11/04/2026
Ardaydii h**e uga aflaxday Primary and Secondary School ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ku qabtay magaalada Muqdisho shir muhiim ah oo ay ku xoojinayaan iska warqabkooda, aqoontooda iyo horumarka mustaqbalka.
Tani waxay mar kale muujinaysaa tayada waxbarasho, hogaaminta iyo isku xirnaanta ardayda kasoo baxda . Iskuulkan wuxuu soo saaraa arday leh aqoon, akhlaaq iyo himilo fog oo bulshada wax ku soo kordhiya.
– Hoyga Aqoonta iyo Horumarka Jiilka Mustaqbalka.
waa
iyo
.
01/04/2026
.
Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan Waalidiinta, Ardayda iyo Bahda Waxbarashada in Iskuulka Al-Ain dib loo furayo kaddib maalmihii yaraa ee shaqaaqadu jirtay.
Waxbarashada waxay si rasmi ah u bilaabanaysaa Sabtida soo socota oo taariikhdu ku aaddan tahay 04/04/2026.
Maamulka Iskuulka wuxuu xaqiijinayaa in jawigu uu yahay mid deggan oo ammaan ah oo ku habboon waxbarashada, si ardaydu ugu soo laabtaan fasalladooda si habsami leh.
Ku soo dhowaada dib u bilow cusub oo waxbarasho. 📚
Mustaqbalkiinnu waa mudnaanteenna. ✨
22/03/2026
.
Ogaysiis: Dib uga Soo Noqoshada Fasaxa!!!.
Waxaa la ogeysiinayaa ardayda, macalimiinta iyo waalidiinta in dib looga soo laabanayo fasaxii 10-kii dambe ee bisha Ramadan iyo Ciidda. Waxbarashadu waxay si rasmi ah u bilaabanaysaa maalinta berito ah 23/03/2026, sidaa darteed dhammaan ardayda waxaa la farayaa inay waqtigooda ku soo xaadiraan dugsiga.
Waxaan rajaynaynaa fasax wanaagsan oo barako leh, soo dhowaada mar kale. 🌙✨📚
09/03/2026
Hambalyo ayaan u dirayaa ardayda Al-Ain School oo maanta si sharaf leh uga soo gudbay Semi-finalka Tartan Aqooneedka bisha Ramadaan isla markaana u gudbay Finalka. Guushan waxay muujinaysaa dadaalkiinna, aqoontiinna iyo shaqada adag ee aad geliseen. Waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo horumar marka aad gaartaan Finalka. Allaha idiin sahlo guusha. 🌙📚🏆
04/03/2026
🎊 Hambalyo iyo Bogaadin: Guuleystayaasha Tartan Aqooneedka Cilmi iyo Akhris.
Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u diraynaa ardayda iyo macalimiinta labada fasal ee saaka muujiyey dadaalka iyo aqoonta sare, kuwaas oo kala ah:
Fasalka 9aad (A) iyo 7aad Bareejo galeen 🏆
Fasalka 5aad (A) 🏆
Waxaad muujiseen kalsooni, aqoon iyo wadajir, taas oo keentay inaad ka dhex muuqataan afartii fasal ee saaka ku tartamay tartanka Cilmi iyo Akhris. Guushu waxay raacdaa qofka dhabarka u rita barashada iyo akhriska.
"Aqoontu waa iftiinka nolosha, tartankuna waa jidka lagu kala saaro dadka dadaalay."
Guul iyo horumar joogto ah ayaan idiin rajaynayaa dhammaantiina!.
25/02/2026
🎊 Hambalyo iyo Bogaadin: Guuleystayaasha Tartan Aqooneedka Cilmi iyo Akhris.
Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u diraynaa ardayda iyo macalimiinta labada fasal ee saaka muujiyey dadaalka iyo aqoonta sare, kuwaas oo kala ah:
Fasalka 8aad (A) 🏆
Fasalka 5aad (B) 🏆
Waxaad muujiseen kalsooni, aqoon iyo wadajir, taas oo keentay inaad ka dhex muuqataan afartii fasal ee saaka ku tartamay tartanka Cilmi iyo Akhris. Guushu waxay raacdaa qofka dhabarka u rita barashada iyo akhriska.
