26/05/2026
Dugsiga H/Dhexe ee Daaru-salaam Bosaso waxaa uu dhammaan ardayda, waalidiinta, ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta ah ugu hambalyaynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.
"Ku ciida farxad, cafimaad qab iyo nabad".
23/05/2026
Maamulka Sare ee Dugsiga Darasalam Bosaso waxa uu ogeysiinayaa dhammaan qoysaska iyo waalidiinta aan xiliga xagaaga magaalada ka bixin ee jooga Bosaso, in laga bilaabo 1-da bisha 6-aad ay diyaar yihiin macallimiintii Qur’aanka Kariimka.
Waxaa si rasmi ah u bilaabanaya xiisadaha Qur’aanka ee xiliga xagaaga, kuwaas oo socon doona dhammaan fasaxa xagaaga.
Waalidiinta waxaa lagu dhiirrigalinayaa in ay carruurtooda uga faa’iideeyaan barnaamijkan si ay u xoojiyaan barashada Qur’aanka Kariimka, akhlaaqda iyo tarbiyada wanaagsan.
Mahadsanidiin.
22/05/2026
Darasalam Primary School Bosaso waxa uu ogeysiinaysaa ardayda iyo waalidiinta in fasaxa xagaaga uu bilaabmay usbuucii h**e, iyadoo school ku dib u furmi doono 1st September 2026.
Waxaan dhammaan u rajeynaynaa xagaa leh farxad, cafimaad iyo xasuuso wanaagsan. Waalidiintana waxaan ku dhiirrigalinaynaa in ay carruurta ka caawiyaan in ay fasaxa uga faa’iideystaan nasasho, barasho iyo waqti qiimo leh.
Darasalam Primary School Bosaso.
08/02/2026
Dugsiga Hoose/Dhexe ee Daaru Salaam ayaa qabtay xaflad ballaaran oo lagu abaalmarinayay ardaydii kaalmaha h**e ka galay imtixaankii teeramka. Sidoo kale, shahaadooyin ayaa la guddoonsiiyay ardayda xifdiyay Qur’aanka Kariimka ah ee dhigata dugsiga.
Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka qayb galay waalidiin, macallimiin, maamulka dugsiga iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood muujiyay farxad iyo bogaadin ku aaddan dadaalka ay macalimiintu kubixisay ardaydaas