Aayaha Primary and intermediate school

Call Contact the school

Aayaha Primary and intermediate school Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Aayaha Primary and intermediate school, New bosaso, Boosaaso.

01/09/2026

πŸ“š ISKUULKA AAYAHA

πŸŽ“ Sanad-Dugsiyeedka 2026–2027 si rasmi ah ayuu maanta u furmay Aayaha Primary and intermediate school

Alle ha inooga dhigo sanad barako, aqoon iyo guul ku dhammaada. 🀲

Waalidiin: Ilmaha waxbarashada ku dadaala, waayo aqoontu waa hantida aan lumin.

🌟 Xikmad: β€œMaanta wax baro, berri mustaqbal dhiso.”

30/08/2026

πŸ“’ OGEYSIIS β€’ OGEYSIIS β€’ OGEYSIIS

🏫 DUGSIGA HOOSE DHEXE EE AAYAHA – BOOSAASO

Maamulka Dugsiga Hoose Dhexe ee Aayaha wuxuu ogaysiinayaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bulshada ku nool magaalada Boosaaso iyo nawaaxigeeda in Dugsiga Aayaha dib loo furi doono maalinta Talaadada, 01/09/2026, iyadoo la bilaabayo sanad-dugsiyeedka cusub.

Dugsiga Hoose Dhexe ee Aayaha wuxuu ku suntan yahay waxbarasho tayo leh, aqoon, akhlaaq wanaagsan, anshax iyo dadaal joogto ah. Dadaalkaas iyo tayada waxbarasho ee dugsigu waxay horseedeen in ardayda Aayaha ay sannadihii u dambeeyay ka galeen kaalimo sare Imtixaannada Shahaadiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

πŸ† GUULAHA DUGSIGA AAYAHA

Waxaa farxad iyo sharaf weyn noo ah in saddexdii sano ee la soo dhaafay Dugsiga Hoose Dhexe ee Aayaha uu ka galay kaalimo sare imtixaannada ay qaaddo Wasaaradda Waxbarashada:

πŸ”Ή 2023–2024 – Kaalimo sare
πŸ”Ή 2024–2025 – Kaalimo sare
πŸ”Ή 2025–2026 – Kaalimo sare

Guulahaas waxay ka tarjumayaan dadaalka macallimiinta, maamulka, ardayda iyo taageerada waalidiinta, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeeya horumarinta waxbarashada, aqoonta iyo akhlaaqda ardayda.

πŸŽ“ MAXAA AAYAHA KUGU DIYAARIYEY?

βœ… Macallimiin aqoon, karti iyo khibrad leh.
βœ… Goob waxbarasho oo ku habboon ardayda.
βœ… Nidaam waxbarasho oo tayo leh.
βœ… Daryeel, anshax iyo la socod joogto ah.
βœ… Kobcinta aqoonta iyo akhlaaqda ardayda.
βœ… Jawiga waxbarasho ee dhiirrigeliya guusha iyo horumarka ardayga.

Maamulka Dugsiga Hoose Dhexe ee Aayaha wuxuu si gacmo furan ugu soo dhoweynayaa dhammaan waalidiinta iyo ardayda cusub, gaar ahaan ardayda doonaysa inay qayb ka noqdaan bahda Aayaha.

🌟 AAYAHA – AQOON, AKHLAAQ & MUSTAQBAL

πŸ“… Furitaanka Dugsiga: 01/09/2026

πŸ“ Goobta Dugsiga:
Gadaasha Isbitaalka Kaafi, Boosaaso.

πŸ“ž NALA SOO XIRIIR:
0907694714 / 0906715806 / 0907846657

Hanbalyo hanbalyo hanbalyoUstaad Jaamac maxamed caliOo barre muddo dheer ka soo shaqeeyey iskuulka Aayaha kana tirsnaa b...
29/07/2026

Hanbalyo hanbalyo hanbalyo

Ustaad Jaamac maxamed cali
Oo barre muddo dheer ka soo shaqeeyey iskuulka Aayaha kana tirsnaa bahda maamulka iskuulka ,Ayaa loo doortay maamulaha iskuulka Sare/Dh ee shkh dahir cagaaran.

Ustaadka waxaa halkaan hanbalyo iyo bogaadi uga diraya dhamman bahda Aayaha oo ay ugu h**eeyan Maamulka, macaliminta ,waalidka iyo ardayda iskuulka

Maamule sharaf iyo karaamo ayeey nootahy hadii aanahay bahda Aayaha iskuul in aad heerkaas gaarto kuna gaarto wanaaga iyo aqoonta aan kugu naqaanay

Masuulada aad qaaday allaha kuu fududeeyo waxaan alle ka bar yeynaa dhamman tayo in aad asturnaan iyo.wanaag hoshaas ku haysid

sanadkii 3aad oo xariir ah ayuu iskuulka Aayaha Primary and intermediate school kasoo muuqday  kaalmaha h**e ee wasaarad...
27/07/2026

sanadkii 3aad oo xariir ah ayuu iskuulka
Aayaha Primary and intermediate school
kasoo muuqday kaalmaha h**e ee wasaaradu soo dhajisay

mahadaas waxaa iskale allah
marka xigta maamulka,macaliminta,waaludka iyo ardayda oo isku kuuban ayaa gaaray guushaas

mahadsanidin dhammantiin jqalayal

🌸  MAHADNAQ IYO DUCO  🌸Maamulka iskuulka wuxuu mahad iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Macallimiinta, Waalidiinta iyo Arda...
17/05/2026

