Postgraduate Studies and Research, UoB.

Postgraduate Studies and Research, UoB.

Share

This is the official page of School of Postgraduate Studies and Research at University of Burao.

13/10/2025

We, as the School of Postgraduate Studies and Research and the Directorate of Research at the University of Burao, are delighted to extend our sincere congratulations to Ahmed Adan Jama, a distinguished researcher and Ph.D. candidate, on the successful publication of his paper, 'Factors Associated with Malnutrition Among Children Aged 6-59 Months in Burao, Somaliland.' This pivotal research has been featured in Scientific Reports, a prestigious Q1 journal indexed in both Scopus and Web of Science. Mr. Ahmed's dedicated work provides crucial insights into a significant public health challenge, underscoring our commitment to impactful scholarship. We commend his rigorous dedication to research excellence and anticipate the positive contributions this study will bring.

is the link: https://doi.org/10.1038/s41598-025-02085-w

15/09/2025

Announcement
_____________
The applications for Postgraduate Programs 2025/2026 are officially open. Take the next step in advancing your career and academic journey with us.

Photos from Postgraduate Studies and Research, UoB.'s post 17/08/2025

Waxa ay ahayd madal qiimo leh taas oo ay soo agaasimeen ardayda sannadkan ka qalin-jebinaya jaamacadda Burco gaar ahaan qaybteeda Daraasaadka sare (Master Program) ee Takhasuska luuqadda Ingiriisiga, si ay maamuusa iyo garowshiiyo ugu muujaan barayaashii ajinebiga ahaa ee sida hagar la’aanta ugu tabcay intii waxbarashadu socotay sannadkaa.

Sidoo kale madasha waxa kala soo qayb galay guddoonka jaamacadda iyo maamulka kuliyadda daraasaadka sare ee Jaamacadda Burco kuwaas oo u mahad-naqay macalimiintii soo waday barmaamijkan, qirayna dedaalkooda iyo kartidoodaba.

Photos from Postgraduate Studies and Research, UoB.'s post 14/08/2025

Waaxda Daraasaadka sare iyo cilmi-baadhistu waxay soo agaasintay tababar ku saabsan “ Qorista Warbixin Wax-ku-ool ah oo istiraatiiji ah”. Waxay ahayd fursad qaaliya oo ay dad badani ka faa’idaysteen. Tababarkan waxaa daadahaynayey Dr. Claire Urbach (Ph.D) iyo Rachel Brown oo aqoon sare u leh afafka iyo hab qoraalka.

01/08/2025

OGEYSIIS MUHIIM AH
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan bulshada ku dhaqan magaalada Burco in la qaban doono kulanka falanqaynta iyo bandhigga buugaagta ee uu qoray Sh. Cabdiraxmaan Barkhad Good, kaas oo ka dhici doona Barxadda Jaamacadda Burco.
Goorta: Jimce, Ogos 01, 2025
Aminta: 6:45 fiidnimo
Goobta: Jaamacadda Burco
Waxa lagu soo bandhigi doonaa buugaag muhiim ah oo uu qoray aqoonyahan Cabdiraxmaan Barkhad Good, waxaana kulanku fursad weyn u yahay dhammaan dadka xiisaynaya akhriska, suugaanta iyo arrimaha bulshada.

15/07/2025

𝗠𝗮𝗱𝗮𝗹 𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻𝗲𝗲𝗱 𝗳𝘂𝗿𝗮𝗻:

Jaamacadda Burco waxay si xushmad leh idinku martiqaadaysaa Madal aqooneed furan oo la magac-baxay: "Education as tool of Freedom."
Mawduucan qiimaha leh waxa marti innogu ah Senator Kayse Jama, Hogaamiyaha Aqlabiyadda Golaha Senate-ka Gobolka Oregon, Maraykanka.

Senator Kayse Jama, oo asal ahaan ka soo jeeda magaalada Burco ee gobolka Togdheer, ayaa noqonaya astaan u taagan guusha wax-barashada iyo koboca codka bulshada muhaajiriinta.

Waxa uu nala wadaagi doonaa sida waxbarashadu u tahay furaha xoriyadda hadalka, fekerka, iyo horumarka bulshooyinka.

Goobta: Barxadda Jaamacadda Burco
Wakhtiga: Habeenka khamiista ee 16/07/2025

Want your school to be the top-listed School/college?

Telephone