University of Southern Somalia

University of Southern Somalia

Share

Welcome to our official account. Follow us for news and updates from the University of Southern Somalia. "Serving to the Community since May 5th 2004".

The University of Southern Somalia (USS) is an independent institution of higher learning. The mission of the university is to advance learning and develop knowledge that responds to the social and economic realities of Southern Somalia and to educate the next generation of Somalis without regard to social background, social status, or region of origin. The University of Southern Somalia is commit

26/05/2026

Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ardayda, shaqaalaha, iyo bulshada Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Adxaa.

Ciid Mubarak!

Waxaan idiin rajaynaynaa farxad, caafimaad, iyo barwaaqo .

19/05/2026

Heshiis Iskaashi oo Dhexmaray Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya iyo Ururka Kubadda Cagta KGS

Midowga Ardayda Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Ardayda, guddoomiye ku-xigeennadiisa iyo Madaxa Arrimaha Sports-ka, ayaa maanta heshiis iskaashi ah la saxiixday Ururka Kubadda Cagta KGS.

Ujeedka Heshiiska:

1. Xoojinta isdhexgalka ardayda Jaamacadda iyo bulshada inteeda kale.
2.Kor u qaadidda horumarinta ciyaaraha iyo tayeynta dhalinyarada.
3.Abuuridda jawi wada shaqeyn iyo isfaham bulsho.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Mr Ahmed iyo dhammaan maamulka Ururka Kubadda Cagta KGS sida diirran ee ay noogu soo dhoweeyeen xafiiskooda iyo wada shaqeynta wanaagsan oo ay noo muujiyeen.

Maskax fayow waxaa ka yimaada fikir iyo aqoon fayow.

Photos from University of Southern Somalia's post 19/05/2026

Photos from University of Southern Somalia's post 23/04/2026

University of Southern Somalia
Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya waxay si guul leh u qabatay kulan aqooneed ku saabsan Career Management iyo Professional Profiling, kaas oo shalay ka dhacay USS Hall, Baydhabo.

Kulankan oo ahaa mid aad u qiimo badan ayaa waxaa ka faa’iideystay arday iyo dhalinyaro badan oo bartay sida loo horumariyo:
1. CV-ga xirfadeed
2. Xirfadaha shaqo
3.Qorsheynta mustaqbalka

Waxaa mahad gaar ah u jeedinaynaa dhammaan ka qaybgalayaasha iyo cid kasta oo ka shaqeysay hirgelinta kulankan.

21/04/2026

Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya waxay martigelinaysaa Kulan aqooneed muhiim ah oo ku saabsan (Career Management) iyo (Professional Profiling).

Waxaa ka faa’iideysan doona ardayda iyo dhalinyarada doonaya inay horumariyaan CV-gooda, xirfadahooda, iyo mustaqbalkooda shaqo.

📅 Taariikh: 22 April 2026
🕒 Waqti: 3:30 PM
📍 Goobta: USS Hall, Baydhabo

Ka qaybgal oo horumarso mustaqbalkaaga!

15/04/2026

Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya waxay si rasmi ah u soo bandhigaysaa koorso gaaban oo ku saabsan Graphic Design, taas oo diiradda saaraysa barashada Adobe Photoshop laga bilaabo heer bilow ilaa heer xirfadeed.

📅 Taariikhda Bilaabashada: 20-ka April 2026
⏰ Waqtiga: 03:00 PM galabnimo
📍 Goobta: Hoolka Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya

Koorsadan waxaa bixinaya macallin khibrad sare leh oo ku takhasusay naqshadeynta garaafyada iyo suuq-geynta dijitaalka ah, isagoo adeegsanaya hab waxbarasho oo casri ah oo wax ku ool ah.

Jaamacaddu waxay ku dhiirrigelinaysaa dhammaan ardayda iyo daneeyayaasha inay ka faa’iidaystaan fursaddan qiimaha leh, si ay u horumariyaan xirfadahooda una gaaraan heer sare oo xirfadeed.

Photos from University of Southern Somalia's post 18/03/2026

Sawiro Q2aad
Midowga Ardayda Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, oo kaashanaya Maamulka Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, waxay maanta si wadajir ah u fuliyeen hawl samafal oo lagu gaarsiiyay dharka Ciidda carruur agoon ah, si ay ula qeybsadaan farxadda maalinta barakaysan ee Ciidda.

Photos from University of Southern Somalia's post 18/03/2026

Sawiro Q1aad
Midowga Ardayda Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, oo kaashanaya Maamulka Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, waxay maanta si wadajir ah u fuliyeen hawl samafal oo lagu gaarsiiyay dharka Ciidda carruur agoon ah, si ay ula qeybsadaan farxadda maalinta barakaysan ee Ciidda.

02/02/2026

Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya (USS) waxay si rasmi ah ugu faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo in diiwaangelinta ardayda cusub ee Bisha Febraayo ay hadda furan tahay.

Ardayda danaynaysa inay wax ka bartaan jaamacad tayo leh, fadlan booqda xarumaha Jaamacadda si aad u heshaan xog dheeri ah iyo hagid buuxda.

University of Southern Somalia

30/01/2026
Want your school to be the top-listed School/college in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Baydhabo

Opening Hours

Friday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00