🌸 MAHADNAQ IYO DUCO 🌸

Maamulka iskuulka wuxuu mahad iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Macallimiinta, Waalidiinta iyo Ardayda qaaliga ah ee si hagar la’aan ah uga qeyb qaatay horumarka iyo guusha sanad dugsiyeedkan.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa:
πŸ“š Macallimiinta oo dadaal iyo dulqaad badan geliyey waxbaridda ardayda
πŸ‘¨β€πŸ‘©β€πŸ‘§β€πŸ‘¦ Waalidiinta oo garab istaag iyo wada shaqeyn wanaagsan muujiyey
πŸŽ“ Ardayda oo muujiyey dadaal, akhlaaq iyo adkaysi waxbarasho

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa:
🀲 Inuu cilmiga ardayda anfaco
🀲 Inuu dadaalka macallimiinta iyo waalidiinta ajar ka siiyo
🀲 Inuu dhammaanteen nagu gaarsiiyo caafimaad, barwaaqo iyo guulo waaweyn

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda iyo waalidiinta in iskuulku galay fasaxii sanad dugsiyeedka 2025–2026.

F.G:
Fasalka 8aad fasax ma galayaan, waxaana u sii soconaya xiisadaha iyo diyaarinta imtixaanka k**a dambaysta ah.

✨ Hambalyo sanad dugsiyeedkii oo si guul leh ku soo dhammaaday ✨

Mahadsanidiin
Maamulka Iskuulka

Hambalyo hambalyo πŸ‘πŸŽ‰Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardayda fasalka 4aad ee ku guulaystay koobkii tartanka fasal...
01/05/2026

Hambalyo hambalyo πŸ‘πŸŽ‰

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardayda fasalka 4aad ee ku guulaystay koobkii tartanka fasallada iskuulka sanadkan, kadib ciyaar final ah oo dhexmartay fasalka 4aad iyo fasalka 6aad. πŸ†

Fasalka 4aad waxay muujiyeen dadaal, karti iyo iskaashi wanaagsan, iyagoo sanadkii labaad oo xiriir ah qaaday koobka tartanka fasallada iskuulka. πŸ‘

Sidoo kale hambalyo ayaan u diraynaa fasalka 6aad oo soo gaaray finalka kana qayb qaatay tartan qurux badan.

Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda horumar, guul iyo dadaal joogto ah. 🌹

Tartan xiiso badanleh Tartan lasugaa yey muddo Fasalka 6aad iyo fasalka 4aad oo galabtay  dhacayaFasalka afraad koobkqy ...
29/04/2026

Tartan xiiso badanleh

Tartan lasugaa yey muddo Fasalka 6aad
iyo fasalka 4aad oo galabtay dhacaya

Fasalka afraad koobkqy dufaacanayan oo sanadkii horay 8aad ka qaadeen sanadkaan waa mintidayaan

Guulaysta dhamantiin

Asc dhammaan bahda waxbarashada, waalidiinta, macallimiinta iyo martida sharafta leh.Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dira...
22/04/2026

Asc dhammaan bahda waxbarashada, waalidiinta, macallimiinta iyo martida sharafta leh.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardayda fasalka 8aad ee Iskuulka Aayaha, dufcaddii 6aad oo maanta loo qabtay xafladdooda qalin-jabinta. Waa guul iyo horumar aad u weyn oo aad gaartaan, waxaana idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo heerar sare oo waxbarasho.

Alle ha idiin barakeeyo cilmigiinna, hana idiin fududeeyo jidka aad u socotaan. Ilaahay ha idinka yeelo kuwo dalkooda iyo dadkooda anfaca, kana miro-dhala dadaalkiinna. Aamiin.

Sidoo kale, waxaan mahad iyo bogaadin u diraynaa dhammaan dadkii ka soo qayb galay xafladda, waalidiinta, macallimiinta, maamulka iyo martida kale. Ka soo qayb-galkiinnu wuxuu muujinayaa qiimaha aad siiseen waxbarashada iyo dhiirrigelinta ardayda.

Mahadsanidiin dhammaantiin.

Xafladii fasalka 8aad waxaa ka garay wax ka yar 18 hr insha allaha barraare iyo cafimad qab baan ra jeeynaynaah
21/04/2026

Xafladii fasalka 8aad waxaa ka garay wax ka yar 18 hr insha allaha barraare iyo cafimad qab baan ra jeeynaynaah

Sharfanaada macalimin
07/12/2025

Sharfanaada macalimin

Address

New Bosaso
Boosaaso

Telephone

+252906715806

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Aayaha Primary and intermediate school posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Aayaha Primary and intermediate school:

Shortcuts

Share