Berdale Primary and Secondary School-BPSS

Berdale Primary and Secondary School-BPSS

Share

Hoyga Aqoonta Degmada Berdale

23/02/2026

Warbaahinta Qaranka ayaa maanta nagu soo booqatey Iskuulkeena Berdale Primary and Secondary School-BPSS

07/01/2026

Exam🖊📖
🎥Renzo Media

Photos from Berdale Primary and Secondary School-BPSS's post 07/01/2026

Maanta, ardayda Iskuulka Hoose, Dhexe iyo Sare ee Berdaale ayaa si rasmi ah ugu fadhiistay Imtixaanka Dhexe (Midterm Exam).
Imtixaanka ayaa u dhacay si nidaamsan oo deggen, iyadoo ay si dhow ula socdeen maamulka iskuulka, macallimiinta iyo kormeerayaasha imtixaanka.
Maamulka Iskuulka Berdaale wuxuu u rajaynayaa dhammaan ardayda guul iyo natiijooyin wax ku ool ah.
📚✍️
Maamulka Berdale Primary and Secondary School-BPSS .

04/11/2025

Sheekh Aadam Sheekh Saciid, oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Ganaany University, ayaa booqasho qiimo leh inoogu yimid Berdale Primary and Secondary School-BPSS

Photos from Berdale Primary and Secondary School-BPSS's post 04/11/2025

Maamulka Iskuulka Berdaale Primary and Secondary School ayaa soo dhoweyn diirran u sameeyey Sheekh Aadam Sheekh Saciid, Guddoomiyaha Jaamacadda Ganaany University, oo maanta booqasho qiimo badan ku yimid dugsiga.

Booqashada waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Berdaale iyo xubno ka socday Midowga Madaarista Degmada, iyadoo ujeedadu ahayd dhiirigelin iyo wacyigelin ku saabsan muhiimada waxbarashada, iyo sidoo kale in ardayda lagu baraarujiyo fursadaha waxbarasho ee Jaamacadda Ganaany ay u furan yihiin mustaqbalka dhow.

Maamulka iskuulka ayaa uga mahadceliyey booqashada qiimaha leh, iyagoo xusay in ay tahay tallaabo dhiirigelin u ah ardayda iyo macallimiinta, ayna rajeynayaan in xiriirka waxbarasho ee labada dhinac uu sii xoogaysto. Akhuna

01/11/2025

Maamul Ku-xigeenka Berdale Primary and Secondary School-BPSS ahna Guddoomiye Ku xigeenka Midowga Madaarista Degmada Berdaale Mudane Hassan
Oo kalmad qiimo badan ka jeediyey Daahfurka Berdale Bright Academy.
Berdale Primary and Secondary School-BPSS Akhuna

Photos from Berdale Primary and Secondary School-BPSS's post 30/10/2025

Abdullahi Hassan oo ah maamul Ku Xigeenka Iskuulka
Berdale Primary and Secondary School-BPSS
ayaa Maanta ka qeyb galay xafladda daahfurka college-ka cusub ee dhawaan Degmada si toos ah loogu daahfuray.

Xafladdan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxda waxbarashada degmada, macalimiin, waalidiin, iyo marti sharaf kale oo kala duwan.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, maamulka dugsiga
ayaa soo dhoweeyay tallaabadan cusub, isagoo ku tilmaamay mid dhiirrigelinaysa kororka fursadaha waxbarasho ee dhalinyarada degmada.

Sidoo kale, waxay bogaadiyeen labada maamule dadaalka ay sameeyeen aas-aasayaasha iyo maamulka college-ka cusub ee lagu magacaabo "Berdaale Bright Academy 📷 .

22/10/2025

Hambalyo & Bogaadin 🎉

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa sxbkay ( Mohamed Sabir ) oo loo magacaabay Maamul Ku-xigeenka Malable Primary & Malable Primary and Technical School

Abdirahim waa shakhsi daacad ah, hufan, karti iyo xilkasnimo ku shaqeeya. Maamulka cusub waa mid uu si sharaf leh u mudan yahay, waxaana rajaynayaa inuu sii laba jibaaro dadaalka uu u hayo horumarinta waxbarashada.

Hambalyo mar kale sxbkeyga qiimaha badan!
Guul iyo horumar joogto ah ayaan kuu rajaynayaa. 🌟👏

13/10/2025

Mahadnaq & Qaddarin Gaar ah👏

Anagoo ah Bahda Berdale Primary and Secondary School-BPSS, waxa aan halkan si qoto dheer ugu mahadcelineynaa Mahad Said Moallim (Akhuuna) oo ah wiil dhalinyaro ah oo u taagan horumarinta, bilicda iyo hufnaanta waxbarashada ee Degmada Berdale.

Mahad waa Wariye iyo cameraman muujiyey dadaal iyo go’aan adag oo ku aaddan sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa horumarka iyo waxqabadka iskuulka. Maalintii sabtida ahay, waxa aanu si rasmi ah u guddoonsiinay Shahaado Sharaf — taas oo ah aqoonsi iyo abaalmarin ku saabsan sida hagar la’aanta ah ee uu ula shaqeeyey iskuulka.

Sidoo kale, waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa labada wiil ee kale oo asxaabtiisa ah:

Mohamed Ibrahim Gurow( Mohamett Renzo ) — oo door weyn ka qaatay design-ka iyo qurxinta muuqaalka.

Abdifatah Adam Hassan — oo qeyb muhiim ah ka qaatay dhanka camera iyo duubista muuqaalada.

Mahadcelin gaar ah ayaan sidoo kale u diraynaa Akhuna Media, oo uu Mahad Said Moallim iska leeyahay, kaalin muhiim ah ka qaadatay soo gudbinta wararka iyo horumarka iskuulka.

Wada shaqeyntooda wanaagsan waxay ka tarjumaysaa sida ay dhalinyarada deegaanka ugu heelan yihiin horumarinta waxbarashada iyo bulshada.

Waxaan u rajeyneynaa dhammaantood guul, horumar iyo barako joogto ah, waxaana ku dhiirrigelineynaa in ay sii wadaan shaqada qiimaha badan ee ay bulshada u hayaan.

“Horumarka waxbarashada waa iftiinka mustaqbalka.” ✨📸

— Maamulka iyo Macallimiinta
Berdale Primary and Secondary School-BPSS

13/10/2025

-2025
Berdale Primary and Secondary School-BPSS
Berdale Primary and Secondary School-BPSS

13/10/2025

Hassan Sugow ayaa Xaflada Qur'aanka kariimka ku Daahfuray
Xaflada Qalinjabinta Ardayda Berdale Primary and Secondary School-BPSS 📷 Mohamett Renzo Akhuna 2025
Berdale Primary and Secondary School-BPSS

Want your school to be the top-listed School/college in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Baydhabo