19/03/2026
Jaamacadda Baydhabo.
Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa dhammaan umadda Muslimiinta, gaar ahaan Maamulka Ardayda Jaamacadda Baydhabo, munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Fidriga. Waxaan idiin rajeynayaa caafimaad, farxad, iyo guulo hor leh.
Ciid Mubaarak dhammaantiin 🌙
15/03/2026
Asww. Hambalyo Dhamaan Maamulka ,Macalimiinta , Shaqaalaha & Ardeyda BU Baidoa University , waxaan idinku hambalyeynayaa Fasax 10ka danbe ee Ramadan aad gasheen iyo horumarkii aad Ka gaarteen waxbarashada gaar ahaan Ardeyda galay kaalimaha h**e.
Ka faa,iideysta habeenada harey.
15/03/2026
Hambalyo & Bogaadin.
Maamulka Jaamacadda Baydhabo Waxa ay hambalyo iyo bogaadin udirayaan oo kusoo baxdey Kaalinta 3aad Ee Jaamacadda Baydhabo sanad dugsiyeedka 2025-2026.
Waxa aan ku bogaadineynaa dadaalka iyo juhdiga ay gelisey waxbarashada, waxaana kuu rajeyneynaa guulo iyo horumar joogta ah.
Baidoa University
15/03/2026
Hambalyo & Bogaadin.
Maamulka Jaamacadda Baydhabo Waxa ay hambalyo iyo bogaadin udirayaan oo kusoo baxdey Kaalinta 2aad Ee Jaamacadda Baydhabo sanad dugsiyeedka 2025-2026.
Waxa aan ku bogaadineynaa dadaalka iyo juhdiga ay gelisey waxbarashada, waxaana kuu rajeyneynaa guulo iyo horumar joogta ah.
Baidoa University
15/03/2026
Hambalyo & Bogaadin.
Maamulka Jaamacadda Baydhabo Waxa ay hambalyo iyo bogaadin udirayaan Mohamed Yarrow oo kusoo baxdey Kaalinta 1aad Ee Jaamacadda Baydhabo sanad dugsiyeedka 2025-2026.
Waxa aan ku bogaadineynaa dadaalka iyo juhdiga ay gelisey waxbarashada, waxaana kuu rajeyneynaa guulo iyo horumar joogta ah.
Baidoa University
09/03/2026
OFFICIAL ANNOUNCEMENT
The Vice President of Baidoa University and the Dean of the Faculty of Medicine and Health Sciences have officially appointed the following Heads of Departments within the Faculty:
• Abdifatah Adawe Hussain – Head of the Department of Public Health
• Abdulqadir Mohamed Abdi (Qalinle) – Head of the Department of Nursing
• Fardowsa Isak Hussain – Head of the Department of Laboratory Science
• Dr. Abdulqadir Adan Mohamed (Saqaa) – Head of the Department of Clinical Medicine and Midwifery
These appointments are part of the University’s ongoing efforts to strengthen academic leadership and enhance the quality of education, research, and professional training within the Faculty of Medicine and Health Sciences at Baidoa University.
The University extends its sincere congratulations to the newly appointed Heads of Departments and wishes them success in their leadership roles and in advancing the mission of the Faculty.
09/03/2026
Ogeysiis Barnaamij
Mawduuc: How to Manage Waste Environment
(Sida loo maareeyo qashinka deegaanka)
Soo jeediye: Dr. Ali Moalin Hassan
📅 Taariikh: 10 March 2026 – Talaado
⏰ Waqti: 4:30 PM
📍 Goob: Baidoa University – Manin Campus
Barnaamijkan waxaa lagu baran doonaa sida loo maareeyo qashinka iyo ilaalinta deegaanka.
02/03/2026
OGEYSIIS BARNAAMIJ 🎤
📅 maalinta talaadada ayaa la qabanayaa barnaamij muhiim ah oo ku saabsan:
💻 “How to Become a Digital Marketing”
👤 Soo jeediye: Mohamed Isacck Hussien
💼 Title: Developer
🗓 Taariikh: 3 March 2026
⏰ Waqti: 4:30 PM (Galabnimo)
📍 Goobta: campus 1 Jaamacada Baydhabo
✨ Barnaamijkan wuxuu diiradda saari doonaa sida loo noqdo suuq-geeye dijitaal ah (Digital Marketer), xirfadaha loo baahan yahay, sida loo bilaabo, iyo fursadaha shaqo ee ka jira suuq-geynta online-ka.
📢 Ka faa’iidayso fursaddan oo ku baro xirfad mustaqbal leh!
02/03/2026
Jaamacadda Baydhabo BU waxay u hambalyeyneysaa Dr. Mahad.Alle hakuu fududeeyo xilka cusub.Amiin
27/02/2026
Waxaa si rasmi ah loo qabtay practical ku saabsan Anatomy of Upper Limbs oo loogu talagalay ardayda Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Baidoa. Practical-kan waxaa diiradda lagu saaray fahamka qaab-dhismeedka gacanta sare (lower limbs), oo ay ka mid yihiin lafaha, murqaha, kala-goysyada, neerfayaasha iyo xididdada dhiigga.
Intii lagu guda jiray practical-ka, ardaydu waxay barteen:
Aqoonsiga lafaha gacanta sare sida: clavicle, scapula, humerus, radius, ulna iyo lafaha gacanta (carpals, metacarpals iyo phalanges).
Fahamka kala-goysyada muhiimka ah sida garabka, xusulka iyo curcurka, iyo dhaqdhaqaaqyadooda (flexion, extension, abduction, adduction, pronation iyo supination).
Murqaha waaweyn sida biceps brachii, triceps brachii iyo deltoid, iyo shaqadooda.
Neerfayaasha iyo xididdada dhiigga ee quudiya gacanta sare iyo muhiimaddooda caafimaad.
Practical-kan waxaa qabtay Dr. Mahad Abdirashid, Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Baidoa , isaga oo ardayda si qoto dheer ugu sharaxay muhiimadda anatomy-ga iyo sida ay ula xiriirto xaaladaha caafimaad ee bukaan-socodka.
Guud ahaan, practical-kani wuxuu ahaa mid kor u qaaday aqoonta iyo xirfadaha ardayda, isla markaana xoojiyay fahamkooda ku aaddan qaab-dhismeedka iyo shaqada gacanta sare, taas oo aas-aasi u ah barashada caafimaadka iyo shaqada mustaqbalka.
Baidoa University