Waxaa xalay si heer sare ah loo qabtay xaflad lagu daahfurayey Dugsiga Daarayn ee Hoose/Dhexe/Sare, kaas oo qayb cusub ka furanaya magaalada Burco.
Xafladdaas waxaa ka qayb galay hormuudka Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka ee Jaamacadda Burco, Sh. Zakariye Suldaan, isaga oo bogaadiyey furitaanka dugsiga iyo horumarka laga sameynayo dhinaca waxbarashada Ee Gobolka Togdheer
كلية الشريعة والقانون بجامعة برعو
faculty Of sharia and Law
04/05/2026
𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐭𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐮 𝐋𝐞𝐡 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚.
Jaamacadda Burco waxay idin soo qabanqaabisay kulan cilmiyeed ku saabsan “Cilmiga Waxtarka u Leh Islaamka”, kaas oo uu soo jeedin doono Sheekh 𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐟𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐣𝐢 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐇𝐚𝐚𝐫𝐮𝐮𝐧, oo marti inoogu ah Jaamacadda Burco.
Waxaan ku dhiirrigelinaynaa bulshawaynta reer Burco inay ka faa’iidaystaan kulankan oo ay nagala soo qayb galaan.
Goobta: Jaamacadda Burco
Waqtiga: Bacdal Maqrib, Maanta - 04 May 2026.
21/04/2026
Hambalyo iyo bogaadin!
Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa ardayda dhigata Kuliyadda Sharciga Ee kaalmaha h**e ka galay imtixaankii semester-kii dhammaaday Decembar 2025 ee Class 1A.
Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalkiinna, adkaysigiinna iyo kartidiinna aqooneed, Waxaan idiin rajaynaynaa horumar joogto ah iyo guulo ka sii waaweyn mustaqbalka.
Sii wada dadaalka, waxaad tihiin tusaale wanaagsan oo lagu daydo.
19/04/2026
Hambalyo iyo bogaadin!
Waxa maamulka, macallimiinta iyo shaqaalaha Kuliyadda Shareecada ee Jaamacadda Burco hambalyo iyo duco u dirayaan ardayda kaalmaha h**e galay ee 1A semesterkii dhammaaday Decembar 2025.
Waxay muujiyeen dadaal, karti iyo aqoon mudan in lagu ammaano. Alle ha u barakeeyo dadaalkooga, Ardaydani hadda waxay ku jiraan semesterkoodii 2aad
19/04/2026
Hambalyo iyo bogaadin!
Waxa maamulka, macallimiinta iyo shaqaalaha Kuliyadda Shareecada ee Jaamacadda Burco hambalyo iyo duco u dirayaan ardayda kaalmaha h**e galay ee 3A semesterkii dhammaaday Decembar 2025.
Waxay muujiyeen dadaal, karti iyo aqoon mudan in lagu ammaano. Alle ha u barakeeyo dadaalkooga, Ardaydani hadda waxay ku jiraan semesterkoodii 4aad
19/04/2026
Hambalyo iyo bogaadin!
Waxa maamulka, macallimiinta iyo shaqaalaha Kuliyadda Shareecada ee Jaamacadda Burco hambalyo iyo duco u dirayaan ardayda kaalmaha h**e galay ee 5A semesterkii dhammaaday Decembar 2025.
Waxay muujiyeen dadaal, karti iyo aqoon mudan in lagu ammaano. Alle ha u barakeeyo dadaalkooga, Ardaydani hadda waxay ku jiraan semesterkoodii 6aad
19/04/2026
Hambalyo iyo bogaadin!
Waxa maamulka, macallimiinta iyo shaqaalaha Kuliyadda Shareecada ee Jaamacadda Burco hambalyo iyo duco u dirayaan ardayda kaalmaha h**e galay ee 7A semesterkii dhammaaday Decembar 2025.
Waxay muujiyeen dadaal, karti iyo aqoon mudan in lagu ammaano. Alle ha u barakeeyo dadaalkooga, Ardaydani hadda waxay ku jiraan semesterkoodii 8aad
19/04/2026
Hambalyo iyo bogaadin!
Waxa maamulka, macallimiinta iyo shaqaalaha Kuliyadda Shareecada ee Jaamacadda Burco hambalyo iyo duco u dirayaan ardayda kaalmaha h**e galay ee 7B semesterkii dhammaaday Decembar 2025.
Waxay muujiyeen dadaal, karti iyo aqoon mudan in lagu ammaano. Alle ha u barakeeyo dadaalkooda, Ardaydani hadda waxay ku jiraan semesterkoodii 8aad
01/04/2026
Ardayda sanadkan ka qalinjebinaysa Kuliyadda Shareecada ayaa ka qaybgashay tababar uu qabtay Hormuud Ku-xigeenka Kuliyadda Sheikh Maxamuud, kaas oo ku saabsanaa maktabadda Shaamilada.
Tababarkaasi waxa uu ahaa aqoon - isweydaarsi dhexmaray macallinka iyo ardayda (hablo iyo wiilalba), isla markaana kor u qaaday fahamkooda ku aaddan cilmi - baarista iyo adeegsiga maktabadaha dijitaalka ah.
31/03/2026
Qaar ka mid ah guddida ardayda dhigata Kuliyadda Shareecada ee Jaamacadda Bayaan Hargeysa ayaa booqasho ugu yimid hormuudka Kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka ee Jaamacadda Burco Sh Sakariye Suldaanka .
30/03/2026
Waxay Jaamacadda Burco qabanaysaa dhawaan tartan aqooneed dhex-mari doona dugsiyada sare, gaar ahaan fasallada Form-Fourka ee Gobolka Togdheer, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Gobolka Togdheer.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Burco