17/07/2026
π LABORATORY OO KU GUULEYSATAY KOOBKA TARTANKA KUBADDA CAGTA JAAMACADDA HIIRAAN 2026
Waxaa maanta si guul leh loo soo gabagabeeyay Final-ka Tartanka Kubadda Cagta Jaamacadda Hiiraan 2026, kaas oo dhex maray kooxaha IT Semester 4 iyo Medical Laboratory.
Kulanka ayaa ahaa mid xiiso badan oo ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar tayo sare leh. Markii waqtigii caadiga ahaa lagu kala bixi waayay, waxaa lagu go'aamiyay rigoore, iyadoo ugu dambeyn Medical Laboratory ay ku guuleysatay koobka tartanka.
Hambalyo kooxda Medical Laboratory oo noqotay Horyaalka Tartanka Kubadda Cagta Jaamacadda Hiiraan 2026, waxaana sidoo kale bogaadin mudan kooxda IT Semester 4 oo soo bandhigtay dadaal iyo ciyaar wanaagsan intii uu tartanku socday.
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan kooxihii ka qaybgalay tartanka, guddiga qabanqaabada, garsoorayaasha iyo taageerayaashii ka qeyb qaatay guusha tartankan.
Hambalyo Champions! ππ
16/07/2026
Natiijada Kulanka Final-ka
15/07/2026
π SAADAALI OO KU GUULEYSO $25
β½ FINAL-KA TARTANKA KUBADDA CAGTA EE JAAMACADDA HIIRAAN 2026
II Semester 4 π Laboratory
Berri β 16 Luulyo 2026
π Saacadda: 4:00 PM
Afyare Stadium
Ma kula tahay inaad taqaan kooxda ku guuleysan doonta koobka? π
β
Like saar bogga Jaamacadda Hiiraan.
β
Share garee post-kan.
β
Comment-ka ku qor kooxda guuleysan doonta iyo natiijada aad saadaalineyso.
Qofka ugu horreeya ee si sax ah u saadaaliya kooxda guuleysan doonta iyo natiijada Final-ka wuxuu ku guuleysan doonaa abaalmarin lacageed oo dhan $25.
Ha moogaan Final-ka ugu weyn Tartanka Kubadda Cagta Jaamacadda Hiiraan 2026. Berri 4:00 PM ayaa lagu ballansan yahay Afyare Stadium. Kaalay oo la wadaag xiisaha horyaalka! πβ½
15/07/2026
πΈ Sawirrada Maalintii 4-aad ee Todobaadka Hidaha iyo Dhaqanka Jaamacadda Hiiraan
Waxaa halkan idinkula wadaagaynaa sawirrada maalintii saddexaad ee Todobaadka Hidaha iyo Dhaqanka Jaamacadda Hiiraan, oo ku suntanaa bandhigyo, aqoon-isweydaarsi, iyo soo bandhigidda hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu xoojinayay ilaalinta hiddeheenna, kobcinta aqoonta dhaqanka, iyo dhiirrigelinta jiilka cusub si ay u bartaan una ilaashadaan dhaqankooda.
Jaamacadda Hiiraan waxay mar walba u taagan tahay horumarinta aqoonta, dhaqanka, iyo wacyigelinta bulshada.