Arkaanta Salaada
salada waxey ka koobantahay 14 Tiir
hadii aan si kooban u sheegno:
1=Niyada
2=Istaaga
3=Takbiirta(Allahu Akbar)
4=Faataxada
5=Rukuucda
6=Kasoo labashada Rukuucda
7=Sujuuda
8=Fadhiga u dhaxeya labada sujuudood
9=Ataxayaada danbe
10=fadhiga ataxyaadka danbe
11=In nabiga lagu saliyo ataxyadka dhexdiisa
12=Tartiibka oo la ilaaliyo
13=Xasilooni oo lagu tukado tiir walba
14=Salama naqsiga midigta
Hadaan si faahfahsan uga hadalno 14 Tiir ee salaada:
1=NIYADA ,Markaad doonto tukashada salaada waajibka ah ama sunnada mida ah soo xaadiri qalbigaaga oo haka fikirin wax kale oo ku kaafin Meyso adigoo qalbigaagu meel kale Jiri inad xerato salaada,
2= ISTAAGA, Waa inaad istaag ku tuktaa salaada wajibka ah Hadaad awoodi weyso ku tuko fadhi Hadaad awoodi weyso ku tuko jiif dhinaca midig Hadaad awoodi weyso qoor qoor ayaa lagu dhigaya waadna tukaneesa. Salaada kaa dhici Meyso intuu qalbigaaga suganyahay ee aad fayowdahay. Ogow, salaada sunada wa lagu tukan kara fadhi adigoo caafimaad qaba balse waxaa fadlibadan in istaag lagu tukado.
3=TAKBIIRTA, Niyada ka dib waa inaad tiraahda ALLAHU AKBAR, Waxaa suno ah in gacmaha garbara lala simo oo kor loo qaado Waxa wajib ah in la isla xiriiriyo niyada iyo takbiirta, oo aad dhahdaa ALLAAHU AKBAR
4=FAATIXADA, Waxaa sunno ah in uu akhriyo qofka salaada xeranaayo ducadaan faataxada ka hor '' Wajahtu wajhiya lil-ladii fadara samaawaati wal ardi xaniifan musliman wa maa kaana minal Mushrikiin inna salaati wanusukii wa maxyaaya wa mamaatii lil-lahi rabill caalamiin laa shariika lahuu wa bidaalika umirto wa ana minal muslimiin '' oo macnaheedu yahay
'' waxaan u jaheeyay wajigeyga allihi uumay samooyinka iyo dhulka anoo hogaansan o muslim ah, k**ana mid ihi mushrikiinta, salaadeyda camalkeyga nolasheyda iyo dhimashadeeda alle ayey u sugnaden makhluuqa rabigooda ah . Mana jiraan wax la wadaagsada sidaas ayaana la ifaray waxaan ka mid ahay muslimiinta ''
Ka dib aqri tacawadka ,acuudu billaahi mina sheydaani rajiim, Alle Ayaan ka magan galaya sheydaanka la dhereeyay laga dheereeyay naxariista alle ka dib waxad aqrisaa faataxada ama alxamdu saad u taqaanid kolba adiga, intaas ka dib qofka imaanka ama kaliga ah waa inuu akhriyaa suurad kooban, Waana sunno fiican inuu aqriyo suurad quraan ah oo ka danbeesa faataxada kuna aqriya labada rakadood ee horeesa salaad kasta.
5=RUKUUCDA, Waa rukuucayaa adigoo takbiirsanaayo oo gacmaha kor
u qaadaya waana ku xasileysa waxuuna aqrinaya ducadaan '' Subxaana rabiyall cadiimi wabixamdihi '' dheh sadex jeer Rukuuc walba ducadaas aan soo sheegnay
6=KOR U NOQOSHO,
Kor ayaad ugu istaageysaa rukuuca waadna ku xasileysa waxaana suna ah in aad gacmaha kor u qaado waxaadna aqrineesa ducadaan '' samicallahu Liman xamidah, rabbanaa walakal xamdu xamdan kathiiran dayiban mubaarakan Fiih, mil as-samaawaati wa mil al ardi wa maa beynahuma wa mil amaashi'ta min shey,in Bacaduh ''
7=SUJUUDA, Sujuuda waa laba jeer rakacad walba waana lagu xasilaya waxaadna ka sujuudeesa labada lugood farahooda
labada jilbood labada calaacalood wajiga iyo sanka waxaadna aqrineesa ducadan''SUBXANA RABIYAL ACLAA WA BIXAMDIHI '' Seddex jeer aqri ducadaas sujaad walba
8=FADHIGA LABADA SUJUUDOOD U DHAXEEYA, Waxaa sunno ah inad ku fariisato lugta bidixeed waxaana wajib ah inad ku xasisho waxaadna aqrineesa ducadaan '' Rabigh firlii warxamnii wajburnii warfacni warzuqni wahdini wacaafini wacfucanii, dheh intaas
9=ATAXAYAADKA DANBE, waxaad aqrineysaa ataxiyaadka adigoo oranaya
'' Attaxiyaatu lillaahi assalawaatu addayibaatu assalaamu calayka ayyuhanabiyo waraxmatullahi wabarakaatuh asalaamu calaynaa wacala cibaadillaahi saalixiin ash-hadu an laa ilaaha illa laahu wa ash-hadu anna muxamadan rasuullu-laahi''
10=IN ATAXYAADKA LOO FADHIISTO.
11=SALIGA NABIGA SCW ATAXYADKA DHEXDIISA, saliga nabiga SCW waa waajib waxuuna ka mid yahay arkaanta salaada hadaad ka tagtaana salaadaada waa mid burtay sii raaci Ataxayaadka ducadadan adigoo aqrinaayo salliga dheh
''allaahuma salli calaa muxamadin wacalaa aali muxamadin k**a saleyta cala ibraahiim wacala aali ibrahim fil calamiina inaka xamiidun majiid ' allaahuma barrik cala muxamadin wacalaa aali muxamadin k**aa barakta calaa Ibrahim wacala aali Ibrahim fil calamiina inaka xamiidun ma jiid
12=ISKU XIGXIGIDA( tartiibka) saladu waxay ku bilabanta takbiir(Allahu Akbar), waxayna ku dhamaata (Asallamacalaykum)
Tartiibtu waa in la isku xijiyaa arkaanta sidii aan u soo sheegay oo aan la kala hor marin haddii aad si ula kac ah u kala hormariso tusaalo ahaan suujuda Haddad gasho adoon rukuucin waa bureysaa salaadaas.
13= XASILIDA, waxa iyaduna tiir ah inaad salada ku xasisho tiir kasta
14= SALAMANAQSIGA DHANKA MIDIG,
si aad ugu baxdo salaada markaad soo dhameesay arkaantii oo idil Waa inaad tiraahdaa asalaamu caleykum waraxmatulaah.
intaas Waxaa inoogu dhamaaday arkaantii salaadda.
Mahamed abdulaahi sh.osmaan
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mahamed abdulaahi sh.osmaan, Boorama, Borama.
Want your school to be the top-listed School/college in Borama?
Click here to claim your Sponsored Listing.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Website
Address
Boorama
Borama
BOORAMA
Borama
BOORAMA