30/10/2025
*****Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis*****
๐ Fursad Dahabi ah oo loogu talagalay Ardayda ka raagtay waxbarashada!
1๏ธโฃ Ma tahay ama ma kuu joogaa arday waxbarashada ka raagay?
2๏ธโฃ Ma tahay arday waxbarashada kaga hadhay meel dhexe oo raba inuu sii wato waxbarashadiisa?
3๏ธโฃ Ma doonaysaa inaad si dhaqso ah ula gaadho ardaydii kaa horreysay fasalada sare?
Haddii jawaabtaadu tahay haa โ
,
Tani waa fursaddaadii!
Horseed Primary, Intermediate & ABE School โ Burco , wuxuu furay barnaamij gaar ah oo loogu talagalay ardayda dib u bilaabaya waxbarashada.
Ardaydu waxay sannad walba ku dhigan doonaan laba fasal (Accelerated Learning Program) si ay ula jaanqaadaan dhiggooda.
๐Goobta: Horseed School, Burco
๐ Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh: [063-4046898 , 063-4360105]
Hadda bilow safarkaaga guusha! ๐๐
17/02/2025
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐
Shalay oo taarikhdu ahayd ๐ญ๐ฒ/๐ฎ/๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฑ, waxa aan warbahinta madaxa bannaan lawadaagay inaan ahay murashax utartami doona kamid-noqoshada xubin golaha wakiilada Jamuuriyada Barakaysan ee Somaliland, doorashada ku mudaysan
๐ฏ๐ญ/๐ฑ/๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ.
Hankayga inaan kamid noqdo golaha sharci dejinta dalku iguma dhalan hada laab-lakacna igama ahayn ee waxa uu ahaa mid aan mudaba ku jiray ka midha-dhalintiisa.
Waxa aan saddex iyo tobankii sano ee udanbeeyay kaalin muuqata ugu jiray bulshada deegaanka aan ka soojeedo.
Sidoo kale waxan tobankii sano ee Udanbeeyay ka shaqaynayay hay'daha dalka iyo wasaaradaha dalka qaar kamida ee loogu adeego bulshada inta unugul.
Waxan ay shaqsi dal-yaqaan ah, deegaan yaqaan ah oo dad-yaqaan ah.
Dooda aan qabo maaha mid gole kafuula ee waa dood ku dhisan lexejeclo, talo mida, deegaan mida iyo isla-xisaabtan.
Kolba ciddii ku habboon in ay bulshada ku matasho fagaarayasha lagu jaan-gooyo mashaariicda qaranku fuliyo, isla markaana lagu curiyo shuruucda uu dalku ku shaqeeyo.
Ma'ihi hoggaamiye mana ihi aqoonyahan ee waxan ahay shaqsi leh tilmaamahan hoos ku xusan qaar kamida.
1- ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Waa in qofku waxa uu sheegayo uu daacad ka yahey oo ay afkiisa iyo uurkiisu wada jiraan. Waa inuu yahey ruux ka run sheega hadafkiisa si uu natiijo fiican uga gaadho waxa uu hiigsanayo.
2- ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Waa inuu qofku leeyahey dareen lahaansho (ownership) oo uu ka naxayo cida uu hogaaminayo ee aysan ku jirin "maxaa kaa galey?".
3- ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Waa inuu qofku noqdo ruux ku dhiirada hirgalinta hadafkiisa iyo ka midho dhalinta ujeedooyinka hogaamineed. Mid leh geesinimo ay caqli ku dheehan tahey oo aysan ku jirin "qar iska tuur" iyo inuusan noqon mid halaaga naftiisa iyo cida uu hogaaminayo.
4- ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
waa inuu qofku leeyahey aragti dheer oo uu arki karo wax aysan dadka caadiga ah ee uu hogaaminayo arki karin. Haseyeeshee, waa in aragtidiisu noqoto mid macquul ah oo la dhaqan galin karo isla markaana ay bulshada ku hareereysan ka qeybqaadan karaan. Waa in aragtidu noqoto mid ka duuleysa garaadka, aqoonta, iyo awooda cida uu hogaaminayo. Waa in aragtidiisu noqoto mid ka kasoo maaxaneysa aqoon iyo khirad ee aysan noqon mid ku dhisan jahli iyo malo-awaal.
5- ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐
Howl walba waxey leedahey dhibaato, sidaas owgeed waa in qofku yeesho dhabar-adeyg iyo dulqaad ka badan midka dadka uu hogaaminayo. Waa inuusan noqon ruux jilicsan ama xanaaq badan oo ay cadhadiisu dhaafiso wadaag badan oo uu sameyn lahaa.
6- ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Hogaamiyaha saxda ah waa midka la tashada dadkiisa iyo inta waxgaradka ah ee wanaaga kusoo kordhin karta. Waa inuusan noqon ruux kaligii taliye ah oo go'aanadiisa ku qasba dadka kale, haseyeeshee wixii qaldama dusha usaara dadka kale.
7. ๐๐'๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐
waa inuusan noqon ruux labac-labac ah oo ka baqa go'aan qaadashada ee uu noqdo ruux go'aanada qaata waqtiga ugu haboon iyo goobta ugu haboon.
8. ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Qalafsanaantu waxba ma dhisto. Sidaas owgeed waa inuu qofku yahey mid u badacsan bulshadiisa oo naxariis badan.
9. ๐๐๐๐๐๐๐๐.
Hogaamiyuhu waa inuu noqdo mid dadkiisa u cadaalad sameeyo oo aan laheyn eex iyo ruux-jecleysi. Waa inuu u xaq-sooro cid walba isla markaana uu xigaal iyo Xigto isku si ugu cadaalad falo.
Alle ayaa Mahadle
Sakariye Eng Muse Maxamed
01/02/2025
T A R T A N A Q O O N E E D
Sabti 01-02-2025
Waxa barxada dugsiga Al Nasri Schools Oodweyne ka qabsoontay subaxnimadii saaka , tartan aqooneed dhex maray Fasalka 3aad iyo Fasalka 4aad.
Dedaal badan ka dib waxay guushu halkaasi ku raacday fasalka 3aad.
Tartankan oo ahaa kii ugu horeeyay Kalka 2aad ee sannad-dugsiyeedka 2024-2025.
Waxaanu u qabsoomay sidan hoos ku xusan.
Warbixin ku saabsan tartankaasi.
Akhlaaqda Fasalka 4aad 90%
Akhlaaqda Fasalka 3aad 99%
Natiijada Fasalka 4aad = 60%
Natiijada Fasalka 3aad = 70%
Hambalyo Fasalka 3aad ๐
Barnaamijkan waxa soo agaasimay macalimiinta
Axmed Maxamed Cumar
Iyo Sahra Jaamac Xuseen.
Dhiirigelinta ardaydu waa astaanteena.
Alla mahad leh.
#2025
07/01/2025
Hambalyo Mustafa Maxamed Axmed oo loo doortay gudoomiye xigeenka jaamacada University of Burao .
Alle xilka hakugu asturo.
Aamiin
31/12/2024
Thanks All Of My Followers.
Brothers and Sisters ๐๐ซก