Hiiraan International University

Call Contact the school

Hiiraan International University Hiiraan International University is a nonprofit and private institution. The main drive of founding HIU

It was officially established in Hiiraan, Somalia, in 2018 by a group of Somali scholars and Intellectuals.

Kusoo dhawaada Jaamacadda Hiiraan faraca labaad  Bulo-burte dhamaan ardaydeena cusub.Hiiraan University  Bulo-burte Camp...
19/10/2026

Kusoo dhawaada Jaamacadda Hiiraan faraca labaad Bulo-burte dhamaan ardaydeena cusub.
Hiiraan University
Bulo-burte Campus

JAAMACADDA HIIRAAN  FARACA DEGMADA BUULOBURTEWaxbarashada Campus-ka Labaad ee Jaamacadda Hiiraan oo si rasmi ah u bilaab...
19/10/2026

JAAMACADDA HIIRAAN FARACA DEGMADA BUULOBURTE
Waxbarashada Campus-ka Labaad ee Jaamacadda Hiiraan oo si rasmi ah u bilaabatay.
Waxaa si rasmi ah u bilaabatay waxbarashada ardayda Campus-ka labaad ee Jaamacadda Hiiraan, faraceeda Degmada Buuloburte, maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka Oktoobar 2026.
Bilowgan cusub wuxuu astaan u yahay horumarinta waxbarashada sare, kobcinta aqoonta dhallinyarada iyo ballaarinta fursadaha waxbarasho ee bulshada ku dhaqan Degmada Buuloburte iyo deegaannada ku xeeran.
Maamulka Jaamacadda Hiiraan wuxuu dhammaan ardayda u rajaynayaa guul, dadaal iyo horumar waxbarasho, isagoo ku dhiirrigelinaya inay ka faa’iidaystaan fursaddan qiimaha badan si ay u gaaraan himilooyinkooda aqooneed.
See less

17/10/2026

GUDDOOMIYAHA DEGMADA BUULO-BURTE OO SI RASMI AH U DAAHFURAY FARACA LABAAD EE JAAMACADDA HIRAAN

Guddoomiyaha Degmada Buulo-Burte, Mudane Xasan Farah Hassan, ayaa si rasmi ah u daahfuray xafladda furitaanka faraca labaad ee Jaamacadda Hiiraan ee Degmada Buulo-Burte.

Guddoomiyuhu wuxuu soo dhaweeyay tallaabadan muhiimka ah ee lagu horumarinayo waxbarashada sare, isaga oo muujiyay muhiimadda ay jaamacaddu u leedahay kobcinta aqoonta dhalinyarada, horumarinta bulshada iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan.

Daahfurka faracan cusub wuxuu guul weyn u yahay bulshada Degmada Buulo-Burte iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan, maadaama uu sare u qaadayo helitaanka fursadaha waxbarasho ee heer jaamacadeed, isla markaana dhalinyarada u abuurayo rajo iyo fursado cusub oo aqooneed.

17/10/2026

DUQA DEGMADA BUULO-BURTE OO SI DIIRRAN U SOO DHAWEEYAY FARACA LABAAD EE JAAMACADDA HIRAAN

Duqa Degmada Buulo-Burte, Mudane Ciise Sharawe Cabdi, ayaa khudbad qiimo leh ka jeediyay munaasabadda furitaanka faraca labaad ee Jaamacadda Hiiraan ee Degmada Buulo-Burte, isaga oo si weyn u soo dhaweeyay tallaabadan muhiimka ah ee horumarinta waxbarashada iyo kobcinta aqoonta bulshada.

Duqa degmada ayaa muujiyay sida ay muhiimka u tahay helitaanka fursado waxbarasho oo heer jaamacadeed ah, kuwaas oo dhalinyarada u suuragelinaya inay aqoontooda ku horumariyaan deegaankooda, isla markaana door muuqda ka qaataan dib-u-dhiska iyo horumarka bulshada.

Furitaanka faracan cusub wuxuu astaan u yahay horumar, rajo iyo mustaqbal wanaagsan oo u furmaya dhalinyarada iyo bulshada ku nool Degmada Buulo-Burte iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan.

DAAHFURKA FARACA LABAAD EE JAAMACADDA HIIRAAN – DEGMADA BUULO-BURTESawirrada Marti-sharafta Munaasabadda Daahfurka.Waxaa...
17/10/2026

