Faculty of Engineering in East Africa University

Faculty of Engineering in East Africa University

Share

Page- kan wuxuu khusayaa cid walba oo dooneysa in ay hesho xog kusaabsan kuliyada engineering-ka JBA

Photos from Faculty of Engineering in East Africa University's post 27/04/2026

Ardayda Engineering gaar ahaan Civil Engineering Semester 6aad ayaa booqasho waxbarasho ku tagay warshadda π˜Όπ™¨π™₯𝙝𝙖𝙑𝙩 π™ˆπ™žπ™­ 𝙋𝙑𝙖𝙣𝙩, si ay si toos ah ugu arkaan una fahmaan habka loo sameeyo Daamurta.

Waxaa ardada kuso dhoweeyay warshada daamurka Eng Cabdikhaaliq Codey iyo Eng . Eng Mohamed Abaas ayaa si qoto dheer ardayda ugu sharaxay qaabka ay ushaqayso warshadda.

Intii ay booqashada socotay, ardaydu waxay barteen marxaladaha kala duwan ee wax soo saarka, laga bilaabo dhagaxa la jajabiyey, qalajinta iyo kululaynta aggregate-ka, isku-darka bitumen-ka, ilaa soo saarista daamur diyaar u ah dhismaha waddooyinka. Sidoo kale, ardaydu waxay arkeen sida hawsha warshadda loo xakameeyo loona maamulo iyadoo la adeegsanayo control panel-ka, kaas oo lagula socdo heerkulka, cabbirka walxaha la isku darayo, iyo shaqada qalabka kala duwan.

Booqashadani waxay ardayda siisay faham muuqda oo ku saabsan habka loo sameeyo daamurta, waxayna isku xirtay aqoontii fasalka iyo shaqada dhabta ah ee goobta.


Photos from East Africa University's post 21/12/2025
Want your school to be the top-listed School/college in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

EAU Road
Bosaso
39602