Wadajir community primary and secondary school

Wadajir community primary and secondary school

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wadajir community primary and secondary school, School, dugandug, Baydhabo.

26/05/2026

🌙✨ Ciid Mubaarak ✨🌙

Waxaan guud ahaan Muslimiinta caalamka, gaar ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxa.

Alle waxaan ka baryaynaa inuu ciiddaan ciideeda nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad, barwaaqo iyo walaaltinimo.
Waxaan sidoo kale idiin rajeynayaa in maalmaha ciida aad ku qaadataan farxad, reyn-reyn iyo jacayl qoys.
كل عام وأنتم بخير
Ciid Wanaagsan dhammaantiin.

Photos from RAAD MEDIA's post 24/05/2026
Photos from Wadajir community primary and secondary school's post 24/05/2026

Hambalyo Hambalyo
Waxaa si sharaf iyo farxad leh hambalyo ugu direynaa Fasalka 4aad oo ku guuleystay tartankii k**a dambeysta ahaa ee ay wada yeesheen Fasalka 8aad. Guushan waxay timid kadib dadaal, karti iyo isku duubni aad muujiseen.

Sidoo kale waxaan bogaadin iyo dhiirrigelin u direynaa Fasalka 8aad oo soo bandhigay tartan xiiso iyo xamaasad badan lahaa. Guushu mar walba waxay la jirtaa qofka dadaala.

Hambalyo mar kale Fasalka 4aad — waad istaahishaan guushan!

21/05/2026

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO
Waxaan u hambalyeynaynaa . oo Ku guuleystey Gudoonka Midawga ardayda Jaamacada Jubbada Sare.

Dr. Abdirashid waxaa uu kamid yahay ardaydii Ka aflaxdey Dugsiga Wadajir CPSS. Waxaan uuna Ku suntanyahay karti, dadaal iyo hawlkarnimo.

Waxaa kuu rajeyneynaa guulo kale oo badan.

Photos from Wadajir community primary and secondary school's post 13/05/2026

Hambalyo Hambalyo
Waxaan u hambalyeynaynaa Fasalka 4aad Dugsiga Sare oo Ku guuleystey tartan ciyaareedkii 2025-2026 ee Dugsiga.
Guulo kale oo badan idin rajeyneynaa.

13/05/2026

Ciyaarta k**a dambeysta ah ee tatartan ciyaareedka 2025-2026.

Waxaa ciyaarta k**a dambeysta ah wada ciyaari doona Fasalada 7aad iyo form four (4).

Guul ayaan idin rajeyneynaa!


12/05/2026

Wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee KGS ayaa shaacisay waqtiga lageli doono imtixaanka fasalka 8aad, diyaar garow wacan dhammaan ardeyda fasalka 8aad ee dowladda KGS gaar ahaan ardeydeena fasalka 8aad.
guul ayaan idin rajeynaynaa I.a.

Hoyga tacliinta iyo tarbiyada Wadajir CPSS

Photos from Wadajir community primary and secondary school's post 05/01/2026

Waxaa si nabad ah noogu billawdey imtixaanka Qimeynta ardayda shahaadiga ah ee Form 4 iyo Fasalka 8aad.

Guul ayaan idin rajeynaa dhammaan ardaydeena!!

25/12/2025

Waxbarashada waa tiirka ugu muhiimsan ee horumarka qofka iyo bulshadaba.


Educating minds, Nurturing character.

Want your school to be the top-listed School/college in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Dugandug
Baydhabo