Ma'mur Primary & Secondary School

Ma'mur Primary & Secondary School

Share

Ma’mur Primary and Secondary School

Home of Scientific Subjects

21/12/2025

Match Day Tomorrow

09/12/2025

Tartanka Aqoon iyo Akhlaaq barito waxaa arbacada ah 9-Dec-2025 waxaa is madalsan Fasalka 12aad iyo Fasalka 9 gebdhaha

09/12/2025

Isku aadka taranka aqoon iyo akhlaaq

01/12/2025

Mahadsanidiin Bahda Garaad Media 🙏 💯

01/12/2025
Photos from Garaad media's post 01/12/2025
21/11/2025

🎉 Hambalyo Maalinta Macallimiinta Soomaaliyeed! 🎉
21 November

Maanta waa maalin gaar u ah dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed ee u taagan iftiinka aqoonta, dulqaadka, hagidda iyo dhisidda jiilka berri.

Waxaan leenahay:

Hambalyo macallinow!
Adiga oo mar walba u taagan:

Inaad barato jiilalka mustaqbalka,

Inaad noqoto tusaale wanaagsan,

Inaad ku shaqeyso dulqaad, daacadnimo iyo jacayl,

Iyo inaad bulshada u noqoto iftiin aan marnaba bakhtin.

Mahadsanid macallin Soomaaliyeed!
Awooddaada iyo hawlkarnimadaada ayaa dhisaysa ummad waxgarad ah oo horumarta.

Illaahay ha idin barakeeyo shaqada aad waddaan, hana idin siiyo caafimaad, samir iyo horumar.

21 November – Maalinta Macallinka Soomaaliyeed
Hambalyo!

31/10/2025

Tacsi Tiiraanyo Leh (إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ)

Maamulka, macallimiinta iyo ardayda Dugsiga Macmuur waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyootay Marxuumad Sihaam Cali Maxamed, oo muddo la xanuunsanayd cudurka sokorta isla markaana ku geeriyootay magaalada Baydhabo.

Geerida Sihaam waxay tahay mid naxdin iyo murugo weyn ku reebtay dhammaan bahda waxbarashada dugsiga.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qabrigeedana u waasiciyo, ehelka iyo asxaabteedana samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo.

Photos from Ma'mur Primary & Secondary School's post 23/10/2025

Ujeeddo: Mahadnaq iyo bogaadin

Maamulka iyo Maclimiinta Dugsiga Macmuur waxa uu halkan uga mahadcelinayaa waalidiinta gabdhihii waxyeelladu ka soo gaartay shilkii gaari ee dhacay intii uu socday Imtixaanka Qaranka, sabirkooda, dulqaadkooda, iyo sida ay u garab istaageen caruurtooda muddadii daaweyntu socotay.
Dadaalkiinna iyo taageeradiinna joogtada ah waxay noqdeen tusaale wanaagsan oo muujinaya sida waalid Soomaaliyeed u guto kaalintiisa waalidnimo iyo daryeel.

Sidoo kale, maamulka dugsigu wuxuu uga mahadcelinayaa Wasaaraddaha Amniga iyo Caafimaadka, iyo qof kasta oo ka qayb qaatay daryeelka iyo xaaladda caafimaad ee ardaydaas, sida dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, macallimiinta iyo bulshada ku taageertay duco, booqasho ama dhaqaale.
Dadaalkiinna iyo wada-shaqeyntiinna ayaa suurta gelisay in gabdhahaasi si nabad ah dib uga dhameystiraan qaybdii ka harsaneeyd imtixaankoodi.

Mahadnag qaar ah :
Wasiirka wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Dowlada Koonfurgaleed, Wasiirkuxigeenka wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare,
Agaasimaha guud ee wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Dowlada Koonfurgalbeed , Agaasimaha imtixaanaadka iyo Shadooyinka wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Dowlada Koonfurgalbeed iyo Gudoonka Waxbarashada Degmada Baydhabo ee wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Dowlada Koonfurgalbeed.

Waxaan Alle uga baryaynaa in ardaydaas caafimaad buuxa iyo guul waxbarasho uu siiyo, dhammaantana uu ka dhowro shil iyo dhibaato kale.

Mahadsanidiin.

Photos from Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare DowladdaKoonfur Galbeed's post 18/10/2025
18/10/2025

Mudo ku dhow 4bilood maanta gabdhihii waxaay dib u bilaabeen qeeybta u harsaneeyd imtixaankii 2024/2025.
Waxaan idin rajaynaynaa in Alle wayni idin fududeeyo imtixaanka.

Want your school to be the top-listed School/college in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Wadajir Street (ADC VILLAGE)
Baydhabo

Opening Hours

Monday 07:00 - 13:30
Tuesday 07:00 - 13:30
Wednesday 07:00 - 13:30
Saturday 07:00 - 13:30
Sunday 07:00 - 13:30