DAAHFURKA FARACA LABAAD EE JAAMACADDA HIIRAAN – DEGMADA BUULO-BURTE
Sawirrada Marti-sharafta Munaasabadda Daahfurka.
Waxaa si rasmi ah loo daahfuray faraca labaad ee Jaamacadda Hiiraan ee Degmada Buuloburte, munaasabad muhiim u ah horumarinta waxbarashada sare, kobcinta aqoonta iyo dhismaha mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay marti-sharaf kala duwan oo isugu jiray madaxda dowladda, maamulka jaamacadda, hoggaanka dhaqanka, culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
**Marti-sharaftii ka soo qayb gashay munaasabadda waxaa ka mid ahaa:*
1. *Guddoomiyaha Degmada Buuloburte*
2. *Duqa Degmada Buuloburte*
3. *Agaasimaha Wasaaradda Amniga ee Dowladda Hirshabeelle*
4. *Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda Hiiraan*
5. *Odayaasha Dhaqanka*
6. *Culimada*
7. *Bahda Dhaqaatiirta*
8. *Maamulayaasha Dugsiyada*
9. *Bulshada sharafta leh ee Degmada Buuloburte*
Daahfurka faraca labaad ee Jaamacadda Hiiraan waa tallaabo taariikhi ah oo kor u qaadaysa helitaanka waxbarashada sare, abuuraysa fursado waxbarasho oo dheeraad ah, isla markaana dhiirrigelinaysa horumarka bulshada iyo mustaqbalka dhallinyarada.
Jaamacadda Hiiraan waxay u mahadcelinaysaa dhammaan madaxda, marti-sharafta, odayaasha dhaqanka, culimada iyo bulshada sida qiimaha leh ee ay uga soo qaybgaleen munaasabaddan taariikhiga ah.





Soo Dhaweynta Wafdiga Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir MaxamedMaanta, Jaamacadda Hiiraan waxaa si diirran loogu soo dhawe...
29/09/2026

Soo Dhaweynta Wafdiga Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed
Maanta, Jaamacadda Hiiraan waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayay Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed, oo ka mid ahaa Dufcaddii Koowaad ee Jaamacadda Hiiraan, kana qalin-jabiyay sanadihii 2013–2014.
Xildhibaanku wuxuu ka qayb qaatay Usbuuca Soo-dhaweynta Ardayda Cusub, isagoo si diirran u soo dhaweeyay ardayda cusub ee ku soo biirtay Jaamacadda Hiiraan sanad-dugsiyeedka 2026–2027.
Intii uu la hadlayay ardayda, Xildhibaanku wuxuu la wadaagay kalmado dhiirigelin, talo iyo tusaalooyin ku saabsan muhiimadda waxbarashada, dadaalka iyo ka faa’iidaysiga fursadaha aqooneed ee ay Jaamacaddu u soo bandhigayso.
Jaamacadda Hiiraan waxay uga mahadcelinaysaa Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed booqashadiisa iyo taageerada uu u muujiyay jiilka cusub ee ardayda Jaamacadda. www.hiiraanuniversity.edu.so
👉WhatsApp:https://wa.me/252610645590


29/09/2026

USBUUCA SOO-DHAWAYNTA ARDAYDA CUSUB

Maanta, Jaamacadda Hiiraan waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay Ardayda Cusub ee Full-Time-ka, kuwaas oo ku soo biiray Jaamacadda sanad-dugsiyeedka 2026/2027.

Soo-dhawayntan waxay qayb ka tahay Usbuuca Soo-dhawaynta Ardayda Cusub, kaas oo loogu talagalay in ardaydu si wanaagsan ugu bartaan Jaamacadda, nidaamka waxbarashada, maamulka iyo adeegyada kala duwan ee ay Jaamacaddu bixiso.

Munaasabadda waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Hiiraan, Eng. Ahmed Mohamed Nor, oo ardayda cusub kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan fursadda waxbarasho, kuna dadaalaan aqoon, anshax iyo horumar.

Ku soo dhowaada Jaamacadda Hiiraan – Hoyga Aqoonta iyo Akhlaaqda.





29/09/2026

Muuse Cabdi Xaaji, oo ah mid ka mid ah ardayda cusub ee ku soo biirtay Jaamacadda HIIRAAN, ayaa muujiyay farxaddiisa ku aaddan soo dhoweyntii diirranayd ee uu kala kulmay maamulka Jaamacadda.

Wuxuu bogaadiyey habsami-u-socodka isdiiwaangelinta iyo sida quruxda badan ee loogu soo dhaweeyay maalintiisii ugu horreysay.

Ku soo dhowow Jaamacadda HIIRAAN – Hoyga Aqoonta iyo Mustaqbalka.

29/09/2026

Nimco Cismaan Muumin, oo ah mid ka mid ah ardayda cusub ee ku soo biirtay Jaamacadda HIIRAAN, ayaa muujisay farxaddeeda ku aaddan soo dhoweyntii diirranayd ee ay kala kulantay maamulka Jaamacadda.

Waxay bogaadisay habsami-u-socodka isdiiwaangelinta iyo sida quruxda badan ee loogu soo dhaweeyay maalinteedii ugu horreysay.

Ku soo dhowow Jaamacadda HIIRAAN – Hoyga Aqoonta iyo Mustaqbalka.

COMING SOON Furitaanka Jaamacadda ee Ardayda Cusub 2026–2027Waa bilow cusub, waa aqoon cusub, waana fursad cusub oo lagu...
26/09/2026

COMING SOON
Furitaanka Jaamacadda ee Ardayda Cusub 2026–2027

Waa bilow cusub, waa aqoon cusub, waana fursad cusub oo lagu dhisayo mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed.

Hiiraan University – Beledweyn, Soomaaliya
The Garden of Knowledge and Virtue

Address

Hiiraan
Beledweyne
252

Telephone

+252610202888

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiiraan International University posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Hiiraan International University:

Shortcuts

Share