07/12/2025
Ogaysiis Ogaysiis muhiim ah
Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan bahda waxbarashada jecel in ay qaadanayso Arday cusub jaamacada Asian University of Bangladesh faraceeda Somalia spring semester 2026
Open spring semester 2026
06/10/2025
Rako raaxo 5 Oct 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka karkaar degmada Rako Raaxo ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay waxgaradka deegaanka Rako ee degmada.
Waxaa xildhibaanada degmada ku soo dhaweeyey mas'uuliyiinta gobolka. Iyo kuwa degmada iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.
Intaa kadib, guddiga wuxuu kormeeray xarumaha dawladda sida maxkamada degmada, saldhiga Booliska, Cisbitaalka guud ee degmada, iskuulka hoose/dhexe iyo Sare ee degmada iyo xarunta xannaanada xoolaha waxayna dhammaan ka dhegaysteen mas'uuliyiihta warbixin ku saabsan caqabadaha iyo baahiyaha ka jira xarumahaas ay booqashada ku tageen.
Ugu dambayntii, xildhibaanada ayaa ballanqaaday in ay baahiyada ay ka ururiyaan degmada ay horgeynayaan Golaha is loogu gudbiyo hay'adaha ku shaqada leh.
Xildhibaanada ayaa kala hadlay mas'uuliyiinta degmada ka shaqeynta horumarinta adeegga iyo abaabulka bulshada is loogu horseedo iskutashi iyo in si wadajir ah wax loo wada qabsado.
DHAMMAAD –
Wixii faah-faahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland
Ibrahim Mohamud Yusuf
� [email protected]
� https://puntlandparliament.com
�: https://www.tiktok.com/
� Garowe, Puntland, Somalia