25/05/2025
RAJO MODERN COLLEGE – – Goobta rajadaada waxbarasho ka bilaabato! 📚💡
Waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqaynaa furitaanka pageka Rajo Modern College, oo ah college casri ah oo badankiisu online yahay, si uu u daboolo baahida waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Maanta waa maalinta aad isbedel bilaabi karto!
Rajo Modern College waxay kuu tahay dariiqa kugu hagi doona iftiinka aqoonta iyo horumarka. Koorsooyinkeennu waa kuwo casri ah, macallimiintuna waa dad diyaar u ah inay kaa caawiyaan inaad gaarto yoolalkaaga.
Waxbarashadu maanta kuma xirna fasal keliya.
Rajo Modern College waxay kuu keenaysaa waxbarasho online ah oo tayaysan, si aad uga faa’iidaysato fursadaha adigoo jooga gurigaaga, shaqadaada, ama meel kasta oo aad joogto.
💻 Fursad cusub oo aad wax ku baran karto adigoo jooga gurigaaga!
Barnaamijyadeennu waxay u badan yihiin online, waxaana sidoo kale diyaar u nahay tababarro toos ah (offline) marka loo baahdo.
🎯 Ujeeddadeennu waa in aan dhisno bulsho leh aqoon, xirfad, iyo rajo cusub. Waxaan rumeysanahay in waxbarashadu tahay furaha guusha mustaqbalka.
👉 Ku soo biir safarka aqoonta ee RAJO MODERN COLLEGE – halka aad ka bilaabi doonto mustaqbal dhalaalaya!
📍 Nala soco Facebook-ga si aad ula socoto isdiiwaangelinta, jadwalka online-ka ah, iyo fursadaha waxbarasho ee cusub.
21/05/2025