22/05/2024
Kulliyadda Culuumta Caafimaadka Jaamacadda Badda Cas waxa ay shahaadooyin guddoonsiisay arday dhammaysatay tababar ujeedkiisu ahaa in ardayda barata qaybta Caafimaadka Bulshada (Public Health) loo diyaariyo in ay noqdaan adeegayaal caafimaad (Community Health Workers).
Waxaa tababarkan bixiyay barayaasha kala ah Ustaad Cabdiqani Maxamed Cabdullaahi iyo Ustaad Maxamud Cabdullaahi Muuse
21/05/2024
Waxa adeeg dhammaystiran loo qabtay qaar kamid ah hooyooyinka uurka leh ee ku nool Kaamamka Barakacayaasha Degmada Boosaaso.
Adeeggaan oo isugu jira tababarro, wacyigelin iyo Kumbuyuutar saarid bilaash ah (Free Ultrasound Scans) ayaa ka mid ahaa barnaamijka "Hindisaha Caafimaadka iyo Ladnaanta" ee loo qabanayey barakacayaasha.
Madasha waxa kasoo qayb galay Guddoomiye-ku-xigeenka Degmada Boosaaso mudane Bashiir Faarax Siciid iyo qaar ka mid ah maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Badda Cas.
13/05/2024
May 12, 2024 oo ku beegan "Maalinta Caalamiga ah ee Kalkaalisooyinka", waxa ay Jaamacadda Badda Cas hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan Kalkaalisooyinka/ Kalkaaliyaasha adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Waxa aad haysaan shaqo adag oo qiimo weyn ugu fadhida bulshada.
Si lamid ah waxa aan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardaydeenna qaalliga ah ee barata Qaybta Kalkaalisannimada, sida ay mar walba ugu hagar-baxaan bulshadooda iyaga oo weli waxbarashada ku jira.
Hambalyo Maalinta Caalamiga ah ee Kalkaalisooyinka.
13/05/2024
Ardayda barata qaybta Kalkaalisannimada (Nursing) ee Jaamacadda Badda Cas ayaa agab caafimaad gaarsiiyey Xarunta Daawaynta Shubanbiyoodka (Cholera Treatment Centre) ee ku taal Kaamamka Barakacayaasha ee Bariga Boosaaso.
07/05/2024
Maanta oo ah Talaado; May 07, 2024, waxaa bilawday xulidda ka-faa'iidaystayaasha ugu nugul, uguna mudan in ay ka faa'iidaystaan "Hindisaha Caafimaadka iyo Ladnaanta" oo loo qabanayo barakacayaasha ku nool Degmada Boosaaso.
Hindisahan oo ay wada fulinayaan Jaamacadda Badda Cas iyo Dawladda Hoose ee Degmada Boosaaso ayaa si rasmi ah uga bilawday 13-ka kaam ee barakacaasha bariga Boosaaso.
Xulitaanka ka-faa'iidaystayaasha waxa iska kaashanaya guddoomiyaasha kaamamka barakacayaasha iyo ardayda barata qaybaha kala ah: Adeegga Bulshada (Social Work) iyo Kalkaalisannimada (Nursing) oo uu hormuud u yahay Ustaad Burhaan Maxamed Cali.
06/05/2024
Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Badda Cas ayaa daahfurtay 'OLOLAHA OGOW DHIIGGAAGA' (Blood Group Testing Campaign) oo ah olole sannadle ah oo ay qabataan ardayda sannadka 2-aad ee qaybta Culuumta Shaybaarka Caafimaadka.
Ololahan ayaa soconaya muddo lix (6) beri ah oo ka bilaabanaysa Axad, 05/May/2024 illaa Sabti, 11/May/2024.
Waxa daahfurkan kasoo qaybgalay Diiwaanhayaha Guud, Hormuudyada Kulliyadaha kala duwan iyo qaar kamid ah maamulka iyo macallimiinta Jaamacadda.
05/05/2024
Waxa ay Jaamacadda Badda Cas ugu hambalyaynaysaa ummulisooyinka adduunka oo ay ku jiraan ummulisooyinka Soomaaliyeed Maalinta Ummulisada Adduunka 05 May. Qiime weyn ayay adduunka ugu fadhiyaan naf-huristiinna, naxariistiinna, iyo badbaadintiinna hooyooyinka iyo dhallaanka uurka ku jira.
Waxa ay Jaamacaddu si gaar ah ugu hambalyaynaysaa ardayda dhigata Qaybta Ummulisannimada ee Kulliyadda Culuumta Caafimaadka.
Guulaysta.
05/05/2024
Congratulations to our Year Four students on successfully defending their thesis!
On behalf of the entire Faculty, we commend your hard work, dedication, and scholarly achievement.
Your contributions to academia are inspiring, and we look forward to witnessing your continued success in the future. Well done!
With love and best wishes.
27/06/2023
Ciid Mubarak dhammaan ummadda Muslimiinta ah.