Hawo-Tako PSS Beledweyne

Call Contact the school

Hawo-Tako PSS  Beledweyne Xaawo-taako, Dugsiga hormuudka u ah waxbarashada bilaashka ah 📚
Tayo iyo hufnaan lagu barto. Lehna Hoose, Dhexe & Sare.

Nasoo raac si aad ula socoto natiijooyinka & guulaha ardayda 🎓

Jimco wanaagsan.
11/09/2026

Jimco wanaagsan.

MOWLIID WANAAGSAN ﷺDhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, waxaan idinku hambalyeynaynaa Mowliidka Nabigeenna Mux...
25/08/2026

MOWLIID WANAAGSAN ﷺ

Dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, waxaan idinku hambalyeynaynaa Mowliidka Nabigeenna Muxammad ﷺ.

Aan ku weyneyno maalintan jacaylka Nabigeenna ﷺ, saliga iyo salaantana aan badinno, Sunnadiisana aan ku dadaalno.

Ilaahay ha inaga yeelo kuwa si dhab ah u jecel Nabiga ﷺ, raaca Sunnadiisa, kuna dayda akhlaaqdiisa wanaagsan.

Mowliid Wanaagsan dhammaantiin!

📢 WAR-GELIN MUHIIM AHMaamulka dugsiga Xaawotaako waxa uu ku wargalinaaya dhammaan waalidiinta, ardayda iyo macallimiinta...
24/08/2026

📢 WAR-GELIN MUHIIM AH

Maamulka dugsiga Xaawotaako waxa uu ku wargalinaaya dhammaan waalidiinta, ardayda iyo macallimiinta in dib-u-bilaabashada waxbarashada sanad-dugsiyeedka cusub ay tahay maalinka Sabtida oo ku beegan 29-08-2026.

Waxaan dhammaan ardayda ku wargelinaynaa inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan bilowga waxbarashada, ayna waqtigaas ku soo xaadiraan dugsiga.

Mahadsanidiin.

OGEYSIIS MUHIIM AH.Dugsigu Xaawotaako waxa uu Sabtida 22/8/2026 si rasmi ah u furayaa qaadashada ardayd cusub sannad-dug...
20/08/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH.

Dugsigu Xaawotaako waxa uu Sabtida 22/8/2026 si rasmi ah u furayaa qaadashada ardayd cusub sannad-dugsiyeedka 2026–2027.
Waxaan si gaar ah ugu boorrineynaa ardayda bilowga ah iyo ardayda cusub inay ka faa’iideystaan fursaddan, una soo hormaraan is-diiwaangelinta si ay u helaan boosaskooda.

Is-diiwaangeli 2026–2027, oo qayb ka noqo guusha soo socota!

Hambalyo, hambalyo, hambalyo!Waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u diraynaa ardaygeenna Cabdullahi Cabdi...
19/08/2026

Hambalyo, hambalyo, hambalyo!

Waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u diraynaa ardaygeenna Cabdullahi Cabdi Xaanshi oo ku guuleystay kaalinta afaraad ee imtixaanka Fasalka 8aad ee dowladda Hirshabelle.

Guushan aad gaartay waa mid sharaf iyo farxad weyn u ah adiga, waalidiintaada, macallimiintaada, dugsigaaga iyo guud ahaan bulshada Hirshabelle.
Guushaadu waxay tusaale iyo dhiirrigelin u tahay dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku dadaalaya waxbarashada.

Waxaan kuu rajaynaynaa guulo isdaba-joog ah iyo inaad mar walba noqoto ardayga ugu horreeya ee dalkiisa iyo dadkiisa anfaca.
Hambalyo mar kale.

🎓 Guul Ayaa Idin rajeynaynaa & Natiijo farxad leh dhammaan ardaydeena! Bari oo arbaco ah waxa la shaacin doona natiijada...
18/08/2026

🎓 Guul Ayaa Idin rajeynaynaa & Natiijo farxad leh dhammaan ardaydeena!

Bari oo arbaco ah waxa la shaacin doona natiijada imtixaamka fasalka 8aad ee Dowladda Goboleedka Hirshabelle.
Waxaan dhammaan ardayda Hawo-Tako Primary & Secondary School u rajaynaynaa natiijooyin wanaagsan, guul iyo farxad.

Hambalyo! hambalyo Waxaan hambalyo iyo duco u diraynaa dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee Maanta ay u tahay maalin farxad i...
15/08/2026

Hambalyo! hambalyo

Waxaan hambalyo iyo duco u diraynaa dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee Maanta ay u tahay maalin farxad iyo damaashaad, gaar ahaan ardaydeena Dugsiga Xaawotaako, waxaana si kal iyo laab ah ugu direynaa hambalyo iyo bogaadin ardaydeenna qaaliga ah ee ku guuleystay imtixaanka.

Waxaad tihiin farxadda iyo faanka Dugsiga Xaawotaako. ❤️
Waxaan idiin rajaynaynaa guulo ka waaweyn tan,

Hambalyo dhammaantiin!

📢 SHAACINTA NATIIJADA IMTIXAANKA TEERAMKA LABAAD SANAD DUGSIYEEDKA 2025-2026 🎓Dhammaan ardayda fasallada dugsiga Sare ee...
12/08/2026

📢 SHAACINTA NATIIJADA IMTIXAANKA TEERAMKA LABAAD SANAD DUGSIYEEDKA 2025-2026 🎓

Dhammaan ardayda fasallada dugsiga Sare ee Haawo-Taako waxaa lagu wargelinayaa in natiijada imtixaanka Teeramka 2-aad la shaacin doono: Jimce, 14 Agoosto 2026.

Mahadsanidiin

🚨 Ardayeey diyaar ma tihiin?! 😍01 SEP 2026 —Safarkii aqoontu dib ayuu  ubilaabanayaa!20 maalmood oo keliya ayaa inaga xi...
11/08/2026

🚨 Ardayeey diyaar ma tihiin?! 😍

01 SEP 2026 —Safarkii aqoontu dib ayuu ubilaabanayaa!

20 maalmood oo keliya ayaa inaga xigta furitaanka dugsiga!

Hadaba diyaarso buugtaada, qalimaantaada, boorsadaada iyo dhamaan wixii kaa caawin lahaa waxbarashadaada, oo cusboonaysii himiladaada, oo niyadda u diyaari sannad cusub oo guul leh.

Address

Hiiraan, Beledweyn
Beledweyne

Telephone

+252614369349

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hawo-Tako PSS Beledweyne posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Hawo-Tako PSS Beledweyne:

Shortcuts

Share

Category