04/08/2026
Tacsi tiiraanyo leh
Maamulka,Macalimiinta iyo guud ahaan Bahda Dugsiga Cumar Bin Cabdicasiis waxay naxdinta geerida la wadaagayaan Qoyska iyo qaraabada uu ka baxay
Alle ha u naxariistee Ahmed c/xamiid ismaciil (ahmed jaraaye ).
Axmed waxaa uu ka mid ahaa ardaydii Dugsiga Cumar bin cabdicasiis ka bilaabay Dugsiga hoose ilaa sare, waxaana uu ka mid ahaa form 4kii (2018/2019).
Axmed waxaa uu ahaa arday ixtiraam iyo qadarin badan, allena ku manaystay xishood iyo af gaabni.
Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan dhamaan ardaydii uu la fasalka ahaa iyo guud ahaan asxaabtii.
23/07/2026
Si aad natiijadaada u hesho goor dhaw guji halkaan kadib raac tilmaamahaan
PECO | NATIIJADA IMTIXAANKA
Si aad u ogaato Natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad, fadlan qor rool Lambarkaaga oo ku bilow S Si aad u ogaato Natiijada Imtixaanka Fasalka 8aad, fadlan qor rool Lambarkaaga oo ku bilow P
22/07/2026
Shaacinta natiijada imtixaanka Fasalka 8aad ee sannad dugsiyeedka 2025-2026.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay la socodsiineysaa Guddoomiyeyaasha Waxbarashada heer gobol iyo heer degmo, maamuleyaasha dugsiyada Puntland, macallimiinta iyo waaliddiintaba in barri oo khamiis ah, taariikduna tahay 23-ka bisha Luuliyo 2026, la shaacin doono natiijada imtixaanaaka Fasalka 8aad.
Ardaydu waxa ay natiijadooda ka heli doonaan Mareegaha gaarka ah Imtixaanaadka Puntland ee www.Peco.moeplstate.so .
Guul ayaan idiin rajaynayaa dhamaan ardayda
www.peco.moeplstate.so
31/05/2026
Ogaysiis muhiim ah
---------------------------------
Maamulka Dugsiga Cumar Bin Cabdicasiis wuxuu dhammaan ardayda iyo waalidiinta sharafta leh ku ogaysiinayaa in si rasmi ah loo soo saaray natiijada Imtixaankii Finalka ee Sanad Dugsiyeedka 2025/2026.
Results.obazizschool.com
Raac talaabooyinkan soo socda.