"Aqoontu waa iftiinka nolosha, tartankuna waa jidka lagu kala saaro dadka dadaalay."
Sidoo kale, waxaan dhiirigelin u diraynaa fasallada 8aad (B) iyo 4aad ee tartanka qaybta ka ahaa; ka qaybgalka tartanka laftiisu waa guul iyo waayo-aragnimo cusub.
Guul iyo horumar joogto ah ayaan idiin rajaynayaa dhammaantiina!.
24/02/2026
.
"Berito waxaa dhici doona tartan aqooneedka ugu xiisaha badan ee Cilmi iyo Akhris. Waxaa foodda is dari doona fasallada ugu firfircoon dugsiga.
1-aad: 8A 🆚 Fasalka 4.
2-aad: 8B 🆚 5B.
🏆 Yaa berito naga yaabsan doona? Ku soo qor saadaashaada faallada (Comment-ka) hoose! 👇"
.
.
.
23/02/2026
Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulka Al-ain Primary and Secondary School waxay Hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaan ardayda tartan aqooneedka ku metelaysay iskuulka ee guusha weyn kasoo hooyay tartankii dhacay shalay.
Waxaan ardayda u rajaynaynaa inay halkaas kasii wadaan dadaalka, guulaha dambena ay noqdaan kuwa intaan ka sii ballaaran. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinaynaa Waalidiintii iyo Macalimiintii dadaal iyo maskaxba ku bixiyay ardaydan qiimaha badan.
:
Ardayda waa in ay ilaaliyaan Asluubta iyo Anshaxa ardaynimo ayna soo bandhigaan Aqoon iyo Akhlaaq.
19/02/2026
!!!
"Jimco Barkaysan dhammaantiin. Illaahay ha inoo dambi dhaafo, ducadeenana ha aqbalo, hami kasta oo aan qabnana ha inoo fududeeyo. ❤️✨ "
18/02/2026
Maamulka iyo macallimiinta Iskuulka waxay hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaan mid ka mid ah ardaydii ka aflaxday iskuulka, , oo loo doortay xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Ardayda Jaamacadda Caalamiga ah ee .
Guusha uu gaaray waxay marag u tahay dadaalkiisii iyo tayadii waxbarasho ee uu ka qaatay Iskuulka . Waxaan u rajaynaynaa inuu Rabbi kula garab galo xilkaas culus, una fududeeyo u adeegista bulshada iyo aqoonta.
Hambalyo mar kale, Guul iyo horumar ayaan kuugu rajaynaynaa!
17/02/2026
!
Maamulka, Macalimiinta, iyo dhammaan bahda Al-Ain Primary and Secondary School waxaan farxadda la qaybsanaynaa Muslimiinta guud ahaan gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed bilashada bisha Barakeysan.
Farriimaha Ramadaanka ee Bahda Iskuulka
: Waxaan idiin rajaynaynaa in bishan ay idiin noqoto mid aad kor ugu qaaddaan barashada diinta, akhriska Qur'aanka, iyo samaynta falalka wanaagsan.
& : Allaha idinka abaalmariyo dadaalka aad ugu jirtaan barbaarinta jiilka mustaqbalka, gaar ahaan xilli la isku darayo soonka iyo shaqada/waxbarashada.
: Ramadaanku waa bishii iscafiska iyo caawinta dadka danyarta ah.
Allaha naga dhigo kuwii ka faa'iideysta fadliga bishan.
"Soonku ma aha oo kaliya in laga af-haysto cuntada, balse waa in la dhowraa carrabka iyo hab-dhaqanka."
Ramadaan Mubaarak dhammaantiin!
13/02/2026
TACSI TIIRAANYO LEH
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Maamulka, Macalimiinta, iyo dhammaan Shaqaalaha Iskuulka Al-ain Primary and Secondary School, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan saaxiibkood Ustaad Mohamed Hussein Ganey oo caawa aabbihiis uu ku geeriyooday Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo Janaay.
Waxaan marxuumka Alle uga baryaynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qabrigana u nuuriyo. Dhammaan ehelka, qaraabada, iyo qoyska uu ka baxayna uu Alle siiyo samir iyo iimaan.
" Allah, u naxariiso, una dambi dhaaf, hoygiisana ka yeel Jannatul Firdowsa."
Samir iyo Iimaan, Ustaad Mohamed.