28/05/2026
𝐒𝐇𝐀𝐀𝐂𝐈𝐍 𝐈𝐌𝐓𝐈𝐗𝐀𝐀𝐍.
Waxaa lagu war gelinayaa dhamaan Ardayda /waalidiinta dugsiga in imtixaankii Finalka la fasaxay.
Fadlan Raac Tilmaamahan Si aad Natiijadaada u hesho
__________________
1.𝐊𝐮 𝐝𝐡𝐮𝐟𝐨 𝐋𝐢𝐧𝐤𝐢𝐠𝐚𝐧: https://daarulbirri.com/results
2.𝐑𝐨𝐥𝐥-𝐧𝐮𝐦𝐛𝐞𝐫 kaaga gali input-ka banaan.
3.Ka dib Ku dhufo 𝐒𝐡𝐨𝐰
Guul Wacan Insha Allaah.
07/05/2026
Waxaa xarunta dhexe ee Dugsiga lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, taasoo lagu abaalmariyay laamihii iyo ardaydii kaalmaha h**e ka galay tartamadii Maadiga iyo Qur’aanka Kariimka ee dugsiga.
Xafladda waxaa si weyn uga soo qayb galay Maamulka Dugsiga, Macallimiinta, Waalidiinta, iyo Mas’uuliyiin ka socday Dowladda, kuwaas oo dhammaantood muujiyay bogaadin, taageero iyo dhiirrigelin ay u hayaan dadaalka ardayda iyo laamaha dugsiga.
________________________________________
📖 Tartanka Qur’aanka Kariimka:
Waxaa sidoo kale abaalmarin la guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha h**e ka galay tartanka Qur’aanka Kariimka, tartankan oo u dhexeeyay dhamaan ardayda dhigata laamaha dugsigu uu ka koobanyahay.
➤ 30-ka Juz
• 🥇 Kaalinta 1aad
• 🥈 Kaalinta 2aad
• 🥉 Kaalinta 3aad
➤ 20-ka Juz
• 🥇 Kaalinta 1aad
• 🥈 Kaalinta 2aad
• 🥉 Kaalinta 3aad
➤ 10-ka Juz
• 🥇 Kaalinta 1aad
• 🥈 Kaalinta 2aad
• 🥉 Kaalinta 3aad
🧠 Tartan Aqooneedka Maadooyinka:
Waxaa si gaar ah loo abaalmariyay laamihii ugu sarreeyay tartankii aqoonta ee maadooyinka kala duwan lagu tartamay:
• 🥇 Kaalinta 1aad: Xarunta
• 🥈 Kaalinta 2aad: Laanta Rawda
• 🥉 Kaalinta 3aad: Laanta Faaduma
________________________________________
________________________________________
29/04/2026
Taariikh: 29/04/2026
Galabta Waxaa Xarunta Dugsiga H/Dhexe Daarul-Birri مدرسة دار البرّ lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu abaalmarinayay ardayda kaalmaha h**e ka galay imtixaanka billaha ee bisha March.
Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka dugsiga, macallimiinta, waalidiinta, iyo ardayda.
Munaasabadda waxaa laga jeediyay hadallo dhiirrigelin ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay waxbarashada.
Intii ay xafladdu socotay, waxaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha h**e ka galay fasallada kala duwan.
28/04/2026
📚✨ Tartan Aqooneedka Dugsiga Daarul Birri oo si rasmi ah u soo gabagaboobay! ✨📚
Waxaan si farxad leh u shaacinaynaa natiijada k**a dambaysta ah ee tartanka aqooneedka:
🏆 Guuleystaha: Xarunta 5C
🥈 Kaalinta labaad: Rawda 2A
👉 Dhibcaha:
Xarunta 5C: 13
Rawda 2A: 12
Hambalyo dhammaan ardayda ka qeyb gashay tartanka oo muujiyay dadaal, aqoon iyo tartan wanaagsan. Gaar ahaan waxaan u hambalyeynaynaa Xarunta 5C oo ku guuleysatay tartanka! 👏🎉
Sidoo kale, mahad gaar ah ayaan u direynaa macallimiinta, maamulka iyo dhammaan ka qeybgalayaasha ka shaqeeyay qabsoomidda tartankan.
🎓 Aqoontu waa furaha guusha — sii wad dadaalka!
23/04/2026
|| Xafladda Abaalmarinta iyo Shahaado Siinta Ardayda Dhamaysatay Qur’aanka Kariimka ah
Waxaa si heer sare ah loo qabtay xaflad lagu maamuusay ardayda ku guulaysatay dhamaystirka Qur’aanka Kariimka ah ee Dugsiga Hoose Dhexe Daarul Birri.
Xafladdan oo ahayd mid qiimo weyn leh ayaa lagu dhiirrigelinayey ardayda, laguna muujinayey dadaalkooda iyo guusha ay gaareen. Waxaa sidoo kale lagu guddoonsiiyey shahaadooyin iyo abaalmarino si kor loogu qaado hammigooda waxbarasho iyo diimeed.
Alle ha ka dhigo kuwo diinta anfaca, dalkana anfaca 🤲
22/04/2026
FINALKA TARTANKA AQOONEEDKA LAAMAHA DUGSIGA 🏆
Waxaa foodda is dari doona labada fasal 5C iyo 2A iyagoo kala matalaya Xarunta iyo Laanta Rawda.
📘 Xarunta 5C 🆚 Rawda 2A
📅 Sabti, 25-04-2026
📍 Goobta: Xarunta Dugsiga Daarul Birri
21/04/2026
Natiijada Tartan aqooneedka laamaha Dugsiga H/Dhexe Daarul-Birri مدرسة دار البرّ
20/04/2026
Jadwalka Imtixaanka Teeramka 2aad