مركز المنار لتعليم أطفال

مركز المنار لتعليم أطفال

Share

مركز المنار لتعليم الأطفال ku soo dhowoow xarrunta waxbarashada carrurta ee Al-mannar

Photos from ‎مركز المنار لتعليم أطفال‎'s post 13/12/2020
16/09/2020

Ogoysiis ogaysiis ogaysiis dhamaan dadweeynaha ku nool bosaso waxaa lagu war gelinayaa in xarrunta waxbaradhada al-mannar ay dib u bilaawday waxbarashadii, sanad dugsiyeedka 2020/2021, isqoristu way socotaa, 25/9/2020, haddaba soo booqo xarunta oo ay kuugu diyaar yihiin maamul iyo macalimiin ka haqabtiraya waxaad u baahntahay.Xarruntu waxay si gaara u danaynaysaa ubadka yaryar ee da,a doodu u dhexeeyso 2/7jir, iyada oo si her caalimi ah wax laguugu baraya.

Wixii faahfaahiin dheeriya kala xiriir
0907700063, 0907742980, 0907357079, 0907627909
Goobta bosaso

21/02/2020

Fariinta maanta
.........................................
Haddii Alle SWT kugu irsaaqay ubad waxaad ogsoonaataa inaad adigu tahay cida masuulka ka ah koritaankooda jireed iyo mid kooda caqliyeed ba, labbaduna waa isku waddo haddii hal dhan aad xoogga saartid sida inta baddan bulshadeenu sameeyso oo ah inaad jismi ahaan keliya u dhisno cunug og soonow qayb kale oo muhiim ah baad dayacday, kuma filna cunugaaga inaad ka quudiso afka oo keliya lakiin wuxuu uga baahi badanyahay inaad ka quudiso maskaxda, kolka h**eba waxaa lagaa rabaa inaad ka fikirto waxa ilmahaaga aad ku caawin kartid si aad u soo saarto jiil wax tar u leh naftiisa, akhiradiisa iyo adduunkiisaba.
Haddaba sidee baad ku caawin kartaa koritaanka saxda ah ee ilmahaagu u baahanyahay.
1. Waa inaad barataa la macaamilka ilmaha, kuma lihi adi oo waalid ah ma taqaan si ilmaha loo koriyo, laakiin ogsoonow waxaa jira xeelado iyo xirfado qofkasta oo bini aadam ah u baahanyahay waxaa suura gal ah wax aad isleedahy dan buu cunnugaaga u yahay inuu ba isaga agtiisa ka tahay waxaan qiima laheeyn, waxaa suuragal ah xaalad yar uu ilmahu ku suganyahy inaad u aragto qalad deedna aad ku gafto cunnugaaga adiga oo isleh wax u tar, haddaba inaad barato hab la dhaqanka ilmaha waa waajib saaran qofkasta oo doonaya inuu ku noolaado sacaado.
2. Baro sida ilmahaaga loo tusiyo ixtiraam, inta baddan waalidku wuxuu dhahaya ilmahaan ixtiraam malaha, lakiin waxaadba arkeeysaa in uu ixtiraam darada uu ka barta waalidka laftiisa suura gal ma tahay in qof aadan adiguba ixtiraam siin inuu ixtiraam ku siiyo, ku ixtiraam cunnugaaga hadalkiisa, wax qabadkiisa, noloshiisha goonida ah, saaxiibadiisa, rabitaankiisa, doorashadiisa iyo wixii agtisa qiima ku leh si uu isagana u barto ixtiraamka walidka iyo bulshada kaleba.
3. Baro sida loo gudbiyo jacaylka waalid nimo adiga oo tusinaya ilmahaaga jacaylka aad u qabtid iyo sida ay kuugu qaali yihiin, inta baddan ilmaha waxay waayaan inay ka arkaan jaceyl walidkood markaa bay waxay bilaabaan inay meela kale ka raadshaan taa oo ka lumisa jihada wanaagsan, kolkaa adigu noqo halka uu ka helayo jacaylka ugu qaalisan ee dunnida.
4. Barro sida ilmahaaga aad ugu kalsoonaan laheeyd inta baddan waxaad arkeeysaa inaan bulshadeenu aysan ku kalsooneeyn ilmahooda, waxkasta uu usheego ay dhahayaa waa beentaa, naga aamus yaa ku dhaahay dadka waaweeyn baa wax loo sheega iyo hadalo aanu jeclaysan qalbiga nadiifka ah ee ilmahu, inta badan ilmaha yaryar waxay jecelyihiin inay helaan cid dhegaysta oo waxa ku duugan ay la wadaagaan lakiin nasiib darro ma helaan ciday khiyaaligooda uga sheekeeyaan si uu udareemo kalsooni iyo farxad, haddaba isku day inaad ilmahaaga aad dhegaysato siisana waqti yar si uu kuula wadaago xogaha uu hayo waxay doontoba ha ahaatee, hana isku dayin inaad ku af jabiso waayo wuxuu dareemi doona kalsooni daro iyo mooral jab.

Mahadsid
Lasoco qaybaha kale........

Photos from ‎مركز المنار لتعليم أطفال‎'s post 01/02/2020

Mamulka iyo macalimiinta Xarrunta Al-mannar edu cnt waxay si mug leh ugu mahad celinaysa walidka kala qayb qaadaty farxada gudoonsiinta abaal marimaha ardaydii ugu sareeysay imtixankii sanad dugsiyeedaka qaybtiisii h**e, mahdsnidiin walidiin ag joogiina waa noo muhiim.
- mannar Edu cnter.

24/01/2020

ogaysiis...... ogaysiis

Xarrunta waxbarshada Al_mannar waxay qaadanaysaa arday cusub sanad dugsiyeedka cusub, isqoristu waxay bilaabatay 15/1/2020 waxayna ku egtahay 30/1/2020, haddaba soo booqo oo ubadkaaga u door goob waxbarasho oo casri ah.
Qaybaha waxbrasho oo ay bixiso waxaa ka mida qaybta xannanada 2sano illa 7sanno iyo
Qaybta dugsiga hoose oo ku baxaysa english, waxaana ardada sifiican looga dhisayaa quraanka, tarbiyada iyo akhlaaqda.
Waxa kale oo jirta qaybta waxbrashada dadka waaweyn gelinka danbe ayaayna baxdaa, haddaba soo booqo xarrunta waxbrashada Al_mannar, sacadaha shaqadduna waa labada gelin.
Mahadsaniddiin.
Wixii faah faahin dheeriya kala xiriir 0907744990/0907742980/0907700063

Want your school to be the top-listed School/college in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Bosaso