17/05/2026
๐ธ MAHADNAQ IYO DUCO ๐ธ
Maamulka iskuulka wuxuu mahad iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Macallimiinta, Waalidiinta iyo Ardayda qaaliga ah ee si hagar laโaan ah uga qeyb qaatay horumarka iyo guusha sanad dugsiyeedkan.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa:
๐ Macallimiinta oo dadaal iyo dulqaad badan geliyey waxbaridda ardayda
๐จโ๐ฉโ๐งโ๐ฆ Waalidiinta oo garab istaag iyo wada shaqeyn wanaagsan muujiyey
๐ Ardayda oo muujiyey dadaal, akhlaaq iyo adkaysi waxbarasho
Waxaan Alle SWT uga baryeynaa:
๐คฒ Inuu cilmiga ardayda anfaco
๐คฒ Inuu dadaalka macallimiinta iyo waalidiinta ajar ka siiyo
๐คฒ Inuu dhammaanteen nagu gaarsiiyo caafimaad, barwaaqo iyo guulo waaweyn
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda iyo waalidiinta in iskuulku galay fasaxii sanad dugsiyeedka 2025โ2026.
F.G:
Fasalka 8aad fasax ma galayaan, waxaana u sii soconaya xiisadaha iyo diyaarinta imtixaanka k**a dambaysta ah.
โจ Hambalyo sanad dugsiyeedkii oo si guul leh ku soo dhammaaday โจ
Mahadsanidiin
Maamulka Iskuulka
01/05/2026
Hambalyo hambalyo ๐๐
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardayda fasalka 4aad ee ku guulaystay koobkii tartanka fasallada iskuulka sanadkan, kadib ciyaar final ah oo dhexmartay fasalka 4aad iyo fasalka 6aad. ๐
Fasalka 4aad waxay muujiyeen dadaal, karti iyo iskaashi wanaagsan, iyagoo sanadkii labaad oo xiriir ah qaaday koobka tartanka fasallada iskuulka. ๐
Sidoo kale hambalyo ayaan u diraynaa fasalka 6aad oo soo gaaray finalka kana qayb qaatay tartan qurux badan.
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda horumar, guul iyo dadaal joogto ah. ๐น
29/04/2026
Tartan xiiso badanleh
Tartan lasugaa yey muddo Fasalka 6aad
iyo fasalka 4aad oo galabtay dhacaya
Fasalka afraad koobkqy dufaacanayan oo sanadkii horay 8aad ka qaadeen sanadkaan waa mintidayaan
Guulaysta dhamantiin
22/04/2026
Asc dhammaan bahda waxbarashada, waalidiinta, macallimiinta iyo martida sharafta leh.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardayda fasalka 8aad ee Iskuulka Aayaha, dufcaddii 6aad oo maanta loo qabtay xafladdooda qalin-jabinta. Waa guul iyo horumar aad u weyn oo aad gaartaan, waxaana idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo heerar sare oo waxbarasho.
Alle ha idiin barakeeyo cilmigiinna, hana idiin fududeeyo jidka aad u socotaan. Ilaahay ha idinka yeelo kuwo dalkooda iyo dadkooda anfaca, kana miro-dhala dadaalkiinna. Aamiin.
Sidoo kale, waxaan mahad iyo bogaadin u diraynaa dhammaan dadkii ka soo qayb galay xafladda, waalidiinta, macallimiinta, maamulka iyo martida kale. Ka soo qayb-galkiinnu wuxuu muujinayaa qiimaha aad siiseen waxbarashada iyo dhiirrigelinta ardayda.
Mahadsanidiin dhammaantiin.
21/04/2026
Xafladii fasalka 8aad waxaa ka garay wax ka yar 18 hr insha allaha barraare iyo cafimad qab baan ra jeeynaynaah
27/11/2025
ููููููู ููุฅููููุง ุฅููููููู ุฑูุงุฌูุนูููู
Bahda Aayaha Primary and intermediate school oo idil, maamulka ,macalimiinta iyo waalidkuba waxay si aad ah ugu tacsiyey nayaan geerida Walaalkeen Abdiwali Moha Dooy , oo ka mid ahaa ardaydii aan soo barbaarin jirnay ee bahda Aayaha, isagoo sanadkii 2019-kii ka mid ahaa ardayda dhigan jirtay Iskuulka Aayaha, islamarkaana ahaa darawal ka shaqayn jiray gaadiidka waaweyn ee dalka Zambia muddooyinkii danbe.
Waxaan Alle uga baryaynaynaa inuu u naxariisto, dambigiisa dhaafo, kuna manaysto naxariistiisa Janno Firdowz.
Ehelka, qaraabada iyo guud ahaan bulshada Aayaha waxaan la wadaageynaa tacsi tiiraanyo leh, annagoo leenahay:
Samir iyo iimaan ha idinka siiyo, Allah ha idiin fududeeyo murugada iyo xanuunka.
23/11/2025
Xuska Maalinta Macalinka Soomaaliyeed
21 November
Shalay waxa noo suurto gashay in si sharaf leh loo xuso Maalinta Macalinka Soomaaliyeed, maalinta loogu dabaal-dego shaqada iyo kaalinta aan la qiyaasi karin ee macalinka uu ku leeyahay bulshada.
Bahda Iskuulka Aayaha โ Maamulka, Macalimiinta, Ardayda iyo Waalidiinta โ waxay si kal iyo laab ah u gudbinayaan hambalyo, bogaadin iyo mahadnaq ku socda macalimiinta Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kuwa bareya ubadka Iskuulka Aayaha.
Waxaan leenahay:
โMacalinku waa lafdhabarta horumarka, waa iftiinka u horseeda jiilka berri, waa qofka qalbiga bulshada ka dhisa aqoon, anshax iyo aragti fog.โ
Macalimiinta sharafta leh ee Aayaha, dadaalkiinna, dulqaadkiinna iyo hagiddiinna hagar-laโaanta ah mar walba waanu qadarinaynaa.
Hambalyo Maalinta Macalinka Soomaaliyeed!
02/11/2025
OGAYSIIS! OGAYSIIS! OGAYSIIS!
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo maamulka Dugsiga Aayaha in bari oo ah Isniin, taariikhduna tahay 3-da Nofeembar 2025, uu dugsigu fasax yahay.
Arrintan waxay timid kadib markii Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ay iclaamisay in maalinta Isniinta 3-da Nofeembar loo asteeyay roob-doon guud, si Ilaahay loogu baryo roob iyo barwaaqo.
Haddaba, waalidiinta iyo ardayda waxaa lagu wargelinayaa in bari dugsigu aanu shaqayn doonin, fasaxna yahay, si looga qayb qaato roob-doonka.
Maamulka Dugsiga Aayaha
Boosaaso
Taariikh: 2-da Nofeembar 2025