22/05/2026
Jaamacadda Alpha university Burao, gaar ahaan kulliyadda caafimaadka iyadoo ka duulaysa qorshaha uga yaala horumarinta iyo kor uqaadista tayada ardayda kuliyada caafimaadka, waxay u qabanaysa ardayda kujirta sanadkoodi kowaad ee waxbarashada fursad aqoon iyo xirfad kororsi ah oo ku saabsan fagaare ka hadalka ( ๐๐ซ๐๐ข๐ง๐ข๐ง๐ ๐จ๐ง public speaking).
Date: 24-25 May 2026 (Axed iyo isnin).
Time - 4pm-6pm (Galabnimo).
Goobtu:- Hass compus.
21/05/2026
๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฅ๐ฉ๐ก๐ ๐๐ฎ๐ซ๐๐จ ๐๐ฒ๐๐ ๐ฎ ๐ช๐๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐๐ก๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฐ๐๐๐ฒ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง ๐๐ก ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐ฌ๐๐ซ๐ ๐๐ ๐ฌ๐๐ง๐ง๐๐๐ค๐๐ง ๐ค๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฒ๐ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐ฌ๐๐ซ๐ ๐๐ ๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐๐จ.
Ujeeddada kulankan ayaa ahayd sidii loo dardargelin lahaa dedaalka ardayda dugsiyada sare iyo sidii ay ardaydu ugu diyaar-garoobi lahaayeen nidaamka waxbarashada sare.
21/05/2026
๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฅ๐ฉ๐ก๐ ๐๐ฎ๐ซ๐๐จ ๐๐ฒ๐๐ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐๐จ๐จ๐ช๐๐ฌ๐ก๐จ, ๐ฐ๐๐๐ฒ๐ข-๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐ข๐ซ๐ข-๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฃ๐ข๐ซ๐๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ ๐๐๐๐ก๐๐ฒ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐จ๐ซ๐ฆ ๐๐จ๐ฎ๐ซ๐ฌ-๐ค๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ฌ๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐ก ๐๐๐ซ๐๐๐ก๐ข๐ง.
Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in ardayda ka baxaysa dugsiga sare loo sameeyo la talin ku saabsan doorashada kulliyadaha iyo fahansiinta nidaamka waxbarashada sare ee dalka.
Gudoomiyaha Jaamacadda iyo hormuuddada kulliyadaha ee kulanka qaybta ka ahaa ayaa guul u rajeeyay ardayda, sidoo kale na ka mahadceliyay sida qiimaha leh ee hawshu u qabsoontay.
20/05/2026
Alpha University ayaa maanta booqasho iyo kulan la-talin ah ugu tagtay ardayda sanadkan ka qalin-jabinaysa dugsiyada sare ee Balidhiig iyo Doqoshay.
Kullankan ayaa diiradda lagu saaray dhiirrigelinta ardayda, wacyigelinta fursadaha waxbarasho, iyo muhiimadda ay leedahay sii wadashada tacliinta sare.
Intii ay booqashadu socotay, maamulka jaamacaddu waxa ay is-waraysi iyo xog-isweydaarsi la yeesheen maamulada dugsiyada, iyagoo ka wada hadlay horumarinta waxbarashada, tayaynta ardayda, iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka u dhexeeya dugsiyada sare iyo jaamacadda.
Booqashadan waxa hoggaaminayay Guddoomiyaha Abdikani, waxaana ku wehelinayay hormuudka Kuliyadda Arrimaha Bulshada, Ganacsiga iyo Dhaqaalaha, iyo qaybo ka mid ah shaqaalaha Alpha University.
Jaamacaddu waxay xustay in ay ka goโan tahay taageeridda iyo hagidda ardayda si ay u helaan mustaqbal waxbarasho oo wanaagsan.
18/05/2026
Jaamcadda Alpha Burco ayaa si weyn uga qayb qaadatay xuska maalinta qaran ee 18 may
17/05/2026
Shaqaalaha waaweyn ee Alpha University, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Abdikani, iyo dhammaan hormuudka kulliyadaha kala duwan iyo shaqaalaha Jaamacadda Alpha Burco, waxay hambalyo iyo bogaadin hordhac ah u dirayaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland munaasabadda dib ula soo noqoshada madax-bannaanida iyo qarannimada 18-ka May awgeed.
Waxayna shacabka Somaliland u rajaynayaan horumar, midnimo, nabadgelyo, iyo barwaaqo waarta, iyagoo xusaya qiimaha ay maalintani u leedahay taariikhda iyo jiritaanka qaranka Somaliland.