Al-Emam Al-Nawawi Schools Bosaso.

Al-Emam Al-Nawawi Schools Bosaso.

Share

المدرسة في الواقع:
تحارب الأخلاق السّقيمة و تزرع القيم النّبيلة.

نحاول أن نعرض في هذه الصفحة جميع فعاليات مدارس الإمام النووي بوصاصو وخلق مجال للتحاور بين الطلبة لتحسين آداء المدرسة وجمع شمل الطلاب لخلق بناء متماسك تعتمد عليه المدرسة في المستقبل.
والسؤال المطروح هو:
هل سيستفيد الجميع من هذه الصفحة بالشكل الفعال؟

21/08/2026

Jimce: 21/08/2026.
Furitaanka Dugsiga ee Sannad Dugsiyeedka 2026/2027.
--------------------------------------
Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso oo looga bartay waxbarasho tayeysan kuna qaabeysan halbeega casriga ah ee tacliinta, kana mid ah dugsiyadii ugu h**eeyey Puntland ee la asaasay 1992, ayna ka qalin jabiyeen 27 dufcadood ayaa sannadkii 35aad waxa sanad Dusiyeedka cusub ee 2026-2027 la bilaabi doona, 01-09-2026 oo ku beegan Maalin Talaada ah.

Dhamaan ardayda Dugsiga hada dhigata & kuwa qorshaystay inay bahdeena kamid noqdaan kusoo dhawaada Gacmo furan & sanad Dugsiyeed cusub.

F.G: Xiisaduhu waxay toos u bilaaban doonaan Talaada: 01/09/2026 Insha'allaah.

Wixii faahfaahin dheeri ah kala xidhiidh :
0907721124-0907656967-0906856959-0907723240- 7789505-0907748046-0907392824.

Mahadsanidiin.

-----‐-----------------------------------------
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

21/07/2026

OGEYSIIS TABABAR

Macallimiinta iyo Waalidiinta Sharafta leh,

Waxaa la qabanayaa tababar fogaan-arag ah oo ku saabsan:

“Caqabadaha Ardayga Maanta Haysta iyo Sida Looga Gudbi Karo”

Taariikh: 24-ka Luulyo 2026
Waqti: Habeenka Jimcada baxayso

iska diiwaangeli: WhatsApp Group-ka isak diiwaangeli oo guji Link-gan:

https://chat.whatsapp.com/Fn21mI57maz7DIbtBEeeSo?s=cl&p=a&ilr=0&amv=0

FB: Tababarku waa bilaash.

Tadamun Social Society & Xarunta Qoys Barwaaqo

10/07/2026

Jimce : 10-07-2026.
Alle ha u naxariisto Marxuum Yaasiin Abdi Maxamed Dhoodi.
------------------------------------------------
Bahda Dugsiyada Imaamu Nawaawi Boosaaso, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan bulshada uu ka baxay Marxuum Yaasiin Cabdi Maxamed Dhoodi , oo kamid ahaa waalidiinta qiimaha iyo kaalinta weyn ku lahaa Dugsiyada Imaamu Nawaawi.

Bahda Dugsiyada Imaamu Nawaawi waxay la qaybsanayaan murugada iyo xanuunka geeridaa ku timid qoyskiisa iyo ubadkiisa oo kamid ah ardayda dugsiga. Waxaan Alle SWT uga baryaynaa inuu marxuumka ku mannaysto naxariistiisa ballaadhan, dambigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, kana waraabiyo Janatul Firdowsa.

Sidoo kale waxaan Eebbe uga baryaynaa dhammaan qoyskiisa, carruurtiisa, eheladiisa, asxaabtiisa iyo bahda Dugsiyada Imaamu Nawaawi inuu ka siiyo samir iyo iimaan, uguna beddelo murugadaas kheyr iyo ajar.

Waxaan xusuusinaynaa in geeridu tahay xaq uu qof walba mari doono, waxaana Alle ka baryaynaa inuu innagu dhammeeyo iimaan iyo camal suuban.

إنا لله وإنا إليه راجعون

Alle ha u naxariisto marxuum Yaasiin Abdi maxamed Dhoodi hana ka waraabiyo Janatul Firdowsa.

----------- Dhammaad -------------

Xafiiska Nashaadka & Warbaahinta Dugsiyada Imaamu Nawaawi Boosaaso.

