13/09/2025
Arday ayaa dhabarka Saaxibkiisa ku dhajiyay warqad ku qoran:
"Anigu waxaan ahay dogon" isagoo ardayda kale u sheegay in aan la ogeysiin.
Sidaas darteed fasalka intiisa kale way qoslayeen mar walba, asaguna ma ogeyn sababta.
Markii la gaaray Xisada xisaabta macallinku wuxuu qoray su'aal adag.
Mid kaliya ayaa istaagay si uu uga jawaabo wuxuu ahaa ardaygii dhabarka loogu dhajiyay warqadda, inkastoo ardayda kale si hoose u qoslayeen.
Isaga oo jawaabta bixinaya ayuu macallinku arkay warqadda dhabarkiisa ku qoran "Anigu waxaan ahay dogon" balse ardayga ayaa dhammeeyay xalka su'aasha, taasoo u baahneyd caqli iyo garaad.
Macallinku wuxuu ardayda kale ku amray inay u sacbiyaan, wuxuuna warqaddii ka qaaday dhabarkiisa, isagoo ku yiri: "Waxey ila tahay inaadan ogeyn warqaddan iyo waxa ku qoran, waxaana kugu dhajiyay mid ka mid ah asxaabtaada, halka inta kalena ay aamuseen."
Kadib ayuu ardayda kale ku jeestay wuxuuna ku yiri: "Ka hor inta aanan ciqaabin qofka falkaas sameeyay, waxaan idiin sheegayaa laba arrimood:
1. Inta aad nooshahay, dadka waxay dhabarkaaga ku dhejin doonaan warqado badan oo erayo kala duwan ku qoran, ujeeddadooduna waxay tahay inay idin celiyaan marka aad rabtaan horumar.
Haddii uu ardaygani ogaan lahaa warqadda, maba istaagi lahayn si uu uga jawaabo. Haddaba waxa la idinka rabaa inaad iska indha tirtaan oo aad h**e u socotaan markasta oo noloshu idin siiso fursad.
2. Waxaa muuqata in ardaygani aanu lahayn saaxiib dhab ah oo ka saara warqadda dhabarkiisa, kuna wargeliya xaqiiqada.
Waxaa muhiim ah in aadan yeelan saaxiibo badan oo keliya, balse aad yeelato hal qof oo aad ku kalsoonaan karto, qof kaa dajiya warqaddaas aan gacantaadu gaari karin markasta oo lagugu dhajiyo."