26/05/2026
“Midowga Ardeyda Jaamacada Horseed-Baidoa-Campus Oo uga horeeya Gudoomiyaha Midowga Ardeyda Mudane: Isgoowe Taliyow Aden waxaa Hambalyad Ciidul Adhxa Udirayan Dhaman Umada Islamka, Gaar ahaan Ardeyda iyo Waalidiinta Ee Baxda Horseed International University-Baydhabo Campus .
Allah naga aqbalo acmaashii wanaagsan, ciidana ciid kale caafimaad, nabad iyo barwaaqo hanagu gaarsiiyo.”
25/05/2026
إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Maamulka, Macallimiinta, Midowga Ardayda iyo dhammaan bahda Ardayda ee Horseed International University-Baydhabo Campus oo isku duuban waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ardayadaha walaalaha ah Fardowsa Hussein Ibrahim iyo Saabirin Hussein Ibrahim, oo hooyadood xalay ku geeriyootay magaalada Baydhabo.
Waxaan Alle uga baryeynaa marxuumadda in uu ka waraabiyo naxariistiisa Jannatul Firdowsa, qabrigeedana u waasiciyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxday, gaar ahaan Fardowsa iyo Saabirin.
Geeridu waa xaq, qof walbana wuu dhadhamin doonaa.
Allaha u naxariisto marxuumadda, samir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo. Aamiin.
MAJHOB HIU Baidoa Campus
23/05/2026
Hambalyo iyo bogaadin ayey Xukuumadda Midowga Ardayda, uga horeeyo Guddoomiyaha Midowga Ardayda Mudane Isgoowe Taliyow Aden u dirayaan Sowda Nor Mohamed Adam oo ka mid ah ardayda Jaamacadda Horseed International University, sidoo kalena kamid ah Xukuumadda Midowga Ardayda, taas oo maanta si guul leh u dhamaysatay xirfad muhiim ah oo la xiriirta barashada Computer-ka.
Waxaan kuu rajaynaynaa horumar, guul iyo mustaqbal ifaya. 👏💻🎓
Horseed International University-Baydhabo Campus
#2026
23/05/2026
SEMI FINAL – Kulan adag ayaa inoo balansan! ⚽🔥
Maanta waxaa foodda is daraya labada koox ee xooggan ee IT TEAM iyo C&S TEAM kulan ka tirsan Semi Final-ka Tartanka Sports-ka Horseed International University-Baydhabo Campus .
Waa ciyaar adag oo xamaasad gaar ah leh, labada dhinacna waxay diyaar u yihiin inay u dagaallamaan booska Final-ka. 💪🔥
🗓 24-May-2026
📍 Jinawkey
⏰ 4:30 PM
Guul iyo ciyaar qurux badan ayaan u rajaynaynaa labada kooxood. Taageerayaashana waxaan ka sugaynaa dhiirrigelin iyo taageero buuxda. 👏⚽
MAJHOB HIU Baidoa Campus
University
20/05/2026
🏁 Full-time
IT TEAM 3️⃣
BA TEAM 0️⃣ (Forfeit)
⚽ IT TEAM ayaa guusha ku qaadatay forfeit kadib markii BA TEAM aysan ciyaarta u soo xaadirin sidii loogu balansanaa. Hambalyo kooxda IT TEAM oo heshay 3-da dhibcood. 🏆🔥
Horseed International University-Baydhabo Campus
MAJHOB HIU Baidoa Campus
20/05/2026
🔥 KULANKA MAANTA 🔥
Tartanka Sports-ka HIU Baidoa Campus ayaa maanta si xiiso leh u dhex mari doona kooxda IT TEAM iyo BA TEAM. Labada kooxood ayaa diyaar u ah inay soo bandhigaan ciyaar adag, xirfad iyo tartan heer sare ah. ⚽🏆
📍 Jinawkey Stadium
🗓 20-May-2026
⏰ 4:00 PM
Kulankii uga dambeeyay ee Heerka Groupyada Kooxdii badisa ayaa usoo bixi doonta semifinal .
Taageerayaasha labada dhinac waxaa la filayaa inay garoonka kusoo bandhigaan dhiirigelin iyo jawi ciyaareed qurux badan. Guul kooxda dadaalka badan leh 💪🔥
Horseed International University-Baydhabo Campus
MAJHOB HIU Baidoa Campus
19/05/2026
𝗙𝗨𝗟𝗟 – 𝗧𝗜𝗠𝗘 🏆
⚽ Nursing ⑤
⚽ Computer Science ②
Kooxda Nursing ayaa guul muhiim ah ka gaartay kulankii maanta kadib ciyaar xiiso badan oo ay labada dhinac soo bandhigeen. 🔥👏
Kulanka ayaa ahaa mid ay ka muuqatay dadaal, tartan iyo ciyaar wanaag, iyadoo ciyaartoyda labada kooxood ay soo bandhigeen karti iyo anshax heer sare ah. 💪⚽
👏 Bogaadin gaar ah dhammaan ciyaartoyda iyo macallimiinta kooxaha oo door weyn ka qaatay quruxda iyo guusha tartanka.
Horseed International University HIU
Horseed International University-Baydhabo Campus
MAJHOB HIU Baidoa Campus
19/05/2026
Tartanka Sports-ka HIU Baidoa Campus ayaa maanta si rasmi ah u sii socda, iyadoo kulanka xiisaha badan uu dhex mari doono:
⚽ NURSING 🆚 C&S
📍 Jinawkey Stadium
🗓 19-May-2026
⏰ 4:00 PM
Labada kooxoodba waxay diyaar u yihiin ciyaar adag iyo tartan xamaasad leh. Taageerayaasha iyo ardayda waxaa lagu casuumayaa inay kasoo qeyb galaan kulankan muhiimka ah. 💪🔥
Horseed International University-Baydhabo Campus
MAJHOB HIU Baidoa Campus
18/05/2026
🏆 𝗙𝗨𝗟𝗟 – 𝗧𝗜𝗠𝗘 🏆
Computer Sciences ⑤
Information Technology ④
Kulankii galabta ee Tartanka Sports-ka HIU Baidoa Campus ayaa kusoo dhammaaday ciyaar aad u xiiso badan oo labada kooxood soo bandhigeen tartan iyo dadaal heer sare ah. 🔥👏
Labada dhinacba waxay muujiyeen ciyaar qurux badan, iskaashi iyo tartan wanaagsan oo ay ku riyaaqeen taageerayaasha garoonka kasoo qeyb galay. 💪⚽
Horseed International University-Baydhabo Campus
MAJHOB HIU Baidoa Campus
18/05/2026
🔥 KULANKA GALABTA 🔥
Tartanka Sports-ka HIU Baidoa Campus ayaa galabta si xiiso leh usii socda, waxaana wada ciyaari doona:
⚽ Information Technology 🆚 Computer Sciences
📍 Jinawkey
🕓 4:00 PM
📅 Sabti, 16 May 2026
Kulankan ayaa la filayaa inuu noqdo mid adag oo xamaasad badan leh.
Dhamaan taageerayaasha iyo ardayda HIU waxaa lagu casuumayaa inay kasoo qeyb galaan taageerada kooxahooda. 💪🔥
Horseed International University-Baydhabo Campus
MAJHOB HIU Baidoa Campus