01/07/2026

Arbaca : 01-07-2026.
𝙈𝘼𝘼𝙇𝙄𝙉𝙏𝘼 𝙈𝙄𝘿𝙉𝙄𝙈𝘼𝘿𝘼 & 𝙓𝙊𝙍𝙉𝙄𝙈𝘼𝘿𝘼 𝘿𝘼𝙇𝙆𝙀𝙀𝙉𝘼 🇸🇴.
----------------------------------------------------------------
Maamulka Dugsiyada Imaamu Nawaawi Boosaaso waxay ugu hambalyeynayaan dhammaan Umadda Soomaaliyeed, sannad guuradii 66aad ee kasoo wareegtay xornimadeeni.

66 sanno ka hor maanta oo kale 01-07-1960 ayaynu ka xorownay gumaystihii reer Yurub.

Dhammaanteen waxaan ILLAAHAY ka rajaynaynaa Dowladnimo awood leh oo umadeena Soomaaliyeed si midaysan ugu adeegta.

1DA LUULYO MAALINTA MIDNIMADA & XORNIMADA DALKEENA.


-------- Dhammaad ---------

Xafiiska Nashaadka & Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

04/06/2026

Khamiis : 04/06/2026.
🎓 𝙃𝙖𝙢𝙗𝙖𝙡𝙮𝙤 𝘼𝙧𝙙𝙖𝙮𝙙𝙖 𝘿𝙪𝙜𝙨𝙞𝙮𝙖𝙙𝙖 𝙎𝙖𝙧𝙚 𝙚𝙚 𝙋𝙪𝙣𝙩𝙡𝙖𝙣𝙙.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
Hambalyo dhammaan ardayda Fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee Puntland oo maanta si guul leh u soo gabagabeeyey Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Hambalyo gaar ah waxaan u diraynaa ardayda Dugsiga Sare Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ee sanad-dugsiyeedka 2025–2026 ka qalinjabinaysa Fasalka 12-aad.

🌟 Hambalyo Dufcaddii 27-aad! 🌟

Waxaad maanta soo afjarteen marxalad ka mid ah marxaladihii ugu muhiimsanaa noloshiinna waxbarasho. Muddo 12 sano ah waxaad soo marteen dadaal, dulqaad, barbaarin iyo halgan aqooneed, waxaana maanta idinku soo dhammaaday heerkii dugsiga sare oo ah albaabka laga galo tacliinta sare iyo dhismaha mustaqbalka.

Waxaan idiinku bogaadinaynaa adkaysiga, kartida iyo dadaalka aad muujiseen sannadihii aad waxbarashada ku jirteen. Guusha maanta la gaaray ma aha mid ku timid hal maalin, balse waa mid ka dhalatay dadaal joogto ah, duco waalid, hagid macallin iyo karti arday.

Sidoo kale, waxaan mahadnaq iyo bogaadin u jeedinaynaa waalidiinta sharafta leh, maamulka dugsiga iyo macallimiinta oo door muuqda ka qaatay tarbiyadda, waxbaridda iyo garab istaagga ardayda ilaa ay ka gaareen heerkan qiimaha badan.

Dardaaran: ardaydeena sharafta badan ogaada qalinjabintani waa bilow cusub ee ma aha dhammaad. Ku dadaala sii wadista waxbarashada, ilaalinta akhlaaqda wanaagsan, iyo inaad noqotaan dhallinyaro aqoontooda iyo kartidooda ugu adeegta diintooda, dalkooda iyo bulshadooda.

🎉 Hambalyo Dufcaddii 27-aad ee Dugsiyada Sare Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso. 🎉

"Guushu waa miraha dadaalka, aqoontuna waa iftiinka mustaqbalka." 🌹

----------- Dhammaad ----------

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

02/06/2026

Talaada : 02/06/2026.
🎓 𝙃𝙖𝙢𝙗𝙖𝙡𝙮𝙤 𝘼𝙧𝙙𝙖𝙮𝙙𝙖 𝘿𝙪𝙜𝙨𝙞𝙮𝙖𝙙𝙖 𝘿𝙝𝙚𝙭𝙚 𝙚𝙚 𝙋𝙪𝙣𝙩𝙡𝙖𝙣𝙙 🎓
-----------------------------------------------------------------
Hambalyo dhammaan ardayda Fasalka 8aad ee Dugsiyada Dhexe ee Puntland oo maanta si guul leh u soo gabagabeeyey Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Wasaaradda Waxbarashada.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa ardaydeena Dugsiyada Imaamu Nawaawi Boosaaso ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026 ka qalinjabiyey Fasalka 8aad:
✅ Hambalyo Dufcaddii 23aad ee Dugsiga Dhexe ee Faraca Ridwaan.
✅ Hambalyo Dufcaddii 20aad ee Dugsiga Dhexe ee Faraca Furqaan.

