Haji Hadliye schools

Haji Hadliye  schools Halka Ay ka bilaabanto Waxbarashada Tayadda lihi.

๐Ÿ“– Qorshe Yar, Iyo Natiijo Weyn.Haddii aad maalin kasta xifdiso hal bog oo Qurโ€™aanka Kariimka ah, waxaad Qurโ€™aanka oo dha...
24/09/2026

๐Ÿ“– Qorshe Yar, Iyo Natiijo Weyn.
Haddii aad maalin kasta xifdiso hal bog oo Qurโ€™aanka Kariimka ah, waxaad Qurโ€™aanka oo dhan ku xifdin kartaa qiyaastii 604 maalmood, oo u dhiganta ku dhowaad hal sano iyo siddeed bilood, iyadoo la ilaalinayo murajaacada iyo adkaynta xifdiga.
Haddii aad maalin kasta nus saac ku bixiso barashada luqad, waxay sannadkii noqonaysaa qiyaastii 182 saacadood iyo bar. Waa waqti is-biirsada oo keeni kara horumar muuqda, iyadoo ay ku xiran tahay manhajka, ku-celcelinta iyo joogteynta.
Haddii aad toddobaad kasta akhrido hal buug, waxaad sannadkii akhrin kartaa 52 buug.
Wax yar oo hal maalin ah u muuqda, wuxuu noqon karaa wax weyn marka uu maalinba maalinta ka dambaysa soo noqnoqdo.
Guushu mar walba kuma xidhna wax badan oo hal mar la qabto, balse waxay ku jirtaa awoodda lagu sii wado dadaalka xitaa marka natiijadu si degdeg ah u muuqan weydo.
Midho kasta oo weyn waxay ka bilaabataa tallaabo yar, caado kasta oo adagna waxaa lagu dhisaa sabir iyo joogteyn.

Dr. Cabdul Kariim Bakkar

28/08/2026

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ง

Maamulka, Macallimiinta, iyo Dhammaan Shaqaalaha Haji hadliye schools, waxay hambalyo iyo bogaadin lawadaagayaan dhammaan Ardayda sharafta leh Ee ๐——๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ D๐—ต๐—ฒ๐˜…๐—ฒ iyo Sare guusha weyn ee ay ka soo hoyeen imtixaanka Qaranka sannad dugsiyeedka 2025-2026.

Haji Hadliye  schools Hambalyo iyo Bogaadin ๐ŸŽ“๐Ÿ†Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda Dugsiga Haji Hadl...
26/08/2026

Haji Hadliye schools
Hambalyo iyo Bogaadin ๐ŸŽ“๐Ÿ†
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda Dugsiga Haji Hadliye ee guusha iyo natiijada sare kasoo hoysay Imtixaanaadkii Qaranka, gaar ahaan ardayda Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe iyo Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare.
Guushani waa mid ka dhalatay dadaalkiinna, dulqaadkiinna, dadaalka macallimiinta iyo garab istaagga waalidiinta.
Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynaynaa ardayda kaalmaha sare ka gashay imtixaanka. ๐Ÿ‘๐ŸŽ‰
Hambalyo ardayda! Hambalyo waalidiinta! Hambalyo macallimiinta! Hambalyo Dugsiga Haji Hadliye!
๐ŸŒŸ Guushani waa bilowga guulo ka waaweyn.
mustaqbal ifaya ayaad leedihiin! ๐ŸŒŸ

OGAYSIIS! OGAYSIIS!DUGSIGA HAJI HADLIYEDugsiga Haji Hadliye wuxuu ogaysiinayaa dhammaan ardayda iyo waalidiinta in berri...
24/08/2026

OGAYSIIS! OGAYSIIS!
DUGSIGA HAJI HADLIYE
Dugsiga Haji Hadliye wuxuu ogaysiinayaa dhammaan ardayda iyo waalidiinta in berri oo ay taariikhdu tahay 25-08-2026, kuna beegan maalinta Salaasada, 12. Rabiicul Awal. 1448
uu dugsigu fasax yahay labada gelinba.
Fasaxan wuxuu ku saabsan yahay xuska dhalashada Nebi Muxammad (NNKH).
Waxaan dhammaan ardayda iyo waalidiinta uga mahadcelinaynaa wada shaqayntooda

Maamulka Dugsiga Haji Hadliye

Hambalyo iyo dhiirigalin ๐ŸŽ‰๐Ÿ“šHaji Hadliye  schools waxa uu qabtey xafladda Abaalmarinta Ardeyda kaalmaha h**e ka gashay im...
21/08/2026

Hambalyo iyo dhiirigalin ๐ŸŽ‰๐Ÿ“š
Haji Hadliye schools
waxa uu qabtey xafladda Abaalmarinta
Ardeyda kaalmaha h**e ka gashay imtixanaadkii Kalka 2aad Ee Sanad dugsiyeedka 2025-2026

Maamulka, macalimiinta iyo waalidiinta:
Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa dhammaan ardayda dadaalka badan ee ku guuleystay kaalmaha h**e.
Guushiinnu ma ahayn nasiib oo keliya, balse waxay ka dhalatay dadaal, dulqaad, joogteyn iyo dhabar adayg waxbarasho.
Waxaad maanta gaadheen meel wanaagsan, laakiin tani ma aha dhammaadka; waa bilowga guulo ka waaweyn. Sii wada dadaalka, aqoonta raadiya, waqtigiinna ilaaliya, macallimiintiinna ixtiraama, hana ka baqin caqabadaha.

โ€œQofkii dadaala, wuu gaaraa; qofkii sabraana, wuu guuleystaa.โ€
Waxaan idinku dhiirrigelinaynaa inaad noqotaan tusaale wanaagsan oo ay ardayda kale ku daydaan. Guushiinnu ha noqoto dhiirrigelinta jiilka soo socda.
Hambalyo mar kale, ardaydeena qaaliga ah! ๐ŸŒŸ
Mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn ayaan idiin rajaynaynaa.

Arbaca
19-08-2026

25/07/2026
16/06/2026

Waa muuqaal soo koobaya, Xafladda soo xidhidda sanad dugsiyeedka 2025_2026 iyo guddoonsiinta guuleystayaashii tartannadii kala duwanaa

Xafladda soo xidhidda sanad dugsiyeedka 2025_2026 iyo guddoonsiinta guuleystayaashii tartannadii kala duwanaa Waxay maam...
11/06/2026

Xafladda soo xidhidda sanad dugsiyeedka 2025_2026 iyo guddoonsiinta guuleystayaashii tartannadii kala duwanaa

Waxay maamulka iyo macaliinta Dugsiga Xaaji hadliye u hambalyaynayaaan dhamaan guulaystayaashii tartannadi kala gedisnaa ee kadhacay Dugsiga, kuwaas oo kala ahaa:
1. Tartanka Quran ka
2. Tartanki waxbarashada
3. Tartankii kubadda cagta

Address

Bile Street
Borama

Telephone

+252634509063

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Haji Hadliye schools posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Haji Hadliye schools:

Shortcuts

Share

Category