaadimiyada Barbaarinta Caruurta.'s post 16/12/2019

Kullankii Lixaad, mawduuca dood.
Maxay ardayda qaar kaalmaha sare uga galaan fasalada?

Doodu waxa ay door muhiim ah ka qaadataa dhisidda garaadka ardayda, waxa ayna kalsooni dheeraad ah siisaa hadal jeedinta iyo xirfadaha gole ka hadalka. Waxa kale oo ay doodu ardayda ka caawin kartaa wada shaqaynta, is-dhexgalka iyo iskaashiga. Waxa ayna abuurta inay ardaydu aqoonta is-weydaarsadaan, aragtiyohoodana la soo dhiiradaan; oo soo bandhigaan.

Photos from Alif, Akaadimiyada Barbaarinta Caruurta.'s post 16/12/2019

Kullankii Shanaad.

Soomali ahaan caruurta uma ogolaano inay ciyaaraan, marka ay dhameeyaan duruusta iyo hawlaha shaqo ee ay qabanayaan. Haddii aynu u ogolaannona waxa aynu u fasaxnaa ciyaaraha jidh dhiska ah oo keliya, kumana baraarugsanin ciyaaraha maskax ahaan caruurta u dhisaya. Maadaama ay ciyaaraha maskax dhiska ahi qayb muhiim ah ka qaataan koboca iyo koriinka caruurta, waxa ayna u leeyihiin faa'iidooyin tiro beel ah oo ay ka mid yihiin: fikir balaadhinta, xalinta khilaafaadka, maan kobcinta iyo kasmo balaadhinta caruurta. Haddii ay cuntadu koriso jidhka iyo lafaha caruurta, ciyaaruhuna waxa ay koriyaan garaadka iyo garashada caruurta.

08/12/2019

Alif, Akaadimiyada Barbaarinta Caruurta.
Kulankii jimcihi : Dood, Maxay ardayda qaar kaalmaha sare uga galaan fasalada?
Anas yare waa arday fasalka shanaad ee dugsiga dhexe ku jira, haddana qaabka cajiibka ah ee masrixiyadiisa, kalsoonidiisa iyo odhaahdiisa eray ahaaneed ee uu adeegsanayaa waa kuwo ka turjumaya awooda shakhsiyadeed ee uu leeyahay.
Hadafkayagu waa dhisida ubadka, si mustaqbalka iyo aayaha umaddu u dhismo.


#2019

25/11/2019

Walidku sida uu ilmihiisa ugu gudbiyo dhaqankiisa iyo diintisa: Sh. Mustafe X. Ismaciil "Haaruun".

24/11/2019

Afar arrimood oo ilmaha nafsad ahaan u dhaawaca. Ustaad Mubarak Hadi

Photos from Alif, Akaadimiyada Barbaarinta Caruurta.'s post 11/11/2019

Kulankii afaraad (4)

Farshaxanka.

Farshaxanku wuxuu carruurta ka caawin karaa dhinaca koboca, dhismaha iyo korinta xirfadaha fikirka, fahamka, garashada , furfurista masalooyinka iyo awooda male-awaalka.

Mudnaan gaar ah akaadimiyaddu waxa ay u naqaysaa, farshaxmiiste Abdihakin kuria oo casharada bixinayey. Ustaad ku mahadsanid doorka aad ka qaadatay, dardargelinta barnaamijyadda ay Akaadimiyaddu qabato.

Want your school to be the top-listed School/college in Burco?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Saalixiya Erea
Burco

Opening Hours

09:00 - 10:00