Sidoo kale, waxaan mahadnaq iyo bogaadin u jeedinaynaa waalidiinta, maamulka, macallimiinta iyo dhammaan bahda waxbarashada ee dadaalka, samirka iyo juhdiga badan geliyey tarbiyadda iyo waxbaridda ardaydan muddadii sideeda sano ahayd.

Waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu dadaalkii dheeraa ee la soo bixiyey ka dhigo mid miro dhal ah, kana yeelo ardaydeena kuwo diintooda, dalkooda iyo dadkoodaba anfaca, una sahlo guul iyo horumar heerarka waxbarasho ee xiga.

🎉 Hambalyo Guul iyo Qalin-jabin Wacan! 🎉

----------- Dhammaad ----------

Xafiiska Nashaadka iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

28/05/2026

Khamiis : 28/05/2026
Shaacinta Natiijada Imtixaanka Teeramka 2aad Ee Dugsiyada Imaamu Nawaawi Boosaaso.
-------------------------------------------------------------------
Waxaa maanta oo Khamiis ah lasoo dhajiyey natiijadii imtixaanaadka dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ee teeramka 2aad 2025/2026, kadib markuu xafiiska imtixaanaadka dugsigu soo dhameeyey sixidii, hubintii iyo ku gurista databaseka.

Si aad u ogaatid buundooyinka aad keentay imtixaanka raac tallaaboyinkan soo socda:
1) Riix linkigan nwb.fedena.com
2) Waxaa ku soo baxaya laba Box midna waxaad ku qortaa Username oo ah lambarka Dugsiga aad ku leedahay midna Passwordka aad leedahay oo ka kooban lambarka Dugsiga oo lagu daray 123.

3) Ka dib waxaad Gujisa meesha ay ku qorantahay Academics

4) Hoos u dag waxaad ku arkaysaa Final Report ….Guji

5) Ugu Danbayn waxaa ku soo Baxaya Natiijada Imtixaanka…Hambalyo.

Ugu danbayntii maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso wuxuu u hambalyeynayaa dhammaan maamulka, macallimiinta, waalidiinta iyo ardaydaba dadaalkii ay sameeyeen sannad dugsiyeedkan 2025 – 2026 iyo natiijadii fiicnayd ee ay ardaydu ka keensadeen imtixaankii ay galeen.

------- Dhammaad ------

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

23/05/2026

Sabti : 23/05/2026.
Ogaysiis Muhiim ah: Soo Qaadashada Kaararka Imtixaanka Shahaadiga ah.
--------------------------------
Dhammaan ardayda fasallada 8aad iyo 12aad ee Dugsiyada Imaamu Nawaawi Boosaaso, waxaa la ogaysiinayaa in ay yimaadeen kaararkii imtixaanka shahaadiga ah.

Waxaa lagu wargelinayaa arday kasta inuu soo doonto kaarkii uu ku geli lahaa imtixaanka shahaadiga ah laga bilaabo beri subax oo Axad 24/05/2026 iyo Isniin 25/05/2026, saacadaha 8:00AM–12:00PM, waana gelinta h**e xilliga xafiisyada laga heli doono Insha'Allaah.

Fadlan arday kasta ha tago xaruntiisa si uu uga soo qaato kaarkiisa Insha'Allaah.

Waxaa sidoo kale xusuusin mudan in 7 maalmood oo keliya ay ka harsan yihiin imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasallada 8aad iyo 12aad ee ay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ka qaaddo ardayda.

Waxaan ardayda ku boorrinaynaa inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda iyo diyaar garowgooda.

Mahadsanidiin.

------ Dhammaad -------

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso

18/05/2026

Isniin | 18/05/2026.
Dhammaadka Sannad Dugsiyeed Guul iyo Horumar Leh.
---------------------------------------------------------------------
Hambalyo dhammaan ardayda Dugsiyada Al-Emam Al-Nawawi Boosaaso, waxaan si weyn ugu faraxsanahay dhammaadka sannad dugsiyeedka 2025–2026 oo si guul leh inoogu soo idlaaday.

Mahad gaar ah waxaan u diraynaa macalimiinta dadaalka badan iyo waalidiinta garab istaagga joogtada ah ee door weyn ka qaatay horumarka ardayda. 🤝✨

Waxaan ardaydeena u rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn.
Sanad dugsiyeed barako leh. 🏫💙

------- Dhammaad --------

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Want your school to be the top-listed School/college in Bosasso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address

Air Port Street
Bosasso